Skip to content
Opens in a new window
Listen to this chapter • 5:14

[1] Oo weliba Eliihuu wuu jawaabay oo wuxuu yidhi,

[2] Raggiinna xigmadda lahow, erayadayda maqla; Oo kuwiinna aqoonta lahow, i dhegaysta.

[3] Waayo, dhegtu waxay hadalka u kala soocdaa Sida dhabxanaggu cuntada u dhedhemiyo oo kale.

[4] Aynu dooranno waxa qumman, Oo aynu dhexdeenna ka ogaanno waxa wanaagsan.

[5] Waayo, Ayuub wuxuu yidhi, Anigu xaq baan ahay, Laakiinse Ilaah baa gartaydii ii diiday.

[6] Oo in kastoo aan xaq ahay haddana waxaa laygu tiriyey inaan beenlow ahay; Oo in kastoo aanan xadgudub lahayn, haddana nabarkaygu waa mid aan bogsan karin.

[7] Ninkee baa Ayuub la mid ah, Oo quudhsashada u cabba sida biyaha oo kale,

[8] kaasoo raaca kuwa xumaanta ka shaqeeya, Oo dadka sharka ah la socda?

[9] Waayo, isagu wuxuu yidhi, Ninna wax uma tarto Inuu Ilaah ku farxo.

[10] Haddaba sidaas daraaddeed i dhegaysta, raggiinna waxgaradka ahow; Ilaah inuu xaqdarro sameeyo way ka fog tahay; Oo Ilaaha Qaadirka ahna inuu xumaan falo way ka fog tahay.

[11] Waayo, nin walba shuqulkiisuu ka abaalmariyaa, Oo nin kastana siduu socodkiisu ahaa ayuu ugu abaalgudaa.

[12] Laakiinse hubaal Ilaah xaqdarro ma uu samayn doono, Oo Kan Qaadirka ahuna garta ma uu qalloocin doono.

[13] Bal yaa isaga ku amray inuu dhulka u taliyo? Yaase isaga dusha ka saaray dunida oo dhan?

[14] Hadduu keligiis iska fikiri lahaa, Oo uu ruuxiisa iyo neeftiisa soo urursan lahaa,

[15] Dadka oo dhammu waa wada baabbi'i lahaa, Oo binu-aadmiguna ciidduu ku noqon lahaa.

[16] Haddaba haddaad waxgarad tahay, waxan maqal; Oo erayadayda codkooda dhegayso.

[17] War mid xaqnimada neceb miyuu wax u talinayaa? Oo ma waxaad xukumaysaa midka xaqa ah oo xoogga badan?

[18] Ma waxaa boqor lagu yidhaahdaa, Shar baad tahay? Amase kuwa gobta ah, Cibaadalaawayaal baad tihiin?

[19] Haddaba ma saasaad ku odhan lahayd kan aan amiirrada u eexan, Ama aan taajirka uga roonayn kan miskiinka ah? Waayo, iyagu dhammaantood waa shuqulkii gacmihiisu sameeyeen.

[20] Iyagu daqiiqad bay ku dhintaan, Dadku habeenbadhkiiba way gariiraan oo naftaa ka baxda, Kuwa xoogga badanuna way libdhaan iyadoo aan gacanna la saarin.

[21] Waayo, indhihiisu waxay fiiriyaan jidadka binu-aadmiga, Wuxuuna wada arkaa socodkiisa oo dhan.

[22] Ma jiro gudcur ama hoosdhimasho toona Oo ay kuwa xumaanta sameeyaa ku dhuuntaan.

[23] Waayo, isagu uma baahna inuu in kale binu-aadmiga ka sii fikiro, Inuu isagu Ilaah hortiisa garsoorid u tago.

[24] Ragga xoogga badan ayuu u kala jejebiyaa siyaalo aan la baadhi karin, Oo meeshoodiina kuwa kaluu ka kiciyaa.

[25] Maxaa yeelay, isagu shuqulladooda wuu yaqaan; Oo habeennimuu afgembiyaa si ay u burburaan.

[26] Sharkooda daraaddiis ayuu iyaga wax ku dhuftaa, Iyagoo dadka kale u jeedo,

[27] Maxaa yeelay, lasocodkiisii way ka leexdeen, Oo waxay diideen inay jidadkiisa midnaba ka fikiraan.

[28] Sidaasay qaylada masaakiinta isaga soo gaadhsiiyeen, Oo isna qaylada kuwa dhibaataysan ayuu maqlay.

[29] Haddii quruun lagu sameeyo iyo haddii qof lagu sameeyaba, Markuu nasiyo yaa belaayo kicin kara? Oo markuu wejigiisa qariyana bal yaa isaga fiirin kara?

[30] Inaan cibaadalaawe boqornimada qabsan, Si uusan u jirin mid dadka shirqool u dhiga.

[31] Waayo, ninna miyuu Ilaah ku yidhi, Anigu edbintii waan qaatay, oo mar dambe ninna xumayn maayo,

[32] Haddaba waxaanan u jeedin i bar, Oo haddaan xumaan sameeyeyna mar dambe u noqon maayo?

[33] Abaalgudkiisu ma wuxuu ahaan doonaa sidaad doonaysid, inaad diiddid aawadeed? Waayo, waa inaad adigu doorataa, mana aha aniga; Haddaba waxaad taqaanid ku hadal.

[34] Nin kasta oo xigmad leh oo i maqla iyo dadka waxgaradka ahuba Waxay igu odhan doonaan,

[35] Ayuub aqoonla'aan buu ku hadlaa, Oo hadalkiisana xigmadu kuma jirto.

[36] Waxaan jeclaan lahaa in Ayuub tan iyo ugudambaysta la sii imtixaamo, Maxaa yeelay, wuxuu u jawaabaa sida dadka sharka ah.

[37] Waayo, dembigiisii wuxuu ku sii darsadaa caasinimo, Oo dhexdeenna ayuu ka sacab tuntaa, Erayadiisana wuxuu ku sii badiyaa Ilaah.

Kitaabkii Ayuub — Chapters