Skip to content
Opens in a new window

[1] Maahmaahyadii Sulaymaan. Wiilka caqliga lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse wiilka nacaska ahu waa u caloolxumo hooyadiis.

[2] Qasnadaha sharnimadu faa'iido ma leh, Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samato bixisa.

[3] Kii xaq ah naftiisu inay gaajooto Rabbigu u oggolaan maayo, Laakiinse doonista kuwa sharka leh ayuu ridaa.

[4] Kii gacan caajis ah lahu wuu caydhoobaa, Laakiinse kuwa dadaala gacantoodu hodan bay ka dhigtaa.

[5] Kii guga wax soo urursadaa waa wiil caqli leh, Laakiinse kii wakhtiga beergooyska seexdaa waa wiil ceeb sameeya.

[6] Barako waxay saaran tahay kan xaqa ah madaxiisa, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.

[7] Kan xaqa ah xusuustiisu barako bay leedahay, Laakiinse kuwa sharka leh magacoodu waa qudhmi doonaa.

[8] Kii qalbiga caqli ku lahu amarro buu aqbalaa, Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.

[9] Kii qummanaan ku socdaa ammaan buu ku socdaa; Laakiinse kii jidadkiisa qalqalloociya waa la ogaan doonaa.

[10] Kii indhaha ku baaqaa murug buu keenaa. Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.

[11] Ninkii xaq ah afkiisu waa il nololeed, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.

[12] Necbaantu waxay kicisaa isqabashada, Laakiinse jacaylku xadgudubyada oo dhan buu qariyaa.

[13] Kii waxgarasho leh bushimihiisa waxaa laga helaa xigmad, Laakiinse ushu waxay u taal kan garaadka daran dhabarkiisa.

[14] Dadkii caqli lahu waxay kaydsadaan aqoon, Laakiinse nacaska afkiisu waa baabba' dhow.

[15] Ninkii hodan ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Laakiinse masaakiinta caydhnimadoodu waa u baabba'.

[16] Kuwa xaqa ah hawshoodu waxay u waddaa nolol, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa, dembi bay u sii kexeeyaan.

[17] Kii edbinta xajistaa wuxuu ku socdaa jidka nolosha, Laakiinse kii canaanta diidaa wuu qaldamaa.

[18] Kii necbaanta qariyaa wuxuu leeyahay bushimo been badan, Oo kii xanta ku hadlaana waa nacas.

[19] Hadal badan dembi lagama waayo, Laakiinse kii bushimihiisa ceshaa caqli buu leeyahay.

[20] Kii xaq ah carrabkiisu waa sida lacag la doortay, Laakiinse kuwa sharka leh qalbigoodu waa qiimo yar yahay.

[21] Kii xaq ah bushimahiisu waxay masruufaan kuwa badan, Laakiinse nacasyadu waxgarasho la'aantooda ayay u dhintaan.

[22] Rabbiga barakadiisu hodan bay kaa dhigtaa, Oo isna caloolxumo kuma daro.

[23] Nacasku inuu xumaan sameeyo waa u sidii cayaareed, Laakiinse ninka garaadka lahu xigmad buu leeyahay.

[24] Kii shar leh wuxuu ka cabsado ayaa ku soo dul degi doona, Laakiinse kuwa xaqa ah waxay doonayaan waa la siin doonaa.

[25] Markii dabaysha cirwareenta ahu dhafto, ka sharka leh mar dambe la arki maayo, Laakiinse kii xaq ahu waa aasaas weligiis waaraya.

[26] Khalku siduu ilkaha u yahay, iyo sida qiiqu indhaha u yahay, Ayaa kan caajiska ahu u yahay kuwa isaga dirta.

[27] Rabbiga ka cabsashadiisu cimrigay dheeraysaa, Laakiinse kuwa sharka leh cimrigoodu waa soo gaaban doonaa.

[28] Kuwa xaqa ah rajadoodu waa farxad, Laakiinse kuwa sharka leh filashadoodu way baabi'i doontaa.

[29] Rabbiga jidkiisu waa u qalcad kuwa qumman; Laakiinse xumaanfalayaasha waa u baabba'.

[30] Kan xaqa ah weligiis la dhaqaajin maayo, Laakiinse kuwa sharka lahu dhulka ma fadhiyi doonaan.

[31] Kan xaqa ah afkiisa waxaa ka soo baxda xigmad, Laakiinse carrabkii qalloocan waa la gooyn doonaa.

[32] Kan xaqa ah bushimahiisu waxay yaqaanniin waxa la aqbali karo, Laakiinse kan sharka leh afkiisu qallooc buu ku hadlaa.

Maahmaahyadii — Chapters