[1] Markaasaa dadkoodii oo dhan kacay. oo waxay isagii hor geeyeen Bilaatos.
[2] Kolkaasay bilaabeen inay ku ashtakeeyaan iyagoo leh. Waxaannu aragnay ninkan oo quruuntayada rogaya, oo diidaya in Kaysar cashuur la siiyo, oo odhanaya inuu qudhiisu yahay Masiix oo boqor ah.
[3] Bilaatos ayaa weydiiyey, isagoo leh, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi.
[4] Dabadeed Bilaatos wuxuu wadaaddadii sare iyo dadkii ku yidhi. Anigu ninkan eed kuma aan helin.
[5] laakiin way ku sii adkeeyeen iyagoo leh, Dadkuu kiciyaa, oo dalka Yahuudiya oo dhan ayuu wax baraa; dalka Galili ayuu ka soo bilaabay ilaa halkan.
[6] Bilaatoos goortuu maqlay, wuxuu weydiiyey inuu ninku reer Galili yahay.
[7] Goortuu ogaaday inuu ka mid ahaa kuwii Herodos xukumo, wuxuu u diray Herodos, kan qudhiisu Yeruusaalem joogay wakhtigaas.
[8] Herodos goortuu Ciise arkay, aad buu u farxay, maxaa yeelay, ilaa wakhti dheer ayuu doonayay inuu arko, waayo, wax buu ka maqlay, oo wuxuu rajaynayay inuu calaamo ka arko.
[9] Markaasuu su'aalo badan weydiiyey, laakiin waxba uma uu jawaabin.
[10] Wadaaddadii sare iyo culimadii ayaa istaagay, oo aad iyo aad bay u ashtakeeyeen.
[11] Herodos ayaa fududaystay oo ku majaajilooday, isaga iyo askartiisiiba, oo intuu dhar dhalaalaya u geliyey ayuu Bilaatos u celiyey.
[12] Maalintaas qudheeda Herodos iyo Bilaatos saaxiibbo bay noqdeen, intii ka horraysayse cadaawe bay isu ahaayeen.
[13] Bilaatos ayaa isugu yeedhay wadaaddadii sare iyo taliyayaashii iyo dadkii.
[14] Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ninkan waxaad iigu keenteen sidii mid dadka rogaya. Bal ogaada, hortiinna ayaan wax ku weydiiyey, oo ninkan kuma aan helin eed ku saabsan waxaad ku ashtakaynaysaan.
[15] Herodosna kuma uu helin, wuuna noo soo celiyey. oo ma jiro wax dhimasho istaahila oo uu sameeyey.
[16] Taas aawadeed waan edbinayaa oo sii daynayaa.
[17] Waayo, waajib bay ahayd inuu iidda mid u sii daayo iyaga.
[18] Markaasay wada qayliyeen, iyagoo leh, Wad kan, Baraabbas noo sii daa,
[19] kan xabsiga loogu riday fallaagaduu magaalada ka riday iyo dilid aawadeed.
[20] Mar kale Bilaatos ayaa iyaga la hadlay isagoo doonaya inuu Ciise sii daayo.
[21] laakiin way qayliyeen, iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob.
[22] Markaasuu wuxuu kolkii saddexaad ku yidhi, Waayo? Waa maxay sharka kanu sameeyey? Kuma aan helin sabab lagu dilo. taas aawadeed waan edbinayaa oo sii daynayaa.
[23] laakiin cod weyn ayay ku adkaysteen iyagoo weydiisanaya in iskutallaabta lagu qodbo. oo waxaa xoog batay codadkoodii iyo codadkii wadaaddada sare.
[24] Markaasaa Bilaatos wuxuu xukumay in loo yeelo waxay weydiisteen.
[25] Wuuna sii daayay kii fallaagada iyo dilidda xabsiga loogu riday oo ay weydiisteen, laakiin Ciise buu u dhiibay iyaga siday doonayeen.
[26] Kolkay wadeen, waxay qabteen Simoon reer Kuranaya ah isagoo beeraha ka soo socda, waxayna saareen iskutallaabtii inuu Ciise ka daba qaado.
[27] Waxaana la socday dad badan iyo dumar laabta garaacaya oo barooranaya.
[28] laakiin Ciise intuu u soo jeestay, wuxuu ku yidhi, Gabdhaha Yeruusaalemow. ha ii ooyina, laakiin u ooya qudhiinna iyo carruurtiinna,
[29] waayo, bal eega, wakhtigu waa imanayaa goortay odhan doonaan, Waxaa barakadaysan madhashada iyo uurarka aan weligood dhalin iyo naasaha aan weligood la nuugin.
[30] Markaasay bilaabi doonaan inay buuraha ku yidhaahdaan, Nagu soo dhaca, oo ay gumburahana ku yidhaahdaan, Na qariya.
[31] Waayo, hadday geedka qoyan waxaas ku sameeyaan. maxaa ku dhici doona kan engegan?
[32] Waxaana lala waday laba kale oo xumaanfalayaal ah in lala dilo.
[33] Markay yimaadeen meeshii la yidhaahda dhakada, halkaasay iskutallaabo ku qodbeen isaga iyo xumaanfalayaashii, mid midigta, kan kalena bidixda.
[34] Markaasaa Ciise wuxuu yidhi, Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan. Markaasay dharkiisii qaybsadeen, wayna saami riteen.
[35] Dadkuna way taagnaayeen iyagoo daawanaya. Taliyayaashuna way ku qosleen iyagoo leh, Kuwa kale ayuu badbaadiyey, kanu ha isbadbaadiyo, hadduu yahay Masiixa Ilaah, kan uu doortay.
[36] Askartiina waa ku majaajiloodeen, oo intay u yimaadeen, ayay khal siiyeen,
[37] Oo waxay ku yidhaahdeen, Haddii aad tahay boqorka Yuhuudda, isbadbaadi.
[38] Meel ka korraysay isagana waxaa ku qorraa qorniin leh, KANU WAA BOQORKA YUHUUDDA.
[39] Xumaanfalayaashii deldelnaa midkood ayaa caayay isagoo leh, Miyaanad ahayn Masiixa? Annaga iyo qudhaadaba badbaadi.
[40] laakiin kii kale ayaa jawaabay oo canaantay isagoo leh, Miyaanad xataa Ilaah ka baqin, waayo, isku xukun baad tihiin?
[41] Waayo, innaga waa inoo xaq, maxaa yeelay, waxaynu helnay abaalkii wixii aynu falnay, ninkanuse wax aan jid ahayn ma uu falin.
[42] Markaasuu ku yidhi, Ciisow, i xusuuso goortaad boqortooyadaada ku timaado.
[43] WUXUU ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Maanta Firdooska ayaad igula jiri doontaa.
[44] Haddaba waxay ahayd abbaaraha saacaddii lixaad, dhulka oo dhammuna gudcur buu noqday ilaa saacaddii sagaalaad.
[45] Qorraxdu way madoobaatay, daahii macbudkuna dhexda ayuu ka kala dillaacay.
[46] Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Aabbow, gacmahaaga ayaan ruuxayga u dhiibayaa. Goortuu waxaas yidhi, ayuu ruuxii bixiyey.
[47] Boqol-u-taliyihii goortuu arkay wixii dhacay, ayuu Ilaah ammaanay oo yidhi, Hubaal ninkanu xaq buu ahaa
[48] Dadkii oo dhan oo daawasho isugu yimid, goortay arkeen wixii dhacay, ayay noqdeen iyagoo laabta garaacaya.
[49] Waxaa meel fogna ka taagnaayeen kuwii Ciise yiqiin oo dhan iyo dumarkii Galili ka soo raacay. iyagoo waxaas dayaya.
[50] Oo bal eeg, waxaa jiray nin Yuusuf la odhan jiray oo taliye ahaa, wuxuuna ahaa nin wanaagsan oo xaq ah,
[51] (isaguna raalli kama ahayn waanidoodii iyo falniinkoodii), wuxuuna ahaa reer Arimataya oo ahayd magaalo Yuhuudda, kan boqortooyada Ilaah sugayay.
[52] Kanu wuxuu u tegey Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii.
[53] Markaasuu soo dejiyey oo kafan ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, meel aan weligeed ninna la dhigin.
[54] Waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, Sabtidiina waa soo dhowaanaysay.
[55] Dumarkii kala yimid Galili ayaa daba socday oo arkay xabaashii iyo sida meydkiisii loo dhigay.
[56] Markaasay noqdeen, oo dhir udgoon iyo cadar soo diyaargareeyeen. Sabtidiina way nasteen sida qaynuunka u ahaa.