[1] Markaas dabadeed Ayuub intuu afkiisa furay ayuu habaaray maalintii uu dhashay.
[2] Oo Ayuub intuu hadal bilaabay ayuu yidhi:
[3] Dharaartii aan dhashay ha baabba'do Iyo habeenkii la yidhi, Wiil baa calool galay.
[4] Maalintaasu gudcur ha ahaato; Oo Ilaah yuusan iyada xagga sare kaga fiirsan, Oo nuurkuna yuusan iftiimin.
[5] Gudcur iyo hooska dhimashadu iyada mulki ha ka dhigteen. Daruuru ha ku degto, Oo wixii maalin madoobeeya oo dhammu ha cabsiiyeen.
[6] Oo habeenkaasna gudcur weynu ha qabsado, Oo ayaamaha sannadda yuusan ka dhex rayrayn. Oo yuusan soo dhex gelin bilaha tiradooda.
[7] Bal eeg, habeenkaasu cidla ha noqdo; Oo cod faraxsan yaanu ka dhex yeedhin.
[8] Oo isaga ha habaareen kuwa maalinta habaaraa, Oo kicin kara bahalka la yidhaahdo Lewiiyaataan.
[9] Fiidka xiddigihiisu gudcur ha noqdeen, Iftiin ha doondoono oo yuusan helin; Oo innaba yuusan arkin kaaha waaberiga.
[10] Maxaa yeelay, isagu ma uu awdin irdihii maxalka hooyaday, Oo indhahaygana dhib kama uu qarin.
[11] Bal maxaan u dhiman waayay markaan uurka ka soo baxay? Oo maxaa naftu iiga bixi weyday isla markaan caloosha ka soo baxay?
[12] Bal jilbuhu maxay ii aqbaleen? Amase naasuhu inaan nuugo?
[13] Waayo, hadda xasilloonaan baan ku jiifi lahaa; Oo waan iska seexan lahaa, oo waan nasan lahaa,
[14] Aniga iyo boqorrada iyo lataliyayaasha dunida Oo nafsaddooda taallooyin u dhistay,
[15] Iyo amiirradii dahabka lahaan jiray, Oo guryahooda lacagta ka buuxsaday;
[16] Bal dhicis qarsoon maxaan u ahaan waayay? Ama sida dhallaan aan innaba iftiinka arag?
[17] Halkaas kuwa sharka ahu cidna kuma sii dhibaan, Oo kuwa daallanuna halkaasay ku nastaan.
[18] Maxaabiistuna halkaasay dhammaantood ku wada istareexaan, Mana ay maqlaan kii dulmi jiray codkiisa.
[19] Yar iyo weynba halkaasaa la wada joogaa, Oo addoonkuna sayidkiisa waa ka xor.
[20] Bal iftiin maxaa loo siiyaa kan dhibaataysan? Maxaase loo nooleeyaa kan naftiisu la qadhaadhaatay,
[21] Oo dhimasho u xiisooda, oo ayan u imanayn, Oo daraaddeed dhulka u qodqoda intuu khasnado qarsoon qodi lahaa in ka sii badan,
[22] Kuwaasoo aad u reyreeya, Oo farxa hadday qabriga heli karaan?
[23] Bal maxaa iftiin loo siiyaa nin jidkiisu qarsoon yahay, Oo Ilaah deyr ku wareejiyey?
[24] Waayo, intaanan wax cunin ayaan taahaa, Oo cabaadkayguna wuxuu u shubmaa sida biyo oo kale.
[25] Waayo, hadba wixii aan ka cabsado ayaa igu soo dega, Oo wixii aan ka baqo ayaa ii yimaada.
[26] Ma aan istareexsani, mana aan xasillooni, mana aan nasto; Laakiinse hadba dhibaato baa ii timaada.