[1] Kafaddii khiyaano ah Rabbigu aad buu u karhaa, Laakiinse dhagaxii miisaanka oo xaq ah wuu ku farxaa.
[2] Markuu kibir yimaado, waxaa timaada ceeb; Laakiinse xigmaddu waxay la jirtaa kuwa is-hoosaysiiya.
[3] Kuwa qumman waxaa kaxayn doonta daacadnimadooda, Laakiinse khaayinnada qalloocnaantoodu waa baabbi'in doontaa iyaga.
[4] Maalinta cadhada maal faa'iido ma leh, Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.
[5] Ninkii kaamil ah xaqnimadiisu jidkiisay toosisaa, Laakiinse kan sharka lahu wuxuu ku kufi doonaa sharkiisa.
[6] Kuwa qumman xaqnimadoodaa samatabbixin doonta, Laakiinse khaayinnada waxaa qabsan doona damacooda xun.
[7] Nin shar lahu markuu dhinto, wuxuu filanayay way baabbi'i doontaa, Oo xumaanfalayaasha rajadooduna way baabba'daa.
[8] Kii xaq ah waxaa laga samatabbixiyaa dhibaato, Oo meeshiisana waxaa yimaada kii shar leh.
[9] Labawejiilahu afkiisuu deriskiisa ku halligaa, Laakiinse kan xaqa ahu aqoon buu ku samatabbixi doonaa.
[10] Kuwa xaqa ahu markay barwaaqoobaan, magaaladu way rayraysaa, Laakiin kuwa sharka lahu markay halligmaan farax baa lagu dhawaaqaa.
[11] Kuwa qumman ducadooda magaaladu sare bay ugu kacdaa, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu magaaladuu dumiyaa.
[12] Kii deriskiisa quudhsadaa waa caqli daranyahay, Laakiinse ninkii garaadka lahu wuu iska aamusaa.
[13] Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Laakiinse kii ruuxiisu aamin yahay xaalkuu qariyaa.
[14] Markaanay talo jirin, dadku waa dhacaa, Laakiinse taliyayaasha badnaantoodu waxay leedahay nabadgelyo.
[15] Kii qof qalaad dammiintaa, xumaan buu ka helaa, Laakiinse kii dammiinashada necebu ammaan buu u fadhiyaa.
[16] Naag nimcaysan sharaf bay haysataa, Oo niman xoog lahuna maal bay haystaan.
[17] Ninkii naxariis badanu naftiisuu wanaag u sameeyaa, Laakiinse kii aan naxariis lahaynu jidhkiisuu dhibaa.
[18] Kan sharka lahu wuxuu shaqaystaa mushahaaro khiyaano miidhan ah, Laakiinse kii xaqnimada beeraa wuxuu heli doonaa abaalgud la hubo.
[19] Xaqnimadu waxay u kacdaa xagga nolosha, Sidaas oo kalena kii sharka raacaa wuxuu u raacaa dhimashadiisa.
[20] Kuwa qalbigoodu qalloocan yahay Rabbigu aad buu u karhaa; Laakiinse kuwa jidkooda ku qumman wuu ku farxaa.
[21] Waxaan aad idiinku xaqiijinayaa inaan kan sharka lahu taqsiirla'aan doonayn. Laakiinse farcanka kuwa xaqa ah waa la samatabbixin doonaa.
[22] Naag qurux badan oo aan digtoonaan lahaynu Waa sida dahab gafuurka doofaarka ku jira.
[23] Kuwa xaqa ah waxay doonayaan wanaag keliya, Laakiinse kuwa sharka ah filashadoodu waa cadho.
[24] Waxaa jira mid wax firdhiya, oo haddana sii korodhsada; Oo waxaa jira mid ceshada wax ka sii badan in ku habboon, oo haddana sii caydhooba.
[25] Qofkii deeqsi ah baa la barwaaqaysiin doonaa, Oo kii wax waraabiyana, isna waa la waraabin doonaa.
[26] Kii hadhuudh ceshada, dadka ayaa habaari doona, Laakiinse kii iibiya, duco ayaa ku dhici doonta.
[27] Kii wanaag aad u doonaa wuxuu doonayaa raallinimo, Laakiinse kii xumaan doona, way u iman doontaa.
[28] Kii maalkiisa isku halleeyaa wuu dhici doonaa, Laakiinse kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida caleen cagaar ah.
[29] Kii gurigiisa dhibaa dabayshu dhaxli doonaa, Oo nacaskuna wuxuu midiidin u ahaan doonaa kan qalbigiisu caqliga leeyahay.
[30] Kan xaqa ah midhihiisu waa geed nololeed, Oo kii nafo soo hanuuniyaana caqli buu leeyahay.
[31] Bal eega, kan xaqa ahu abaalkiisuu dhulka ku heli doonaa, Haddaba immisa abaalgud oo ka sii badan bay heli doonaan kan sharka leh iyo dembiluhu.