Skip to content
Opens in a new window

[1] Wiilkaygiiyow, xigmaddayda dhegayso, Oo waxgarashadaydana dhegta u dhig;

[2] Si aad digtoonaan u dhawrtid, Oo ay bushimahaaguna aqoon u xejiyaan.

[3] Waayo, naagta qalaad bushimaheedu waxay daadiyaan malab, Oo afkeeduna saliid buu ka sii macaan yahay,

[4] Laakiinse aakhirkeedu wuxuu u qadhaadh yahay sida geed dacareed oo kale, Wuuna af badan yahay sida seef laba af leh.

[5] Cagaheedu dhimashay ku dhaadhacaan, Oo tallaabooyinkeeduna waxay u jeedaan xagga She'ool,

[6] Waddada nolosha iyadu aad uguma fiirsato. Jidadkeedu waa leexleexdaan, oo garan kari maysid,

[7] Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga ha ka tegina.

[8] Jidkaaga ka fogee iyada, Oo albaabka gurigeeda ha u dhowaan,

[9] Si aanad sharaftaada kuwa kale u siin, Oo aanad sannadahaaga kuwa caloosha adag u siin,

[10] Si aan shisheeyayaal maalkaaga uga dhergin; Oo aanay wixii aad u hawshootay guri ajnabi u gelin,

[11] Si aanad ugu dambaysta u barooran, Markay hilibkaaga iyo jidhkaaguba baaba'aan,

[12] Oo aad tidhaahdaan, Sidee baan edbin u nebcaaday, Oo qalbigayguna canaantii u quudhsaday!

[13] Codkii macallimmadaydii ma aan addeecin, Oo dhegtana uma aan dhigin kuwii wax i baray!

[14] Anigu waxaan u dhowaa inaan shar kasta falo Anigoo ku dhex jira shirka iyo ururka.

[15] Berkaddaada biyo ka cab, Oo ceelkaagana biyo qulqulaya ka cab.

[16] Ma hagaag baa in ilahaagu dibadda u daataan. Oo ay durdurraduna dariiqyada maraan?

[17] Iyagu ha ahaadeen kuwaaga oo keliya, Oo yaanay u ahaan shisheeyayaal adiga kula jira.

[18] Ishaadu ha barakadaysnaato, Oo naagtaadii aad yaraanta ku guursatay ku faraxsanow.

[19] Iyadu ha kuu ahaato sida deerada jacaylka badan iyo sida cawsha quruxsan, Goor walbana naasaheedu ha ku deeqeen Oo had iyo goorna jacaylkeeda ku faraxsanow.

[20] Haddaba wiilkaygiiyow, bal maxaad naag qalaad ugu faraxsanaanaysaa, Maxaadse naag shisheeye ah naasaheeda u qabsanaysaa?

[21] Waayo, jidadka dadku waxay hor yaalliin indhaha Rabbiga Oo isagaa fiiriya waddooyinkiisa oo dhan.

[22] Kan sharka leh waxaa qabsan doonta xumaantiisa, Oo waxaa isaga lagu soo xidhi doonaa xadhkaha dembigiisa.

[23] Wuxuu U dhiman doonaa edbin la'aanta, Oo isagu wuxuu ku dhex amban doonaa badnaanta nacasnimadiisa.

Maahmaahyadii — Chapters