Skip to content
Opens in a new window

[1] Waxaan idin barayaa walaasheen Foybi oo ah mid u adeegta kiniisadda ku taal Kenekhreya,

[2] inaad iyada ku dhowaysaan Rabbiga, sida qoduusiinta u eg, oo aad ku caawintaan wax kasta oo ay idiinka baahan tahay, waayo, iyaduba kuwa badan bay caawintay iyo xataa aniga qudhayda.

[3] Igu salaama Bariska iyo Akula kuwa iila shaqeeya Ciise Masiix,

[4] oo noloshayda aawadeed qoortooda u dhibay. Keligay uma mahad naqayo, laakiinse kiniisadaha dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhammuna ay ku mahad naqayaan.

[5] Iguna salaama kiniisadda gurigooda ku jirta. Igu salaama gacaliyahay Ebaynetos, kan ah midhaha ugu horreeya ee Aasiya xagga Masiixa.

[6] Maryanna igu salaama, tan aad idiinku dadaashay.

[7] Igu salaama Andaronikos iyo Yuniyas oo xigaalkayga ah oo layla xidhay, kuwa caanka ku ah rasuullada dhexdooda, kuwa hortayna Masiixa ku jiray.

[8] Ambaliyas, gacaliyahayga xagga Rabbigana igu salaama.

[9] Urbanos kan Masiixa noola shaqeeya iyo gacaliyahay Istakhusna igu salaama.

[10] Abellees kan Masiixu u bogayna igu salaama. Kuwa reer Aristobulosna igu salaama.

[11] Xigaalkay Herodiyosna igu salaama. Iguna salaama kuwa reer Narkisos oo Rabbiga ku jira.

[12] Turufayna iyo Turufoosa oo Rabbiga u shaqeeyana igu salaama. Gacaliso Bersis oo Rabbiga aad ugu shaqaysayna igu salaama.

[13] Igu salaama Rufus kan Rabbigu doortay iyo hooyadiis oo hooyaday oo kale ah.

[14] Igu salaama Asunkaritos. iyo Filegoon, iyo Hermees, iyo Batrobas, iyo Hermaas, iyo walaalaha iyaga la jooga.

[15] Igu salaama Filologos, iyo Yulya, iyo Neere'us. iyo walaashiis, iyo Olumbas, iyo qoduusiinta iyaga la jooga oo dhan.

[16] Midkiinba midka kale ha ku salaamo dhunkasho qoduus ah. Kiniisadihii Masiixa oo dhammu waa idin soo salaamayaan.

[17] Haddaba walaalayaalow,. waxaan idinka baryayaa inaad fiiro u lahaataan kuwa kicinaya iskala qaybinta iyo xumaatoyinka oo ka geesta ah cilmiga aad barateen, kana leexda iyaga.

[18] Kuwa caynkaas ahu Rabbigeenna Masiix uma adeegaan. Laakiinse waxay u adeegaan calooshooda; hadalkooda macaan oo wanaagsan bay ku khiyaaneeyaan qalbiyada jaahiliinta.

[19] Warkii addeeciddiinnu wuxuu gaadhay dadka oo dhan. Sidaas daraaddeed aad baan idiinku faraxsanahay. Laakiin waxaan jeclaan lahaa inaad garaad u lahaataan waxa wanaagsan, oo aad ka eedla'aataan waxa sharka ah.

[20] Oo Ilaaha nabaddu Shaydaan buu haddiiba cagihiinna hoostooda ku burburin doonaa. Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.

[21] Waxaa idin soo salaamaya Timoteyos oo ila shaqeeya, iyo Lukiyos. iyo Yasoon, iyo Soosibater, iyagoo ah xigaalkayga.

[22] Anigoo Tertiyos ah oo warqaddan qoray. Rabbigaan idinku salaamayaa.

[23] Gayos, oo aniga iyo kiniisadda oo dhammuba aannu marti u nahay, wuu idin soo salaamayaa. Erastos oo ah qasnajiga magaalada, iyo walaalkeen Kowartos way idin soo salaamayaan.

[24] Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.

[25] Haddaba ammaanu ha u ahaato kan kara inuu idinku xoogeeyo injiilkayga iyo wacdiga ku saabsan Ciise Masiix iyo muujinta qarsoodiga oo qarsoonaa tan iyo weligiis,

[26] laakiinse haatan lagu muujiyey Qorniinka nebiyada sida amarka Ilaaha daa'imka ah oo quruumaha oo dhan loo ogeysiiyey inay addeecaan rumaysadka.

[27] Ilaaha keligiis ah oo xigmadda leh. Ciise Masiix ammaanu ha ugu ahaato weligiis. Aamiin

Rooma — Chapters