[1] Oo Ilaah waa barakeeyey Nuux iyo wiilashiisii, oo wuxuu ku yidhi, Wax badan dhala, oo tarma, oo dhulka ka buuxsama.
[2] Cabsidiinna iyo baqdintiinnu way la jiri doonaan dugaag kasta, iyo haad kasta oo hawada, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan, iyo kalluunka badda oo dhan, gacmihiinna baa laydiin geliyey iyaga.
[3] Wax kasta oo dhaqdhaqaaqa oo noolu cuntay idiin noqon doonaan; sidii aan geedaha cagaarka ah idiin siiyey ayaan kulli idiin siiyey.
[4] Laakiin waa inaydnaan cunin hilibka noloshiisu la jirto, taasoo ah dhiiggiisa.
[5] Oo hubaal dhiigga naftiinna waan weyddiin, oo waxaan weyddiin dugaag kasta iyo dadkaba, xataa nafta nin kasta walaalkiis waan weyddiin.
[6] Ku kasta oo nin dhiiggiis daadiya, nin baa isna dhiiggiisa daadin doona: waayo, Ilaah araggiisuu ka sameeyey ninka.
[7] Idinku wax badan dhala, oo tarma; aad iyo aadna ugu farcama dhulka, kuna tarma dhexdiisa.
[8] Oo Ilaah Nuux buu la hadlay, iyo wiilashiisii la joogay, isagoo ku leh,
[9] Bal eega, anigu axdigayga baan idinku adkaynayaa, idinka iyo farcankiinna idinka dambeeya;
[10] iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, haadda iyo xoolaha, iyo dugaag kasta oo dhulka idinla jooga; oo ah in alla intii ka soo baxda doonnida, xataa dugaag kasta oo dhulka.
[11] Oo waxaan idinku adkayn doonaa axdigayga; inta jidh leh oo dhan mar dambe biyo daad ah laguma baabbi'in doono; daad dambe oo dhulka baabbi'iyaana mar dambe ma jiri doono.
[12] Oo Ilaah wuxuu yidhi, Waa tan calaamadii axdiga aan idinla dhiganayo idinka iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, tan iyo qarni kasta.
[13] Waxaan qaansadayda ku dhex dhigay daruurta, waxayna noqon doontaa calaamadii axdiga dhex yaal aniga iyo dhulka.
[14] Waxaana dhici doonta, markii aan dhulka daruur dul keeno, in qaansada lagu arki doono daruurta dhexdeeda,
[15] oo waxaan xusuusan doonaa axdigayga ina dhex yaal aniga iyo idinka iyo uun kasta oo nool oo jidh kasta leh; biyuhuna dib dambe ma noqon doonaan daad baabbi'iya inta jidh leh oo dhan.
[16] Qaansaduna waxay ku dhex jiri doontaa daruurta; anna waan fiirin doonaa iyada, inaan xusuusto axdiga weligiis dhex yaal Ilaah iyo uun kasta oo nool oo jidh kasta leh oo dhulka jooga.
[17] Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yidhi, Tanu waa calaamadii axdigii aan ku adkeeyey inta jidhka leh oo dhulka joogta.
[18] Oo wiilashii Nuux oo doonnidii ka soo baxay, waxay ahaayeen Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed: Xaamna waa Kancaan aabbihiis.
[19] Saddexdanu waxay ahaayeen wiilashii Nuux; oo iyagii farcankoodii baa dhulka oo dhan ku fiday.
[20] Nuuxna wuxuu bilaabay inuu beerrey noqdo, oo wuxuu beertay canab.
[21] Kolkaasuu wax ka cabbay khamrigeedii, wuuna sakhraamay; oo teendhadiisii dhexdeeda ayuu ku qaawanaa.
[22] Oo Xaam, oo ahaa Kancaan aabbihiis, ayaa arkay qaawanaantii aabbihiis, kolkaasuu u sheegay labadii walaalihiis ahayd oo dibadda joogta.
[23] Kolkaasaa Sheem iyo Yaafed dhar qaadeen, oo labadoodu garbahay saareen, oo dib dib u socdeen, kolkaasay qaawanaantii aabbahood ku dedeen, oo wejiyadooduna way sii jeedeen, mana ay arkin qaawanaantii aabbahood.
[24] Nuuxna khamrigiisii wuu ka soo miyirsaday, wuuna ogaaday wixii wiilkiisa yaru ku sameeyey.
[25] Kolkaasuu yidhi, Inkaaru ha ku dhacdo Kancaan; Addoonkii addoommaduu u noqon doonaa walaalihiis.
[26] Oo wuxuu yidhi, Ammaanu ha u ahaato Rabbiga ah Ilaaha Sheem, Kancaanna addoon ha u noqdo.
[27] Ilaah ha fidiyo Yaafed, Hana dego teendhooyinka Sheem; Kancaanna addoon ha u noqdo isaga.
[28] Nuuxna daadka ka dib wuxuu sii noolaa saddex boqol iyo konton sannadood.
[29] Wakhtigii Nuux noolaa oo dhammuna waxay ahaayeen sagaal boqol iyo konton sannadood; dabadeedna wuu dhintay.