Skip to content
Opens in a new window
Listen to this chapter • 2:54

[1] Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

[2] Ilaa goormaad waxyaalahan ku hadlaysaa? Oo ilaa goormaa erayada afkaagu ahaanayaan sida dabayl xoog badan?

[3] War ma Ilaah baa garsooridda qalloociya? Mase Ilaaha Qaadirka ah baa caddaaladda qalloociya?

[4] Haddii carruurtaadii ay isaga ku dembaabeen, Wuxuu iyagii u gacangeliyey xadgudubkoodii.

[5] Haddaad aad u barido Ilaah, Oo aad baryootankaaga hor dhigto Qaadirka,

[6] Haddaad daahir ahaan lahayd oo aad qummanaan lahayd, Sida xaqiiqada ah haatan wuu kuu toosi lahaa, Oo hoyga xaqnimadaadana wuu barwaaqayn lahaa.

[7] Oo in kastoo bilowgaagii yaraa, Haddana ugudambaystaadu aad bay u weynaan lahayd.

[8] Waan ku baryayaaye bal qarniyadii hore wax weyddii, Oo bal soo garwaaqso waxyaalihii ay awowayaashood fatasheen,

[9] (Waayo, innagu waxaynu nahay qoonkii shalayto oo qudha, oo waxba garan mayno, Maxaa yeelay, cimrigeenna aan dhulka joognaa waa sida hoos oo kale.)

[10] War sow iyagu wax kuma bari doonaan, oo wax kuuma sheegi doonaan, Oo sow qalbigooda kaalama hadli doonaan?

[11] War miyaa cawdu ka bixi kartaa meel aan dhoobo lahayn? Cawsduurkuse miyuu bixi karaa biyola'aantood?

[12] Intuu weli cagaarka yahay oo aan la gooyn, Wuu ka hor engegaa dhalatada kale oo dhan.

[13] Kuwa Ilaah illooba oo dhan wadiiqooyinkoodu waa sidaas oo kale, Oo ninkii cibaadalaawe ah rajadiisuna way baabba'daa.

[14] Oo kaas kalsoonaantiisu way kala jajabtaa, Oo aaminaaddiisuna waa sida xuubcaaro oo kale.

[15] Wuxuu ku tiirsan doonaa gurigiisa, laakiinse gurigiisu ma taagnaan doono. Aad buu u xajin doonaa, laakiinse siima uu adkaan doono innaba.

[16] Isagu waa ku cagaar qorraxda, Oo laamihiisa curdanka ahuna waxay ka soo kor baxaan beertiisa.

[17] Oo xididdadiisuna waxay isku duuduubaan taallo dhagaxyo ah, Oo wuxuu fiiriyaa meesha dhagaxyada.

[18] Isaga haddii meeshiisa laga baabbi'iyo, Markaasay inkiri doontaa isaga, oo waxay odhan doontaa, Anigu kumaba arag.

[19] Farxadda jidkiisu waa sidaas, Oo waxaa dhulka ka soo bixi doona kuwa kaleto.

[20] Ilaah marnaba xoori maayo nin qumman, Kuwa sharka falase tiirin maayo.

[21] Wuxuu afkaaga ka buuxin doonaa qosol, Bushimahaagana qaylo farxad leh,

[22] Kuwa ku neceb waxay xidhan doonaan ceeb, Teendhada sharrowyaduna mar dambe siima jiri doonto.

Kitaabkii Ayuub — Chapters