[1] Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla, Oo u jeesta inaad wax garataan.
[2] Waayo, anigu waxaan idin siiyaa tacliin wanaagsan, Haddaba cilmigayga ha ka tegina.
[3] Waayo, aniguba waxaan aabbahay u ahaa wiil, Oo mid yar oo bacbac ah oo madi ah ayaan u ahaa hooyaday.
[4] Isagu wax buu i baray, oo wuxuu igu yidhi, Qalbigaagu erayadayda ha xajisto; Amarradaydana dhawr, oo waad noolaan doontaa.
[5] Xigmadda doono, waxgarashadana doono; Hana illoobin, oo erayada afkaygana dib ha uga noqon.
[6] Xigmadda ha ka tegin, oo way ku nabad gelin doontaa. Jeclow, oo way ku dhawri doontaa.
[7] Xigmaddu wax walbay ugu horraysaa, sidaas daraaddeed xigmadda doono; Wax kastoo aad hesho weliba waxgarasho doono.
[8] Iyada sarraysii, oo iyana way ku dallicin doontaa; Oo sharaf bay kuu yeeli doontaa markaad iyada isku duubtid.
[9] Iyadu waxay madaxaaga siin doontaa wax sharraxsan, Oo waxayna kuu yeeli doontaa taaj quruxsan.
[10] Wiilkaygiiyow, maqal oo hadalladayda aqbal. Oo sannadaha cimrigaaguna way badnaan doonaan.
[11] Anigu waxaan ku baray jidkii xigmadda; Oo waxaan kugu hoggaamiyey waddooyinkii qummanaanta.
[12] Markii aad socotid tallaabooyinkaagu cidhiidhi ma noqon doonaan, Oo haddaad oroddidna ma turunturoon doontid.
[13] Edbinta xajiso, oo ha iska sii deyn; Hayso, waayo, iyadu waa noloshaada
[14] Waddada kuwa sharka leh ha gelin, Oo jidka xumaanfalayaashana ha qaadin.
[15] Ka leexo, hana marin, Ka noqo oo hareer ka mar.
[16] Waayo, iyagu ma seexdaan haddaanay xumaan falin, Oo hurdadoodana waa laga qaadaa iyagoo cid kufiya mooyaane.
[17] Waayo, iyagu waxay cunaan kibistii sharnimada, Oo waxay cabbaan khamrigii dulmiga.
[18] Laakiinse waddada kuwa xaqa ahu waa sida iftiinka waaberiga oo kale, Kaas oo hadba soo kordha ilaa uu noqdo maalin cad.
[19] Jidka kuwa sharka lahuna waa sida gudcurka oo kale. Oo iyagu garan maayaan waxay ku turunturoodaan.
[20] Wiilkaygiiyow, erayadayda dhegayso, Oo hadalladaydana dhegta u dhig.
[21] Indhahaaga hortooda yaanay ka fogaan, Oo qalbigaaga dhexdiisa ku hayso,
[22] Waayo, iyagu waa u nolol kuwa hela, Oo jidhkooda oo dhanna waa u caafimaad.
[23] Digtoonaan qalbigaaga u dhawr, Waayo, isagay noloshu ka soo baxdaaye.
[24] Af qalloocan iska saar, Oo bushimo maroorsanna iska fogee.
[25] Indhahaagu qummaati wax ha u fiiriyeen, Oo indhahaaga daboolkooduna si toosan hortaada ha u eegeen.
[26] Waddada cagahaaga aad ugu fiirso, Oo jidadkaaga oo dhammuna ha toosnaadeen.
[27] Xagga midigta iyo xagga bidixda toona ha u leexan, Oo cagtaadana xumaanta ka fogee.