[1] Goortii Ciise ku dhashay Beytlaxamtii Yahuudiya, waagii Herodos boqorkii ahaa, waxaa Yeruusaalem bari kaga yimid niman xigmad leh iyagoo leh,
[2] Xaggee buu joogaa boqorka Yuhuudda ee dhashay? Waayo, bari ayaannu xiddigtiisii ka aragnay, oo waxaannu u nimid inaannu caabudno.
[3] Goortuu boqor Herodos waxan maqlay, ayuu welwelay, isaga iyo reer Yeruusaalem oo dhan.
[4] Oo intuu isu ururiyey wadaaddadii sare iyo culimmadii dadka oo dhan, ayuu weyddiiyey meeshii Masiixu ku dhalan lahaa.
[5] Oo waxay ku yidhaahdeen, Beytlaxamtii Yahuudiya, waayo, sidaasaa nebigii u qoray,
[6] Adigu Beytlaxam, oo dhulka Yahuudah ahay, Kuma aad yaridba caaqillada Yahuudah dhexdooda, Waayo, waxaa adiga kaa soo bixi doona taliye, Kan dadkayga Israa'iil u talin doona.
[7] Markaasuu Herodos nimankii xigmadda lahaa hoos ahaan ugu yeedhay, oo ka hubsaday goortay xiddigtu u muuqatay.
[8] Kolkaasuu Beytlaxam cid u diray oo ku yidhi, Taga oo ilmaha aad u doondoona, oo goortaad heshaan i soo ogeysiiya si aan anna ugu tago oo u caabudo.
[9] Goortay boqorkii maqleen ayay tageen, oo xiddigtii ay bari ka arkeen ayaa hor kacday ilaa ay timid oo ay kor joogsatay meeshii ilmuhu joogay,
[10] oo goortay xiddigtii arkeen ayay farxad aad u weyn ku farxeen.
[11] Markaasay gurigii galeen oo waxay arkeen ilmihii iyo Maryan hooyadiis, wayna dhaceen oo caabudeen isaga, oo intay khasnadahoodii fureen waxay isaga u dhiibeen hadiyado dahab iyo beeyo iyo malmal ah.
[12] Markaasaa riyo loogu digay inaanay Herodos ku noqon, oo dhulkoodii ayay jid kale u mareen.
[13] Goortay ka tageen, malaa'igtii Rabbiga ayaa Yuusuf riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Kac oo kaxee ilmaha iyo hooyadiis, oo Masar u carar oo halkaas joog ilaa aan kuu soo sheego, waayo, Herodos ayaa ilmaha dooni doona inuu dilo.
[14] Wakhti habeen ah ayuu kacay, oo ilmihii iyo hooyadiis kaxeeyey, oo Masar tegey,
[15] oo halkaasuu joogay ilaa dhimashadii Herodos, inay noqoto wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh, Wiilkayga ayaan Masar uga yeedhay.
[16] Goortuu Herodos arkay inay nimankii xigmadda lahaa ku cayaareen isagii, ayuu aad u cadhooday, oo cid buu u diray oo laayay wiilashii yaryaraa oo dhan, kuwii laba sannadood jiray iyo kuwii ka yaraa oo joogay Beytlaxam iyo meelaha u dhow oo dhan, sida wakhtigii uu nimankii xigmadda lahaa ka hubsaday.
[17] Markaas waxaa noqotay wixii nebi Yeremyaah lagaga dhex hadlay, isagoo leh,
[18] Cod baa Raamaah laga maqlay, Oohin iyo baroor weyn, Raaxeel oo u ooyaysa carruurteeda, Oo aan doonaynin in la qalbi qabowjiyo, waayo, ma ay joogin.
[19] Laakiin goortuu Herodos dhintay, malaa'igtii Rabbiga ayaa riyo ugu muuqatay Yuusuf oo Masar jooga, iyadoo leh,
[20] Kac oo kaxee ilmaha iyo hooyadiis, oo dhulka Israa'iil tag, waayo, kuwii ilmaha naftiisa doonayay waa dhinteen.
[21] Markaasuu kacay oo kaxeeyey ilmihii iyo hooyadiis, oo dalkii Israa'iil tegey.
[22] Laakiin goortuu maqlay in Arkhela'os meeshii aabbihiis Herodos Yahuudiya xukumayo, wuu ka baqay inuu halkaas tago. Markaase Ilaah baa riyo ugu digay, oo uu dhinacyada Galili ku leexday.
[23] Wuxuuna yimid oo degay magaalada Naasared la odhan jiray si ay u noqoto wixii nebiyada lagaga hadlay, Waxaa loogu yeedhayaa Naasaraani.