[1] Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
[2] Shakila'aan waxaad tihiin dadkii, Oo xigmad baa idinla dhiman doonta.
[3] Laakiinse aniguba waxgarasho baan leeyahay sidiinna oo kale, Oo weliba idinkama aan liito. Bal waxyaalahan oo kale kan aan garanaynu waa ayo?
[4] Waxaan la mid ahay sida mid saaxiibkiisu ku maadaysto, Anoo Ilaah baryay oo isna uu ii jawaabay, Ninkii xaq ah oo qumman waa lagu maadaystaa.
[5] Kii istareexsan fikirkiisu waa yaraystaa nasiibdarrada, Laakiinse diyaar bay u tahay kuwa cagtoodu simbiriirixato.
[6] Kuwa wax dhaca teendhooyinkoodu way barwaaqoobaan, Oo kuwa Ilaah ka cadhaysiiyaana ammaan bay ku joogaan, Oo Ilaahna gacmahooduu wax kasta uga buuxshaa.
[7] Laakiinse haatan bal xayawaanka wax weyddii, oo iyana wax bay ku bari doonaan, Iyo haadka hawada, oo iyana wax bay kuu sheegi doonaan,
[8] Amase bal dhulka la hadal, oo isna wax buu ku bari doonaa, Oo kalluunka badduna wax buu kuu sheegi doonaa.
[9] Bal yuu yahay kan aan waxyaalahan oo dhan ka garanayn Inay gacanta Rabbigu waxan samaysay?
[10] Kaasoo gacantiisa ku haya nafta wax kasta oo nool Iyo neefta binu-aadmiga oo dhan.
[11] War sow dhegtu erayada ma kala soocdo, Sida dhanxanagguba cuntadiisa u dhadhamiyo?
[12] Odayaashu waxay leeyihiin xigmad, Oo cimriga dheerna waxaa laga helaa waxgarasho.
[13] Isagu wuxuu leeyahay xigmad iyo xoog, Oo wuxuu leeyahay talo iyo waxgarasho.
[14] Bal eeg, isagu wax buu dumiyaa, Oo wuxuu dumiyana mar dambe lama dhisi karo, Nin buu xidhaa oo wax furi kara lama arko.
[15] Biyuhuu celiyaa, oo way iska gudhaan, Oo haddana wuu soo daayaa, markaasay dhulka qarqiyaan.
[16] Xoog iyo xigmaduba isagay la jiraan, Oo kan la khiyaaneeyey iyo kan wax khiyaaneeyaba isagaa iska leh.
[17] Taliyayaasha wuxuu u kaxaystaa sida booli la dhacay, Xaakinnadana nacasyo buu ka dhigaa.
[18] Wuxuu furaa boqorrada xidhan, Oo dhex-xidh buuna u xidhaa.
[19] Wadaaddadana sida booli la dhacay buu u kaxaystaa, Oo kuwa xoogga badanna wuu afgembiyaa.
[20] Kuwa la aaminayna wuu hadal beeliyaa, Oo odayaashana waxgarashaduu ka qaadaa.
[21] Amiirrada wuxuu ku shubaa quudhsasho, Kuwa xoogga badanna suunkooduu debciyaa.
[22] Wuxuu gudcurka ka soo saaraa waxyaalo mool dheer, Oo hooska dhimashadana iftiinkuu u soo bixiyaa.
[23] Quruumaha wuu badiyaa, oo haddana wuu wada baabbi'iyaa, Oo quruumaha wuu ballaadhiyaa, oo haddana wuu kexeeyaa,
[24] Wuxuu caqliga ka qaadaa madaxda dadyowga dhulka, Oo wuxuu iyaga ku warwareejiyaa meel cidla ah oo aan jid lahayn.
[25] Waxay wax ka haabhaabtaan gudcurka iyagoo aan iftiin lahayn, Oo wuxuu iyaga ka dhigaa inay u dhacdhacaan sida nin sakhraan ah.