[1] Waxaa soo dhowaatay Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn oo la yidhaahdo Kormaridda.
[2] Markaasaa wadaaddadii sare iyo culimadii waxay dooneen si ay u dilaan isaga, waayo, dadka ayay ka baqeen.
[3] Markaasaa Shayddaanku wuxuu galay Yuudas, kan Iskariyot la odhan jiray, isagoo ka mid ah tirada laba-iyo-tobanka.
[4] Markaasuu tegey, oo wuxuu la hadlay wadaaddada sare iyo madaxdii askarta si uu ugu gacan geliyo.
[5] Goortaasay farxeen oo kula heshiiyeen inay lacag siiyaan,
[6] wuuna oggolaaday, oo wuxuu doonayay goor wanaagsan inuu u soo gacan geliyo intii dadka maqnaayeen.
[7] Waxaa timid maalintii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn. tan la leeyahay in neefka Kormaridda la gowraco.
[8] Markaasaa Ciise wuxuu diray Butros iyo Yooxanaa isagoo ku leh, Taga oo Kormaridda inoo soo diyaargareeya aan cunne.
[9] Waxay ku yidhaahdeen, Xaggee baad doonaysaa inaannu ku diyaargarayno?
[10] Wuxuu ku yidhi, Bal eega, goortaad magaalada gashaan waxaa idinla kulmi doona nin aashuun biyah sita. Isaga raaca oo ka daba gala guriguu galo.
[11] Waxaad ninka guriga leh ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu kugu leeyahay, Meeday qooladdii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda?
[12] Wuxuu idin tusayaa qoolad weyn oo sare oo goglan, halkaa ku diyaargareeya.
[13] Markaasay tageen, oo waxay heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda way diyaargareeyeen.
[14] Goortii saacaddii timid ayuu fadhiistay, isaga iyo rasuulladiiba.
[15] Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aad baan u doonayay inaan cashadan Iidda Kormaridda idinla cuno intaanan xanuunsan.
[16] Waayo, waxaan idinku leeyahay, Mar dambe tan ma cuni doono ilaa ay ku dhammays tiranto boqortooyada Ilaah dhexdeeda.
[17] Markaasuu koob qaaday, oo goortuu mahad naqay ayuu yidhi, Kan qaata oo qaybsada,
[18] waayo, waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed anigu midhaha geedka canabka ah kama cabbi doono ilaa ay boqortooyada Ilaah timaado.
[19] Kibisna wuu qaaday, oo goortuu mahad naqay, ayuu kala jejebiyey, oo iyaga siiyey, isagoo leh, Tanu waa jidhkaygii laydiin bixiyey. Waxan xusuustayda u sameeya.
[20] Sidaas oo kale cashada dabadeed koobkuu qaaday isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub oo dhiiggayga aawadiin loo daadshay,
[21] laakiin eega, gacanta kan i gacan gelinaya miiskay ila saaran tahay,
[22] waayo, Wiilka Aadanahu waa baxayaa sidii loo gooyay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas gacan gelinaya.
[23] Markaasay waxay bilaabeen inay dhexdooda isweydiiyaan midkood waxan yeeli doona.
[24] Dhexdoodana waxaa ku jirtay dood ku saabsanayd midkood lagu tirinaya inuu ugu weyn yahay.
[25] Markaasuu ku yidhi, Quruumaha boqorradoodu ay u taliyaan iyaga, kuwa xukun ku lehna waxaa la yidhaahdaa, Wanaagfalayaal.
[26] Idinkuse sidaas ma ahaan doontaan, laakiin kan dhexdiinna ugu weyn, ha noqdo sida kan yar; kan u sarreeyaana, ha noqdo sida kan adeega.
[27] Waayo, kee baa weyn, ma kan cuntada u fadhiya baa mise waa kan adeega? Miyaanu ahayn kan cuntada u fadhiya? Aniguse sida kan adeega ayaan idiin dhex joogaa.
[28] Idinku waxaad tihiin kuwa ila sii joogay markii lay jirrabayay.
[29] Waxaan idiin yeelayaa boqortooyo sida aabbahay iigu yeelay,
[30] si aad wax uga cuntaan oo uga cabtaan miiskayga oo boqortooyadayda ku jira, oo waxaad ku fadhiisan doontaan carshiyo idinkoo xukumaya laba-iyo-tobanka qolo oo Israa'iil.
[31] Simoonow, Simoonow, ogow, Shayddaanka ayaa ku doonay inuu kuu haadiyo sida sarreen,
[32] laakiin waan kuu baryootamay si aanu rumaysadkaagu u baabi'in, adiguna goortaad hadaysantid walaalaha adkee.
[33] Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sayidow, diyaar baan u ahay inaan kuu raaco xabsiga iyo dhimashadaba.
[34] Isaguse wuxuu ku yidhi, Waxaan kuu sheegayaa, Butrosow, maanta diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol dafirtid inaad i taqaan.
[35] Wuxuuna ku yidhi, Goortaan idin diray kiishad la aan iyo qandi la'aan iyo kabo la'aan, wax ma u baahnaydeen? Waxay yidhaahdeen, Maya, waxba.
[36] Markaasuu ku yidhi, Laakiin haddeer kii kiishad qabaa ha qaato, sidaas oo kalena qandi ha qaato. Kii aan midna qabinna, dharkiisa ha iibiyo, oo seef ha iibsado.
[37] Waayo, waxaan idinku leeyahay, Waa inuu igu dhammaado qorniinkan leh, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha. Waayo, waxa igu saabsani dhammaad bay leeyihiin.
[38] Markaasay waxay yidhaahdeen, Sayidow, bal eeg, laba seefood ayaa halkan yaal e. Wuxuu ku yidhi. Waa ku filan tahay.
[39] Markaasuu baxay oo Buur Saytuun tegey sidii caadadiisu ahayd, xertiina waa raacday.
[40] Markuu meeshii joogay ayuu ku yidhi, Tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.
[41] Markaasuu intii dhagax la tuuro ka durkay, wuuna jilba joogsaday oo tukaday,
[42] isagoo leh, Aabbow, haddaad doonaysid, koobkan iga fogee, hase ahaatee, doonistaydu yaanay noqon, taaduse ha noqoto.
[43] Markaasaa waxaa samada kaga muuqatay malaa'ig isaga xoogaynaysa.
[44] Isagoo aad u xanuunsan ayuu dadaal ku tukaday, dhididkiisuna wuxuu noqday sida dhibicyo dhiig ah oo dhulka ku dhacaya.
[45] Goortuu tukashadiisii ka soo kacay, ayuu xertii u yimid oo wuxuu arkay iyagoo caloolxumo la hurda.
[46] Markaasuu ku yidhi, Maxaad u huruddaan? Kaca oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.
[47] Intuu weli hadlayay, bal eeg, waxaa yimid dad badan, oo kii Yuudas la odhan jiray oo laba-iyo-tobanka ka mid ahaa ayaa hortooda socday. Wuxuuna u soo dhowaaday Ciise inuu dhunkado.
[48] laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Yuudasow, ma waxaad Wiilka Aadanaha ku gacan gelinaysaa dhunkasho?
[49] Kuwii ag joogay goortay garteen waxa dhici doona, waxay yidhaahdeen, Sayidow, seef miyaannu ku dhufannaa?
[50] Markaasaa midkood wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dhegta midigta ka gooyay.
[51] laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Sii daaya. Markaasuu dhegtiisa taabtay oo bogsiiyey.
[52] Kuwa u yimid, waxa weeye, wadaaddadii sare, iyo madaxdii askarta oo macbudka, iyo waayeelladii, waxaa Ciise ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo sidaan tuug ahay?
[53] Goortaan maalin walba macbudka idinkula jiri jiray, gacmo iguma aydaan soo taagi jirin, laakiin tanu waa saacaddiinna iyo xoogga gudcurka.
[54] Markaasay isagii qabteen oo kaxeeyeen, oo wadaadkii sare gurigiisa ayay geliyeen. Laakiin Butros baa meel fog ka daba socday,
[55] oo goortay barxadda dhexdeeda dab ka shideen, oo ay wada fadhiisteen, ayaa Butros dhexdooda fadhiistay.
[56] laakiin gabadh baa intay aragtay isagoo dabka iftiinkiisa fadhiya, aad bay u dayday oo tidhi. Kanuna waa la jiray isagii.
[57] Isaguse waa dafiray oo ku yidhi, Naag yahay, anigu garanba maayo isagii.
[58] Wuxoogaa yar dabadeed qof kale ayaa arkay oo yidhi, Adiguna midkood baad tahay. Butros baase yidhi, Nin yahow, anigu ma ihi.
[59] Goortii saacad dhaaftay mid kale ayaa adkeeyey isagoo leh, Run weeye, kanuna waa la jiray, waayo, waa reer Galili.
[60] laakiin Butros wuxuu ku yidhi, Nin yahow, anigu garan maayo waxaad leedahay. Kolkiiba intuu weli hadlayay, diiqii baa ciyey.
[61] Markaasaa Rabbigu soo jeestay oo Butros eegay; Butrosna wuxuu xusuustay hadalkii Rabbiga siduu ku yidhi, Maanta intaanu diiqu ciyin. saddex kol ayaad i dafiri doontaa.
[62] Markaasuu dibadda u baxay oo aad u ooyay.
[63] Nimankii Ciise qabtay way ku kajameen oo garaaceen.
[64] Oo intay indhaha ka xidheen ayay weydiiyeen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, yuu yahay kan kugu dhuftay?
[65] Wax badan oo kalena ayay ku lahaayeen iyagoo caayaya.
[66] Kolkuu waagii beryay, waxaa ururay waayeelladii dadka oo ahaa wadaaddadii sare iyo culimadiiba, oo waxay isagii geeyeen shirkoodii iyagoo leh,
[67] Haddii aad Masiixa tahay, noo sheeg. Wuxuuse ku yidhi, Haddaan idiin sheego ma rumaysan doontaan.
[68] Haddaan idin weydiiyona, iima jawaabi doontaan.
[69] laakiin hadda dabadeed Wiilka Aadanahu wuxuu fadhiisan doonaa midigta xoogga Ilaah.
[70] Markaasay waxay wada yidhaahdeen, Haddaba miyaad tahay Wiilka Ilaah? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhaahdeen inaan ahay.
[71] Markaasay yidhaahdeen, Maxaannu markhaati weli ugu baahan nahay. waayo, qudheenna ayaa afkiisa ka maqalnay.