Skip to content
Opens in a new window

[1] Ninkiina naagtiisii Xaawa ahayd buu u tegey; wayna uuraysatay. oo Qaabiil bay dhashay. oo waxay tidhi. Wiil baan ku helay Rabbiga caawimaaddiisa.

[2] Dabadeedna waxay dhashay walaalkiis Haabiil. Haabiilna wuxuu ahaa adhijir. Laakiin Qaabiil wuxuu ahaa beerfale.

[3] Maalmo dabadeed waxay noqotay in Qaabiil qurbaan ahaan Rabbiga ugu keenay midhihii dhulka.

[4] Haabiilna wuxuu wax uga keenay curadyadii adhigiisa iyo baruurtoodiiba. Rabbiguna wuu eegay Haabiil iyo qurbaankiisii; laakiinse Qaabiil iyo qurbaankiisii Rabbigu ma uu eegin.

[5] Qaabiilna aad buu u cadhooday, wejigiisiina wuu madoobaaday.

[6] Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi Qaabiil, Maxaad u cadhoonaysaa? Maxaase wejigaagu u madoobaaday?

[7] Haddaad wax wanaagsan samaysid, sow laguma aqbaleen! Haddaadan wax wanaagsan samaynse. dembi illinkuu kuugu gabbanayaa; doonistiisuna aday noqon doontaa, adiguna waa inaad xukuntid isaga.

[8] Qaabiilna wuxuu ku yidhi walaalkiis Haabiil, Ina keen, aynu duurka tagnee. Waxaana dhacday, markii ay duurka joogeen. in Qaabiil walaalkiis Haabiil ku kacay oo dilay isagii.

[9] Rabbiguna v uxuu Qaabiil ku yidhi, Walaalkaa Haabiil meeh? Kolkaasuu yidhi. Ma aqaan: ma anigaa ah walaalkay ilaaliyihiisa?

[10] Kolkaasaa Ilaah ku yidhi, Maxaad samaysay? Codkii dhiiggii walaalkaa ayaa dhulka iiga dhawaaqaya e.

[11] Oo haatan waad ka habaaran tahay dhulkii afkiisa u kala qaaday si uu dhiiggii walaalkaa gacantaada uga helo.

[12] Kolkii aad dhulka beeratid,- wax badan kuuma dhali doono. Waxaad dhulka ku noqon doontaa mid carcarara oo warwareega.

[13] Qaabiilna wuxuu Rabbiga ku yidhi, Taqsiirtaydu waa ka sii badan tahay wax aan qaadi karo.

[14] Bal eeg, maanta dhulkaad iga eriday, wejigaagana waan ka qarsoonaan doonaa, waxaanan dhulka ku noqon doonaa mid carcarara oo warwareega; waxaana dhici doonta in kii i arkaaba i dili doono.

[15] Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi isagii, Sidaas daraaddeed ku alla kii dila Qaabiil, waxaa looga aargudan doonaa toddoba labanlaab. Rabbiguna calaamad buu u sameeyey Qaabiil, si aanu ku alla kii arkaaba u dilin.

[16] Qaabiilna Rabbiga hortiisuu ka tegey, oo wuxuu degay dalkii la odhan jiray Nood, oo xagga bari oo Ceeden ku yiil.

[17] Qaabiilna naagtiisuu u tegey; wayna uuraysatay, oo waxay dhashay Enook. Wuxuuna dhisay magaalo, oo magaaladiina wuxuu ku magacaabay magicii wiilkiisii Enook.

[18] Enookna waxaa u dhashay Ciiraad; Ciiraadna wuxuu dhalay Mexuuya'el: Mexuuya'elna wuxuu dhalay Metuusha'el: Metuusha'elna wuxuu dhalay Lamek.

[19] Lamekna wuxuu guursaday laba naagood; mid magaceedu wuxuu ahaa Caadah, tan kalena magaceedu wuxuu ahaa Sillah.

[20] Caadahna waxay dhashay Yaabaal: isna wuxuu ahaa aabbihii kuwa teendhooyinka deggan oo xoolaha leh.

[21] Magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yuubaal; isna wuxuu ahaa aabbihii kuwa kataaradda iyo biibiilaha garaaca.

[22] Sillahna waxay dhashay Tuubalqayin oo ahaa mid tumi jiray alaabtii naxaasta iyo birta ahayd oo dhan; Tuubalqayin walaashiisna waxay ahayd Nacmah.

[23] Lamekna wuxuu naagihiisii ku yidhi: Caadah iyo Sillahay, codkayga maqla; Lamek naagihiisow, hadalkayga dhegaysta; Nin baan u dilay dhaawacid uu i dhaawacay aawadeed, Iyo nin dhallinyar dhufashadii uu wax igu dhuftay aawadeed.

[24] Haddii Qaabiil toddoba labanlaab looga aargudan lahaa, Runtii Lamek waa in toddoba iyo toddobaatan labanlaab looga aargutaa.

[25] Aadanna naagtiisii mar kale ayuu u tegey; waxayna dhashay wiil, magiciisiina waxay u bixisay Seet, iyadoo leh, Ilaah abuur kaluu ii soo dhigay Haabiil meeshiisii; waayo, Qaabiil baa dilay isagii.

[26] Seedna waxaa u dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Enoos; markaasaa dadkii waxay bilaabeen inay Rabbiga ku baryaan magiciisa.

Bilowgii — Chapters