[1] Kuwanu waa maahmaahyadii Sulaymaan ina Daa'uud oo ahaa boqorkii reer Binu Israa'iil,
[2] WUXUU U qoray si loo ogaado xigmadda iyo edbinta, Oo loo garto erayada waxgarashada,
[3] In la helo edbinta ku saabsan xigmadda, Iyo xaqnimada iyo garta iyo caadilnimada;
[4] Si miyir loo siiyo garaadlaawaha, Oo aqoon iyo digtoonaanna loo yeelo ninka dhallinyarada ah.
[5] Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho, Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan,
[6] Si lagu garto maahmaahda, iyo micnaynta, Iyo hadallada kuwa caqliga leh iyo xujooyinkooda.
[7] Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa; Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.
[8] Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,
[9] Waayo, waxay madaxaaga u noqon doonaan wax sharraxsan, Oo waxay kuu noqon doonaan silsilado qoorta kuu sudhan.
[10] Wiilkaygiiyow, haddii dembiilayaal ku sasabtaan, Ha oggolaan.
[11] Hadday kugu yidhaahdaan, Na soo raac, Aan gaadno inaynu dhiig daadinno, Oo aynu sabab la'aan kuwa aan eedda lahayn si qarsoon ugu dhuumanno;
[12] Oo iyagoo nool aynu u liqno sida qabriga oo kale, Dhammaantoodna aan juq siinno sida kuwa yaamayska ku dhaca;
[13] Waxaynu heli doonnaa maal qaali ah oo cayn kasta ah, Oo guryaheennana waxaynu ka buuxsan doonnaa booli;
[14] Nasiibkaaga iskula kaaya soo dar, Oo kulligeenna aynu kiishad qudha wada lahaanno;
[15] Wiilkaygiiyow, iyaga jidka ha la marin; Oo cagtaadana wadiiqadooda dib uga jooji;
[16] Waayo, cagahoodu waxay u ordaan shar, Oo waxay u degdegaan inay dhiig daadiyaan.
[17] Waayo, waa waxtarla'aan dabinka loo dhigaa Iyadoo ay shimbirtu u jeeddo;
[18] Iyagu waxay u gaadaan si dhiiggooda loo daadiyo, Oo waxay si qarsoon ugu dhuuntaan si naftooda looga qaado.
[19] Sidaas oo kalay yihiin jidadka mid kasta oo faa'iido u hunguri weyn, Oo nafta ka qaada kuwa leh.
[20] Xigmaddu aad bay uga qaylisaa jidka; Oo codkeedana waxay kor uga qaaddaa bannaanka;
[21] Waxay ka qaylisaa meesha suuqa ugu weyn Oo iridda magaalada laga soo galo Ayay erayadeeda kaga hadashaa, iyadoo leh,
[22] Kuwiinna garaadlaawayaasha ahow, ilaa goormaad garaadla'aanta sii jeclaanaysaan? Oo kuwa wax quudhsadaana, ilaa goormay quudhsashadooda ku sii farxayaan? Nacasyaduna, ilaa goormay aqoonta sii necbaanayaan?
[23] Canaantayda u soo noqda; Bal eega, anigu waxaan idinku shubi doonaa ruuxayga, Oo waxaan idin ogeysiin doonaa erayadayda.
[24] Anigu waan idiin yeedhay, laakiinse waad i diiddeen; Oo anigu gacantaydaan soo fidiyey, oo ninnana dan kama yeelan;
[25] Laakiinse idinku taladaydii oo dhan waad fududaysateen, Oo canaantaydiina ma aydin doonaynin;
[26] Sidaas daraaddeed aniguna waan idinku qosli doonaa markay belaayo idinku dhacdo; Waanan idinku majaajiloon doonaa markay cabsiyu idinku soo degto;
[27] Markay cabsidiinnu u timaado sida duufaan oo kale, Oo belaayadiinnuna u timaado sida dabayl cirwareen ah; Oo dhibaato iyo cidhiidhi idinku yimaadaan.
[28] Markaasay ii yeedhan doonaan, laakiinse anigu uma aan jawaabi doono; Oo horay ii doondooni doonaan, laakiinse ima ay heli doonaan;
[29] Waayo, waxay nebcaadeen aqoonta, Oo Rabbiga ka cabsashadiisana ma ay dooran;
[30] Iyagu taladaydii innaba ma ay doonaynin; Oo canaantaydii oo dhanna way quudhsadeen;
[31] Haddaba iyagu waxay cuni doonaan midhihii jidkooda, Oo waxay ka dhergi doonaan taladoodii.
[32] Waayo, garaadlaawayaasha dibunoqoshadooda ayaa iyaga dili doonta, Oo nacasyadana waxaa baabi'in doonta barwaaqadooda.
[33] Laakiinse ku alla kii aniga i maqlaa, ammaan buu u fadhiyi doonaa, Wuuna xasilloonaan doonaa, isagoo aan shar ka cabsoonaynin.