Skip to content
Opens in a new window

[1] Oo Ilaah wuxuu Yacquub ku yidhi, Kac oo xagga Beytel tag, oo halkaas deg; oo meel allabari halkaas uga samee Ilaahii kuu muuqday markii aad walaalkaa Ceesaw ka cararaysay.

[2] Markaasaa Yacquub ku yidhi dadkii gurigiisa iyo intii isaga la jirtay oo dhan, Iska fogeeya ilaahyada qalaad oo idinku dhex jira, oo isdaahirsha, oo dharkiinnana beddesha,

[3] Oo ina kiciya, aynu Beytel tagnee, oo anna halkaas meel allabari baan uga samayn doonaa Ilaahii ii jawaabay maalintii aan dhibtoonayay oo ila jiray jidkii aan maray.

[4] Markaasay Yacquub wada siiyeen ilaahyadii qalaad oo gacantooda ku jiray, iyo hilqadihii dhegahooda ku jiray, Yacquubna wuxuu ku qariyey geed Shekem ku ag yiil hoostiisa.

[5] Wayna sodcaaleen, magaalooyinkii ku wareegsanaa oo dhanna cabsi weyn baa ku dhacday, mana ay ka daba tegin reer Yacquub.

[6] Yacquubna wuxuu yimid Luus oo ku taal dalka Kancaan (taasuna waa Beytel), isagii iyo dadkii la jiray oo dhammuba.

[7] Markaasuu halkaas ka dhisay meel allabari, wuxuuna meeshii u bixiyey Elbeytel; maxaa yeelay, Ilaah baa halkaas ugu muuqday isaga, markuu ka cararay walaalkiis.

[8] Markaasaa Deboorah oo Rebeqah midiidinteedii ahayd dhimatay, waxaana lagu aasay Beytel geedka hoostiisa; meeshaas magaceediina waxaa loo bixiyey Alloon Bakuut.

[9] Markaasaa Ilaah mar kale Yacquub u muuqday, markii uu ka yimid Fadan Araam, wuuna barakadeeyey.

[10] Oo waxaa Ilaah ku yidhi, Magacaagu waa Yacquub. Hadda ka dib magacaaga lama odhan doono Yacquub, laakiinse magacaagu wuxuu ahaan doonaa Israa'iil. Magiciisiina wuxuu u bixiyey Israa'iil.

[11] Markaasaa Ilaah ku yidhi isaga, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah. Wax badan dhal oo taran; quruun iyo quruumo badan ayaa kaa iman doona, waxaa kaa soo bixi doona boqorro;

[12] Oo dhulkii aan siiyey Ibraahim iyo Isxaaq, adigaan ku siin doonaa, adiga dabadaana farcankaagaan siin doonaa dhulka.

[13] Ilaahna kor buu uga tegey isagii iyo meeshii uu kula hadlayba.

[14] Yacquubna meeshii uu kula hadlay isaga wuxuu ka taagay tiir, kaas oo ahaa tiir dhagax ah; wuxuuna ku dul shubay qurbaan cabniin ah, saliidna wuu ku dul shubay.

[15] Yacquubna meeshii Ilaah kula hadlay isaga magaceedii wuxuu u bixiyey Beytel.

[16] Wayna ka sodcaaleen Beytel; oo intaanay Efrat weli soo gaadhin ayaa Raaxeel foolatay, fooshiina way ku rafaadday.

[17] Oo markay fooshii ku rafaadaysay umulisadii baa ku tidhi, Ha cabsan; waayo, haatanna waxaad dhalaysaa wiil kale.

[18] Oo waxay noqotay in, markii ay naftu ka sii baxaysay, ay magiciisii u bixisay Benooni, waayo, way dhimatay, laakiinse aabbihiis wuxuu u bixiyey Benyaamiin.

[19] Raaxeelna way dhimatay, waxaana lagu aasay jidka loo maro Efrat, taasuna waa Beytlaxam.

[20] Yacquubna tiir buu ka taagay qabrigeedii; waana isla tiirka ka taagan qabrigii Xaa xeel ilaa maanta.

[21] Israa'iilna waa sodcaalay, oo wuxuu teendhadiisii ka dhistay munaaraddii Ceeder shishadeeda.

[22] Oo waxay noqotay, intuu Israa'iil dhulkaas degganaa, in Ruubeen u tegey oo la jiifsaday addoontii aabbihiis oo Bilhah ahayd; Israa'iilna taas wuu maqlay. Wiilashii Yacquubna laba iyo toban bay ahayeen.

[23] Wiilashii Lee'ah waxay ahaayeen Ruubeen oo ahaa curadkii Yacquub, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun.

[24] Wiilashii Raaxeelna waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin.

[25] Addoontii Raaxeel oo Bilhah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Daan iyo Naftaali.

[26] Addoontii Lee'ah oo Silfah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Gaad iyo Aasheer. Kuwanu waa wiilashii Yacquub oo isaga ugu dhashay Fadan Araam.

[27] Markaasaa Yacquub aabbihiis Isxaaq ugu yimid Mamre, iyo xagga Qiryat Arbac, taasuna waa Xebroon, oo ahayd meeshii Ibraahim iyo Isxaaq qariib ahaanta u degganaan jireen.

[28] Isxaaq cimrigiisuna wuxuu ahaa boqol iyo siddeetan sannadood.

[29] Isxaaqna wuu naf baxay, wuuna dhintay, oo wuxuu ku darmaaday dadkiisii, isagoo duq ah oo cimri weyn; markaasay wiilashiisii Ceesaw iyo Yacquub isagii aaseen.

Bilowgii — Chapters