Skip to content
Opens in a new window
Listen to this chapter • 2:28

[1] Xigmaddu gurigeeday dhisatay, Toddobadeedii tiirna way xaradhay.

[2] Neefafkeedii ayay qashay, oo waxay isku dartay khamrigeedii; Miiskeediina way diyaarisay.

[3] Oo gabdhaheedii midiidinnada ahaa ayay dirtay, oo waxay ka qaylinaysaa Magaalada meelaha ugu sarreeya, iyadoo leh,

[4] Ku alla kii garaaddaranu, halkan ha u soo leexdo. Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,

[5] Kaalaya oo kibistayda wax ka cuna, Oo khamriga aan isku darayna wax ka cabba.

[6] Garaadlaawayaashow, nacasnimada iska daaya, oo noolaada, Oo jidka waxgarashadana mara.

[7] Kii mid wax quudhsada toosiyaa, cay buu isu soo jiidaa, Oo kii kan sharka leh canaantana, ceeb baa ku dhacda.

[8] Mid wax quudhsada ha canaanan, waaba intaas oo uu ku necbaadaaye, Nin caqli leh canaano, oo isna wuu ku jeclaan doonaa.

[9] Nin caqli leh wax bar, oo isna caqli wuu sii yeelan doonaa. Nin xaq ah wax bar, oo isna waxbarasho wuu sii korodhsan doonaa.

[10] Rabbiga in laga cabsado waa xigmadda bilowgeeda, Oo Kan quduuska ah in la aqoonsadona waa waxgarasho.

[11] Waayo, maalmahaagu anigay igu badan doonaan, Oo cimrigaaguna waa sii kordhi doonaa.

[12] Haddaad caqli leedahay naftaadaad caqli u leedahay, Laakiinse haddaad wax quudhsato, adiga uun baa waxquudhsashadaada xambaaran doona.

[13] Naagta nacasadda ahu waa qaylo badan tahay, Iyadu way garaaddaran tahay, oo waxba ma taqaan.

[14] Waayo, waxay fadhiisataa illinka gurigeeda, Oo kursi bay ku fadhiisataa meelaha sarsare ee magaalada,

[15] Inay u yeedho kuwa jidka maraya, Iyagoo jidadkooda iska sii soconaya,

[16] Ku alla kii garaaddaranu halkan ha u soo leexdo, Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,

[17] Biyo la soo xaday way macaan yihiin. Oo cunto qarsoodi loo cunaana wax bay ka farxisaa.

[18] Laakiinse isagu garan maayo in kuwii dhintay ay halkaas joogaan, Iyo in martideedii ay She'ool guntiisa ku jiraan.

Maahmaahyadii — Chapters