[1] Si Ciise u tuso inay waajib ku tahay iyaga inay mar walba tukadaan oo aanay ka qalbi jabin, wuxuu iyaga kula hadlay masaal isagoo leh,
[2] Waxaa magaalo joogay xaakin aan Ilaah ka baqi jirin, ninnana aan danayn jirin.
[3] Waxaana magaaladaas joogtay carmal ninkeedii ka dhintay, marar badanna way u timid, iyadoo ku leh, Cadowgayga iga xaq sii.
[4] Intii wakhti ah ayuu yeeli waayay, laakiin dabadeed wuxuu isku yidhi, In kastoo aanan Ilaah ka baqin, oo aanan ninna danayn,
[5] weliba dhibta ay carmalkan i dhibayso aawadeed, waan xaq siin doonaa, si aanay marar badan iigu soo noqnoqon oo ii daalin.
[6] Markaasaa Rabbigu yidhi, Maqla wixii xaakinkii xaqa darnaa yidhi.
[7] Ilaahna miyaanu xaq siin doonin kuwuu doortay oo habeen iyo maalinba u qayliya: oo miyaanu u dulqaadan doonin?
[8] Waxaan idinku leeyahay, Dhaqsoba wuu u xaq siin doonaa; hase ahaatee goortuu Wiilka Aadanahu yimaado, markaas rumaysad ma ka heli doonaa dhulka?
[9] Masaalkan ayuu kula hadlay qaar ismoodayay inay xaq yihiin oo kuwa kale quudhsaday.
[10] laba nin ayaa tegey inay macbudka ku tukadaan; mid Farrisi buu ahaa, kan kalena cashuurqaade.
[11] Farrisigii intuu istaagay ayuu waxyaalahan isugu tukaday, Ilaahow, waxaan kuugu mahad naqayaa inaanan ahayn sida nimanka kale oo wax dulma, iyo kuwa xaqa daran, iyo dhillayaasha ama xataa sida cashuurqaadahan.
[12] Toddobaadkiiba laba kol ayaan soomaa waxaan haysta oo dhanna toban meelood ayaan meel ka bixiyaa.
[13] laakiin cashuurqaadihii meel fog ayuu ka istaagay, ma uuna doonaynin inuu indhihiisa cirka u qaado, laakiin laabtiisa ayuu garaacay isagoo leh, Ilaahow, ii naxariiso anigoo dembi leh.
[14] Waxaan idinku leeyahay, Kan iyo kii kale, kan baa gurigiisa tegey isagoo la caddeeyey inuu xaq yahay; waayo, mid kasta oo isa sarray- siiya waa la hoosaysiin doonaa, oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
[15] Ilmo yaryar ayay u keeneen inuu taabto, laakiin goortii xertii aragtay, ayay canaanteen.
[16] laakiin Ciise ayaa u yeedhay oo ku yidhi, Ilmaha yaryar daaya, ha ii yimaadeene. hana diidina, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada Ilaah.
[17] Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono.
[18] Taliye ayaa weydiiyey isagoo leh, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo?
[19] Markaasaa Ciise ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah.
[20] Qaynuunnada waad taqaan, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.
[21] Markaasuu yidhi, Kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii waan dhawray.
[22] Ciise goortuu waxaas maqlay ayuu ku yidhi, Weli wax keliya ayaa kuu dhiman. Waxaad haysatid oo dhan iibi, oo masaakiinta u qaybi, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal, ee kaalay oo i soo raac.
[23] laakiin goortuu waxaas maqlay ayuu aad uga caloolxumaaday, waayo, aad buu hodan u ahaa.
[24] Ciise goortuu arkay, wuxuu yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan,
[25] waayo, nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeeda ka duso.
[26] Markaasaa kuwa maqlay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara?
[27] Wuxuuse ku yidhi, Waxa aan dadka u suurtoobin, Ilaah waa u suurtoobaan.
[28] Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay.
[29] Wuxuuna ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Ma jiro nin boqortooyada Ilaah aawadeed uga tegey guri, ama afo, ama walaalo, ama waalid, ama carruur,
[30] Oo aan haatan helayn labanlaab badan, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.
[31] laba-iyo-tobankii ayuu watay oo ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem, oo wax walba oo nebiyadu qoreen ayaa Wiilka Aadanaha u noqon doona.
[32] Waayo, isaga waxaa loo dhiibi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn, waana lagu kajami doonaa, oo la caayi doonaa, oo lagu tufi doonaa,
[33] wayna karbaashi doonaan oo dili doonaan, maalinta saddexaadna wuu soo sara kici doonaa.
[34] laakiin waxyaalahaas waxba kama ay garan, hadalkaasna waa ka qarsoonaa, mana ay garan wixii la y idhi.
[35] Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay,
[36] oo goortuu maqlay dadka badan oo ag maraya ayuu weydiiyey waxaas waxay ahaayeen.
[37] Waxay u sheegeen in Ciisihii Reer Naasaret ag marayo.
[38] Markaasuu qayliyey isagoo leh, Ciise, ina Daa'uudow, ii naxariiso.
[39] Kuwa hor marayay ayaa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso
[40] Markaasaa Ciise joogsaday oo wuxuu ku amray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weydiiyey, oo ku yidhi,
[41] Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Wuxuu ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.
[42] Markaasaa Ciise ku yidhi, Wax arag; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.
[43] Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen.