Skip to content
Opens in a new window

[1] Maalmahaa middood intuu Ciise dadka macbudkii wax ku barayay oo injiilka kaga dhex wacdiyeyey, waxaa dhacay in wadaaddada sare iyo culimada ula yimaadeen waayeellada

[2] oo la hadleen oo ku yidhaahdeen. Noo sheeg, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yuu yahay kan amarkan ku siiyey?

[3] Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi. Aniguna hal baan idin weydiinayaa, iina sheega.

[4] Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mase dadka?

[5] Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu odhanayaa, Maxaad u rumaysan weydeen?

[6] laakiin haddii aynu nidhaahno. Xagga dadka, dadka oo dhan ayaa ina dhagxinaya, waayo, waa la aaminsiiyey inuu Yooxanaa nebi ahaa.

[7] Markaasay waxay ugu jawaabeen inaanay garan meeshuu ka yimid.

[8] Ciisena wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.

[9] Wuxuu bilaabay inuu masaalkan dadka kula hadlo. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo niman beerray ah u kiraystay, markaasuu dal kale tegey, oo wax badan ku maqnaa.

[10] Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerraydii inay isaga siiyaan midhaha beerta. laakiin beerraydii ayaa garaacday oo wax la'aan ku dirtay.

[11] Haddana wuxuu diray addoon kale, kaasna way garaaceen, oo ceebeeyeen, oo wax la'aan ku direen.

[12] Haddana mid saddexaad ayuu diray, kaasna way dhaawaceen oo iska tuureen

[13] Markaasaa sayidka beerta wuxuu yidhi, Maxaan sameeyaa? Waxaan dirayaa wiilkaygaan jeclahay. malaha way maamuusi doonaan.

[14] laakiin beerraydii goortay arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa; aan dilnee, si aynu dhaxalka u lahaanno.

[15] Markaasay beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen. Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu iyaga ku samayn doonaa?

[16] Wuu iman doonaa oo beerraydaas dili doonaa, oo dad kalena ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa. Goortay taas maqleen waxay yidhaahdeen. Yaanay noqon.

[17] laakiin wuu eegay oo ku yidhi. Haddaba muxuu yahay waxan la qoray, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen. Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka?

[18] Mid kasta oo dhagaxaas ku dhacaa, wuu jejebi doonaa. laakiin kan uu ku dhoco. wuu burburin doonaa.

[19] Saacaddaas qudheeda ayaa culimadii iyo wadaaddadii sare dooneen inay isagii qabtaan; laakiin dadkay ka baqeen; waayo. waxay garteen inuu masaalkan iyaga kaga hadlay.

[20] Wayna dayayeen, oo ay u soo direen jaajuusiin iska dhigaya dad xaq ah. si ay hadalkiisa ugu qabtaan. oo ay ugu gacan geliyaan talada iyo amarka taliyaha.

[21] Markaasay weydiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaamlu og nahay inaad si hagaagsan wax u tidhaahdo oo wax u bartid, oo aanad ninna u eexan, laakiin aad jidka Ilaah run ku bartid.

[22] Ma xalaal baa inaannu cashuur Kaysar siinno ama inaannan siin?

[23] laakiin khiyaanadooda wuu gartay, oo wuxuu ku yidhi,

[24] Dinaar i tusa. Yaa leh masawirkan iyo qorniinkan ku yaal? Waxay yidhaahdeen, Kaysar baa leh.

[25] Markaasuu ku yidhi. Haddaba Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay.

[26] Hadalkiisa way ku qaban kari waayeen dadka hortiisa, wayna ka yaabeen jawaabtiisa, oo way aamuseen.

[27] Waxaa u yimid qaar Sadukiin ah, kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto.

[28] Oo waxay weydiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, Muuse wuxuu noo qoray, Nin walaalkiis hadduu dhinto isagoo naag leh oo aan carruur lahayn. walaalkiis naagtiisa waa inuu dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo.

[29] Haddaba waxaa jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey naag buu qabay. wuuna dhintay carruur la'aan.

[30] Kii labaadna wuu guursaday.

[31] oo kii saddexaadna waa dumaalay. Sidaasay toddobadii u wada guursadeen. carruurna kama ay tegin. wayna dhinteen.

[32] Kulligood dabadeed naagtiina waa dhimatay.

[33] Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay. iyaga kee bay naagtiisa ahaan doontaa? Waayo. toddobadu way wada guursadeen.

[34] Ciise wuxuu ku yidhi, Wiilashii wakhtigan 'waa guursadaan, guurna waa la siiyaa.

[35] laakiin kuwa loo xisaabay inay istaahilaan inay gaadhaan wakhtigaas iyo ka soo sarakicidda kuwii dhintay ma guursadaan, guurna lama siiyo,

[36] waayo, kol dambe ma dhiman karaan, maxaa yeelay, waxay yihiin sida malaa'igaha, oo waxay yihiin wiilashii Ilaah iyagoo ah wiilashii sarakicidda.

[37] laakiin in kuwii dhintay la sara kiciyo Muuse ayaa tilmaamay xaggii geedka markuu Rabbiga ugu yeedhay llaaha Ibraahim iyo llaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub.

[38] laakiin isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay. laakiin waa llaaha kuwa nool, waayo, dhammaan isagay u nool yihiin.

[39] Culimada qaarkood ayaa u jawaabay oo ku yidhi. Macallimow, si wanaagsan ayaad u hadashay.

[40] Kol dambe kuma ay dhicin inay wax weydiiyaan.

[41] Wuxuuna ku yidhi. Sidee bay u yidhaahdaan. Masiixu waa ina Daa'uud?

[42] Daa'uud qudhiisa ayaa kitaabkii Sabuurrada ku leh, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi. Midigtayda fadhiiso,

[43] Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda gel iyo.

[44] Haddaba Daa'uud ayaa ugu yeedhay Sayid, ee sidee buu wiilkiisa u yahay?

[45] Dadkii oo dhan oo maqlaya, ayuu xertiisii ku yidhi,

[46] Iska jira culimada oo doonaya inay khamiisyo dhaadheer ku socdaan, oo jecel salaanta suuqa, iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha,

[47] kuwa wada laasta guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer istusid u tukada. Kuwaas waxay heli doonaan xisaab aad u daran.

Luukos — Chapters