[1] Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid, Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid,
[2] Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid, Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid;
[3] Haddaad wax-kala-garashada ka daba qaylisid, Oo aad codkaaga waxgarashada kor ugu qaaddid;
[4] Haddaad iyada u raadisid sida lacagta oo kale, Oo aad u doondoontid sida maal qarsoon,
[5] Markaas waxaad garan doontaa Rabbiga ka cabsashadiisa, Oo waxaad heli doontaa aqoonta Ilaah.
[6] Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.
[7] Isagu kuwa xaqa ah xigmad buu u kaydiyaa, Oo kuwa daacadnimada u socdana waa u gaashaan.
[8] Isagu wuxuu dhawraa waddooyinka garta, Oo wuxuu xannaaneeyaa jidka quduusiintiisa.
[9] Markaasaad garan doontaa xaqnimada, iyo garta, Iyo caaddilnimada, iyo jid kasta oo wanaagsan.
[10] Waayo, waxaa qalbigaaga soo geli doonta xigmadda, Oo aqoontuna waxay ka farxin doontaa naftaada;
[11] Digtoonaanta baa ku xanaanayn doonta, Oo waxaa ku dhawri doonta waxgarashada,
[12] Si lagaaga samatabbixiyo jidka kan sharka ah, Iyo dadka waxyaalaha qalloocan ku hadla,
[13] Oo qummanaanta waddooyinkeeda ka taga, Si ay jidadka gudcurka ugu socdaan,
[14] Oo ay ku reyreeyaan inay xumaan falaan, Oo ay qalloocnaanta kan sharkaa ku farxaan;
[15] Oo jidadkoodu maroorsan yihiin, Oo waddooyinkooduna qalloocan yihiin,
[16] In lagaa samatabbixiyo naagta qalaad, Xataa naagta qalaad oo hadalladeeda kugu sasabata,
[17] Taasoo ka tagta horseedkii yaraanteeda, Oo illowda axdigii Ilaaheeda;
[18] Waayo, gurigeedu wuxuu ku foororaa dhimasho, Oo waddooyinkeeduna waxay ku dhaadhacaan kuwii dhintay.
[19] Kuwa iyada u gala midkoodna sooma noqdo, Oo waddooyinka noloshana ma ay helaan.
[20] Waa inaad ku socotid jidka dadka wanaagsan, Oo aad dhawrtid waddooyinka kuwa xaqa ah.
[21] Waayo, kuwa qummanu dhulkay fadhiyi doonaan, Oo kuwa kaamilka ahuna way sii joogi doonaan.
[22] Laakiinse kuwa sharkaa waa laga gooyn doonaa dhulka, Oo khaayinnadana waa laga rujin doonaa.