[1] Kanu waa buuggii farcankii Aadan. Maalintii Ilaah ninkii abuuray, ekaanta Ilaah buu ka sameeyey isagii;
[2] wuxuu abuuray iyagoo lab iyo dhaddig ah; wuuna barakeeyey iyagii, magacoodiina wuxuu u bixiyey Aadan maalintii iyagii la abuuray.
[3] Aadanna wuxuu jiray boqol iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay wiil isagii u eg oo araggiisii leh; magiciisiina wuxuu u bixiyey Seed.
[4] Aadanna markuu Seed dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood; wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
[5] Wakhtigii Aadan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo soddon sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
[6] Seedna wuxuu jiray boqol iyo shan sannadood, wuxuuna dhalay Enoos.
[7] Seedna markuu Enoos dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
[8] Wakhtigii Seed noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo toban sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
[9] Enoosna wuxuu jiray sagaashan sannadood, wuxuuna dhalay Qaynaan.
[10] Enoosna markuu Qaynaan dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo shan iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
[11] Wakhtigii Enoos noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo shan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
[12] Qaynaanna wuxuu jiray toddobaatan sannadood, wuxuuna dhalay Mahalale'el.
[13] Qaynaanna markuu Mahalale'el dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo afartan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
[14] Wakhtigii Qaynaan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo toban sannadood, dabadeedna wuu dhintay.
[15] Mahalale'elna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Yaared.
[16] Mahalale'elna markuu Yaared dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
[17] Wakhtigii Mahalale'el noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa siddeed boqol iyo shan iyo sagaashan sannadood, dabadeedna wuu dhintay.
[18] Yaaredna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Enoog.
[19] Yaaredna markuu Enoog dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
[20] Wakhtigii Yaared noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo lixdan sannadood; wuuna dhintay.
[21] Enoogna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Metushelax.
[22] Enoogna wuxuu la socday Ilaah saddex boqol oo sannadood markuu Metushelax dhalay ka dib, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
[23] Wakhtigii Enoog jiray oo dhammuna wuxuu ahaa saddex boqol iyo shan iyo lixdan sannadood.
[24] Enoogna Ilaah buu la socday; waana la waayay; maxaa yeelay, Ilaah baa qaatay isagii.
[25] Metushelaxna wuxuu jiray boqol iyo toddoba iyo siddeetan sannadood, wuxuuna dhalay Lameg.
[26] Metushelaxna wuxuu noolaa markuu Lameg dhalay ka dib toddoba boqol iyo laba iyo siddeetan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
[27] Wakhtigii Metushelax noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo sagaal iyo lixdan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
[28] Lamegna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo siddeetan sannadood; wuxuuna dhalay wiil:
[29] magiciisiina wuxuu u bixiyey Nuux, isagoo leh, Kanu waa inooga raaxayn doonaa shuqulkeenna iyo hawsha gacmaheenna, xagga dhulka Ilaah habaaray.
[30] Lamegna markuu Nuux dhalay ka dib wuxuu noolaa shan boqol iyo shan iyo sagaashan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
[31] Wakhtigii Lameg noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa toddoba boqol iyo toddoba iyo toddobaatan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
[32] Nuuxna wuxuu jiray shan boqol oo sannadood; wuxuuna dhalay Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed.