[1] Aabraamna Masar wuu ka baxay, isaga, iyo naagtiisii, iyo wuxuu haystay oo dhan, Luutna wuu raacay, oo wuxuu tegey xagga koonfureed.
[2] Oo Aabraam hodan buu ka ahaa xagga xoolaha iyo lacagta iyo dahabka.
[3] Xagga koonfureed ayuu ka tegey oo wuxuu u socdaalay ilaa Beytel, meeshii bilowgii ay teendhadiisu ahayd, ee u dhexaysay Beytel iyo Cay;
[4] ilaa meeshii allabariga oo uu horraantii halkaas ka sameeyey; oo meeshaasuu Aabraam magaca Rabbiga kaga baryootamay.
[5] Oo Luut, oo isna Aabraam la socday, wuxuu lahaa adhi, iyo lo', iyo teendhooyin.
[6] Dhulkuna ma uu qaadi karin iyagii, hadday wada degganaan lahaayeen: waayo, xoolahoodu way badnaayeen, oo sidaas daraaddeed ma ay wada degganaan karin.
[7] Dirir baana ku dhex jirtay xoolojirradii Aabraam). iyo xoolojirradii Luut. Markaasna reer Kancaan iyo reer Feris dhulkaasay degganaayeen.
[8] Oo Aabraam wuxuu Luut ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa inaan diriru inaga dhex dhicin aniga iyo adiga, iyo xoolojirradayda iyo xoolojirradaada; maxaa yeelay, waxaynu nahay walaalo.
[9] Dhulka oo dhammu sow kaa ma horreeyo? Waxaan kaa baryayaa inaad iga guurtid. Haddaad bidixda tagto, midigtaan tegayaa; haddaad midigta tagtona, bidixdaan tegayaa.
[10] Kolkaasuu Luut indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay Bannaankii Webi Urdun oo dhan, iyo inay meel waluba aad u waraabsan tahay, intaan Rabbigu baabi'in Sodom iyo Gomora; wuxuu u ekaa beertii Ilaah, iyo sida dalka Masar markaad tagto xagga Socar.
[11] Markaasuu Luut wuxuu doortay Bannaankii Urdun oo dhan; oo Luut xagga bari buu u socdaalay; oo way kala guureen.
[12] Aabraam wuxuu degay dalkii Kancaan, Luutna wuxuu degay magaalooyinkii Bannaanka ku yiil, oo teendhadiisii wuxuu u wareejiyey xagga Sodom.
[13] Haddaba dadkii Sodom shar miidhan bay ahaayeen, Ilaahna aad iyo aad bay ugu dembaabeen.
[14] Oo Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, intii Luut ka guuray ka dib, Indhahaaga kor u taag, oo meeshaad joogto ka fiiri, xagga woqooyi iyo xagga koonfureed, iyo xagga bari iyo xagga galbeedba;
[15] waayo, dhulka aad aragto oo dhan waxaan siin doonaa adiga iyo far-cankaaga weligiin.
[16] Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa.
[17] Bal kac oo ku dhex soco dhulka dhererkiisa iyo ballaadhkiisa; waayo, adigaan ku siin doonaa.
[18] Oo Aabraam teendhadiisii wuu wareejiyey, oo wuxuu yimid oo degay dhirtii Mamre, ee ku tiil Xebroon, oo halkaasuu Rabbiga meel allabari uga dhisay.