[1] Markaasaa Soofar oo ahaa reer Nacamaatii u jawaabay, oo wuxuu yidhi,
[2] Haddaba waxaa ii jawaaba fikirradayda, Oo sababtu waxay tahay degdegga igu jira.
[3] Waxaan maqlay canaanta i ceebaysa, Oo waxaa ii jawaabta waxgarashadayda.
[4] Miyaadan ogayn in waayihii hore iyo Tan iyo waagii binu-aadmiga dhulka la saaray
[5] Ay guulaysashada sharrowyadu gaaban tahay, Oo farxadda cibaadalaawayaashuna ay daqiiqad qudha tahay?
[6] In kastoo sarrayntiisu ay samada korto, Oo madaxiisuna uu daruuraha gaadho,
[7] Wuxuu weligiis u baabbi'i doonaa sida saxaradiisa oo kale. Oo kuwii isaga arki jiray waxay odhan doonaan, War meeh isagii?
[8] Sida riyo ayuu u libdhi doonaa, oo lama heli doono, Hubaal waxaa loo eryi doonaa sida riyada habeenka.
[9] Ishii isaga aragtay mar dambe ma ay arki doonto, Oo meeshiisiina mar dambe uma ay jeedi doonto.
[10] Carruurtiisu waxay wax ka baryi doonaan masaakiinta, Oo gacmahooduna dib bay u celin doonaan maalkiisa.
[11] Lafihiisana waxaa ka buuxa xoogga dhallinyaranimada, Laakiinse ciidda dhexdeeduu la jiifsan doonaa.
[12] In kastoo xumaantu afkiisa la macaan tahay, In kastoo uu carrabkiisa ku hoos qarsado,
[13] In kastoo uu kaydsado, oo uusan iska sii dayn, Laakiinse uu afkiisa ku sii haysto,
[14] Kolleyba cuntadiisu mindhicirkiisay ku beddelantaa, Oo waxay uurkiisa ku noqataa waabayo jilbis.
[15] Isagu maal buu liqay, laakiinse mar kaluu soo mantagi doonaa, Oo Ilaah baa calooshiisa ka soo saari doona.
[16] Wuxuu nuugi doonaa mariidka jilbisyada, Oo waxaa isaga dili doona mas carrabkiis.
[17] Oo ma uu fiirin doono webiyada, Iyo durdurrada la barwaaqaysan malabka iyo subagga.
[18] Wixii uu ku hawshooday wuu soo celin doonaa, oo ma uu liqi doono, Oo maalka uu faa'iidada u helayna siduu yahay uguma uu farxi doono.
[19] Waayo, wuxuu dulmay oo dayriyey masaakiinta, Oo wuxuu xoog ku qaatay guri uusan dhisin.
[20] Uurkiisu xasilloonaan ma lahayn, Taas daraaddeed waxa uu jecel yahay oo dhan waxba kama uu badbaadin doono.
[21] Wuxuu liqay wax ka hadhay lama arkin, Sidaas daraaddeed barwaaqadiisu siima raagi doonto.
[22] Markuu dheregsan yahay ayuu cidhiidhi dhex geli doonaa, Oo mid kasta oo belaayaysan gacantiisa ayaa ku soo degi doonta.
[23] Markuu ku dhow yahay inuu calooshiisa buuxsado, Ayaa Ilaah wuxuu ku soo tuuri doonaa kulaylka cadhadiis, Oo wuu ku soo shubi doonaa intuu wax cunayo.
[24] Wuu ka carari doonaa hubka birta ah, Oo qaansada naxaasta ahu fallaadh bay ka dhex dusin doontaa.
[25] Wuu soo jiidaa, kolkaasay jidhkiisa ka soo baxdaa, Hubaal caaradda dhalaalaysa ayaa beerkiisa ka soo baxda, Oo cabsi baa isaga ku dhacda.
[26] Gudcurka oo dhanna waxaa meel loogu kaydiyey khasnadihiisa; Oo dab aan la afuufin ayaa isaga dhammayn doona, Wuuna baabbi'in doonaa waxa teendhadiisa ku dhex hadhay.
[27] Samooyinku waxay daaha ka qaadi doonaan xumaantiisa, Oo dhulkuna isaguu ku kici doonaa.
[28] Hodanka reerkiisu wuu ka dhammaan doonaa, Oo maalinta cadhada Ilaah ayaa maalkiisu libdhi doonaa.
[29] Intaasu waxaa weeye qaybta ninkii shar ahu uu xagga Ilaah ka helayo, Iyo wixii Ilaah dhaxal ahaan ugu amray.