[1] Waxaa dhacay goortii Ciise hadalladan oo dhan dhammeeyey, inuu xertiisii ku yidhi,
[2] Waxaad og tihiin laba maalmood dabadeed inay tahay Iiddii Kormaridda, oo Wiilka Aadanaha waxaa loo gacangelinayaa in iskutallaabta lagu qodbo.
[3] Markaasaa wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka waxay isku urursadeen barxadda wadaadkii sare oo Kayafas la odhan jiray.
[4] Oo waxay ka wada hadleen si ay Ciise khiyaano ugu qabtaan oo ay u dilaan.
[5] Laakiin waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon wakhtiga iidda si aan rabshad dadka uga dhex kicin.
[6] Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray,
[7] waxaa u timid naag haysa weel alabastar ah oo cadar qaali ah ku jiro, oo waxay ku shubtay madaxiisa intuu cuntada u fadhiyey.
[8] Laakiin xertu goortay arkeen, way cadhoodeen oo waxay yidhaahdeen, Khasaaradanu maxay ku noqotay?
[9] Waayo, kan waxaa lagu iibin kari lahaa wax badan oo masaakiinta la siin lahaa.
[10] Ciise goortuu gartay ayuu ku yidhi, Maxaad naagta u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye.
[11] Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse mar walba idinlama joogo.
[12] Waxay cadarkan jidhkayga ugu shubtay inay aasniintayda ii diyaargarayso.
[13] Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhan meel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doonaa.
[14] Markaas mid laba-iyo-tobankii ka mid ahaa oo Yuudas Iskariyod la odhan jiray ayaa u tegey wadaaddada sare
[15] oo ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaad i siisaan? Anna waan idiin soo gacangelin doonaaye. Oo waxay bixiyeen soddon gogo' oo lacag ah.
[16] Markaas dabadeed wuxuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacangeliyo.
[17] Maalintii ugu horraysay oo Iiddii Kibistii aan khamiirka lahayn xertii ayaa Ciise u timid oo waxay ku yidhaahdeen, Xaggee baad doonaysaa inaannu kuu diyaargarayno inaad cuntid cashada Iidda Kormaridda?
[18] Wuxuu yidhi, Magaalada gala oo hebel u taga oo waxaad ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Wakhtigaygii waa dhow yahay, gurigaaga ayaan cashada Iidda Kormaridda kula samaysanayaa xertayda.
[19] Xertii waa samaysay sida Ciise ku amray oo cashada Iidda Kormariddii ayay diyaargareeyeen.
[20] Goortii makhribkii la gaadhay, laba-iyo-tobankii xerta ahaa ayuu cunto ula fadhiistay,
[21] oo intay wax cunayeen ayuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacangelin doona.
[22] Markaasay aad iyo aad u caloolxumaadeen, oo waxay bilaabeen in mid kastaa ku yidhaahdo, Ma aniga baa, Sayidow?
[23] Wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Kii saxanka gacanta ila gesha kaasaa i gacangelin doona.
[24] Wiilka Aadanahu waa baxayaa, siday u qoran tahay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas Wiilka Aadanaha gacangelinaya. Waxaa ninkaas u wanaagsanaan lahayd inaanu dhalan.
[25] Yuudas oo ah kii gacangeliyey ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma aniga baa, Sayidow? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhi.
[26] Oo intay wax cunayeen, Ciise ayaa kibis qaaday oo barakeeyey, wuuna jejebiyey oo xertii siiyey oo yidhi, Qaata oo cuna. Tanu waa jidhkaygiiye.
[27] Kolkaasuu koobkii qaaday oo mahadnaqay oo siiyey iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Kulligiin ka cabba.
[28] Waayo, kanu waa dhiiggayga axdiga cusub kan kuwo badan loo daadshay dembidhaafkooda aawadiis.
[29] Laakiin waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed anigu kama cabbi doono midhahan geedka canabka ah ilaa maalinta aan iyadoo cusub idinkula cabbayo boqortooyada Aabbahay dhexdeed.
[30] Goortay gabay ammaan ah ku gabyeen waxay u baxeen Buur Saytuun.
[31] Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Caawa kulligiin waa iga xumaan doontaan, waayo, waxaa qoran, Adhijirkaan dili doonaa oo idaha foofka ahu waa kala firdhi doonaan.
[32] Laakiin markii kuwii dhintay layga sara kiciyo, dabadeed ayaan Galili hortiin tegi doonaa.
[33] Laakiin Butros ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Hadday kulli kaa xumaadaan, anigu weligay kaa xumaan maayo.
[34] Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Caawa qudheeda intaan diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa.
[35] Butros wuxuu ku yidhi, In kastoo aan leeyahay inaan kula dhinto, kolleyba ku dafiri maayo. Xertii oo dhammuna sidaasay wada yidhaahdeen.
[36] Markaasaa Ciise la yimid iyaga meel Getsemane la odhan jiray, oo wuxuu xertii ku yidhi, Halkan fadhiista intii aan halkaas tegayo oo ku soo tukanayo.
[37] Oo wuxuu watay Butros iyo labada wiil oo Sebedi, oo wuxuu bilaabay inuu calool xumaado oo tiiraanyoodo.
[38] Markaasuu ku yidhi, Naftaydu aad bay u calool xun tahay tan iyo dhimasho; halkan jooga oo ila soo jeeda.
[39] Waxoogaa ayuu hore u socday, oo wejigiisuu u dhacay oo tukaday isagoo leh, Aabbow, hadday suurtowdo, koobkanu ha i dhaafo, hase ahaatee, yaanay noqon sidaan doonayo laakiin sidaad doonaysid ha noqoto.
[40] Xertii ayuu u yimid, oo wuxuu arkay iyagoo hurda, oo wuxuu Butros ku yidhi, Waa sidee? Miyaad kari weydeen inaad saacad keliya ila soo jeeddaan?
[41] Soo jeeda oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. Ruuxu waa diyaar, laakiin jidhku waa itaal daranyahay.
[42] Haddana mar labaad ayuu tegey oo tukaday isagoo leh, Aabbow, haddii aanay suurtoobin in koobkanu i dhaafo anigoo cabba maahee, sidaad doonaysid ha noqoto.
[43] Mar kale ayuu yimid oo arkay iyagoo hurda, waayo, indhahoodu lulmay la cuslaayeen.
[44] Wuu iska daayay oo haddana ka tegey, oo mar saddexaad ayuu tukaday isagoo haddana hadalkii oo kale ku hadlaya.
[45] Markaasuu xertii u yimid oo ku yidhi, Hadda seexda oo nasta. Bal eega, saacaddii waa dhow dahay, oo Wiilka Aadanaha ayaa dembilayaal loo gacangelinayaa.
[46] Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacangelin lahaa waa soo dhow yahay.
[47] Oo intuu weli hadlayay ayaa Yuudas oo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo waayeellada dadka.
[48] Kii gacangeliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, Mid alla midkaan dhunkado waa isagii ee qabta.
[49] Kolkiiba Ciise buu u yimid oo ku yidhi, Nabad, Macallimow; wuuna dhunkaday.
[50] Kolkaasaa Ciise ku yidhi, Saaxiibow, maxaad u timid? Markaasay yimaadeen, oo gacmahooda ayay Ciise saareen oo qabteen.
[51] Oo bal eeg, mid ka mid ah kuwii Ciise la jiray ayaa gacanta fidiyey, oo seeftiisa soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dheg buu ka gooyay.
[52] Markaasaa Ciise ku yidhi, Seeftaada meesheedii ku celi, waayo, kuwa seefo qaada oo dhammu seef bay ku halligmi doonaan.
[53] Ma waxaad u malaynaysaa inaanan Aabbahay baryi karin oo uusan haddeer ii soo diri karin malaa'igo laba iyo toban guuto ka badan?
[54] Haddaba sidee buu u noqon doonaa Qorniinku kan leh, Waa in sidaasu noqotaa?
[55] Saacaddaas qudheeda ayaa Ciise dadkii badnaa ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo inaad i qabataan sidaan tuug ahay? Maalin walbaba macbudka ayaan fadhiyi jiray oo wax bari jiray, imana aydnaan qabsan.
[56] Laakiin waxan oo dhan ayaa noqday in qorniinka nebiyadu rumoobo. Markaasaa xertii oo dhammu ka wada tageen oo carareen.
[57] Kuwii Ciise qabtay waxay u geeyeen Kayafas oo ahaa wadaadkii sare, ilaa meeshii culimmada iyo waayeelladu ku urursanaayeen.
[58] Laakiin Butros baa meel fog ka soo daba socday ilaa barxadda wadaadkii sare, wuuna galay oo askartii la fadhiistay inuu ugudambaysta arko.
[59] Wadaaddadii sare iyo shirkii oo dhan ayaa waxay dooneen markhaati been ah oo Ciise ka gees ah si ay u dilaan.
[60] Waase heli waayeen, in kastoo markhaatiyaal badan oo been ahu yimaadeen. Laakiinse dabadeed waxaa yimid laba,
[61] oo waxay yidhaahdeen, Kanu wuxuu yidhi, Waan karayaa inan macbudka Ilaah dudumiyo oo saddex maalmood ku dhiso.
[62] Markaasaa wadaadkii sare istaagay oo ku yidhi, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag furayaan waa maxay?
[63] Laakiin Ciise waa iska aamusay. Kolkaasaa wadaadkii sare wuxuu ku yidhi, Ilaaha nool ayaan kugu dhaarinayaa ee noo sheeg inaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Ilaah, iyo in kale.
[64] Ciise ayaa ku yidhi, Waad tidhi. Hase ahaatee waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya midigta xoogga Ilaah oo ku imanaya daruuraha cirka.
[65] Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay isagoo leh, Wuu caytamay. Maxaynu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay? Bal eega, haddeer waad maqasheen caytanka.
[66] Maxay idinla tahay? Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Wuxuu istaahilaa dhimasho.
[67] Markaasay wejiga kaga candhuufeen oo garaaceen. Qaarna waa dharbaaxeen,
[68] oo waxay ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Masiixow. Yuu yahay kan kugu dhuftay?
[69] Butros wuxuu fadhiyey barxadda dibadda ah, markaasaa gabadh u timid oo waxay ku tidhi, Adiguna waxaad la jirtay Ciisihii reer Galili.
[70] Laakiin dhammaantood ayuu ku hor dafiray oo wuxuu ku yidhi, Anigu garan maayo waxaad leedahay.
[71] Goortuu iridda tegey mid kale ayaa aragtay, oo waxay kuwii halkaas joogay ku tidhi, Kanu wuxuu la jiray Ciisihii reer Naasared.
[72] Haddana dhaar ayuu ku dafiray oo yidhi, Anigu garan maayo ninka.
[73] Waxoogaa yar dabadeed kuwii ag taagnaa ayaa u yimid oo Butros ku yidhi, Run weeye, adiguna midkood baad tahay, waayo, hadalkaaga ayaa ku muujinaya.
[74] Markaasuu bilaabay inuu caytamo oo ku dhaarto inaanu ninka garanayn. Kolkiiba diiqii baa ciyey.
[75] Markaasaa Butros wuxuu xusuustay hadalkii Ciise ku hadlay, Diiqu intaanu ciyin saddex goor ayaad i dafiri doontaa. Markaasuu baxay oo aad u ooyay.