[1] Boqorka qalbigiisu wuxuu ku jiraa gacanta Rabbiga sida webiyada biyaha ah, Oo wuxuu u leexiyaa meel alla meeshuu doonayo.
[2] Nin jidkiis waluba waa la qumman yahay isaga, Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu miisaamaa.
[3] Waxaa Rabbigu allabari ka sii jecel yahay In xaqnimo iyo gar la sameeyo.
[4] Indho qab weyn iyo qalbi kibirsan, Kuwaas oo ah kuwa sharka leh laambaddoodu waa dembi.
[5] Kuwa dadaala fikirradoodu waxay u geeyaan barwaaqo. Laakiinse ku alla kii degdeg badanu wuxuu u degdegaa inuu wax u baahdo oo keliya.
[6] Khasnadihii carrab been badan lagu helaa waa sida ceeryaamo hor iyo dib loo kaxeeyey, Oo kuwa doondoontaana dhimashay doonaan.
[7] Kuwa sharka leh dhacoodu iyaguu baabbi'in doonaa, Maxaa yeelay, iyagu waxay diidaan inay gar sameeyaan.
[8] Ninkii eed badan qaba jidkiisu aad buu u qalloocan yahay, Laakiinse kii daahirsan shuqulkiisu waa hagaagsan yahay.
[9] In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo.
[10] Kii shar leh naftiisu xumaan bay doonaysaa, Oo deriskiisuna raallinimo kama helo hortiisa.
[11] Markii mid wax quudhsada la taqsiiro, garaadlaawahu wuu caqliyaystaa, Oo kii caqli leh marka la edbiyona aqoon buu helaa.
[12] Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.
[13] Kii dhegihiisa u fureeyaa si aanu qaylada miskiinka u maqlin, Isaga qudhiisuna wuu qaylin doonaa, laakiinse lama maqli doono.
[14] Hadiyaddii qarsoodi lagu bixiyaa xanaaqay qabowjisaa, Oo laaluushkii laabta laysu geliyaana cadho kulul buu qabowjiyaa.
[15] Kii xaq ahu inuu gar sameeyo waa u farxad, Laakiinse kuwa xumaanta ka shaqeeya waa u baabba'.
[16] Ninkii jidka waxgarashada ka habaabaa Wuxuu la joogi doonaa ururka kuwii dhintay.
[17] Kii raaxaysi jecelu miskiin buu ahaan doonaa, Oo kii khamri iyo saliid jeceluna taajir ma noqon doono.
[18] Kii shar lahu wuxuu furasho u noqon doonaa kii xaq ah, Khaayinkuna wuxuu furasho u noqon doonaa kii qumman.
[19] In lamadegaanka la joogo ayaa ka roon In naag muran iyo cadho badan lala joogo.
[20] Khasnad qaali ah iyo saliid baa ku jira kan caqliga leh gurigiisa, Laakiinse nacasku wixiisa wuu wada liqaa.
[21] Kii xaqnimo iyo naxariis raacaa Wuxuu helaa nolol iyo xaqnimo iyo sharaf.
[22] Kii caqli lahu kor buu ugu baxaa magaalada kuwa xoogga badan derbigeeda, Oo weliba xoogga ay isku hallaynayaan oo dhan ayuu hoos u ridaa.
[23] Ku alla kii afkiisa iyo carrabkiisa dhawraa Naftiisuu dhibaatooyin ka dhawraa.
[24] Ninkii kibirsan ee qab weyn waxaa magiciisa la yidhaahdaa quudhsade, Oo wuxuu ku shaqeeyaa cadhada kibirka.
[25] Ninkii caajis ah waxaa dila damaciisa, Waayo, gacmihiisu waxay diidaan inay hawshoodaan.
[26] Waxaa jira kuwo maalinta oo dhan si hunguri weyn wax u damca, Laakiinse kii xaq ahu wax buu bixiyaa oo ma ceshado.
[27] Ka sharka leh allabarigiisu waa karaahiyo, Oo markuu niyo xun ku bixiyona way ka sii daran tahay!
[28] Markhaatifuraha beenta ahu waa baabbi'i doonaa, Laakiinse ninkii wax maqla hadalkiisu waa raagi doonaa.
[29] Ninkii shar lahu wejigiisuu adkeeyaa, Laakiinse kii qummanu jidadkiisuu u fiirsadaa.
[30] Ma jirto xigmad ama waxgarasho Ama talo Rabbiga ka gees ah.
[31] Faraska waxaa loo diyaariyaa maalinta dagaalka, Laakiinse guusha waxaa leh Rabbiga.