Skip to content
Opens in a new window

[1] Kii rumaysadka ku itaal yar soo dhoweeya, mana aha inaad ra'ayiyadiisa la murantaan.

[2] Mid baa rumaysan inuu wax walba cuno, kii itaal yarse wuxuu cunaa khudaarta.

[3] Kii cunaa yuusan quudhsanin kii aan cunin, kii aan cuninna yuusan xukumin kii cuna, waayo, Ilaah baa aqbalay isaga.

[4] Yaad tahay kaaga xukuma midiidinka mid kaletow? Waayo. sayidkiisuu u taagan yahay ama u dhacaa. Waana la taagi doonaa. waayo, Rabbigu waa awoodaa inuu taago.

[5] Nin bay la tahay in maalinu maalinta kale ka fiican tahay, mid kalena waxay la tahay in maalmaha oo dhammu isku mid yihiin. Mid kastaaba maankiisa aad ha ugu hubsado.

[6] Kii maalinta ka fikiraa, Rabbiguu uga fikiraa, kii wax cunaa, Rabbiguu u cunaa, waayo. Ilaah buu ku mahad naqaa; kii aan wax cuninuna. Rabbiga ayuusan u cunin. oo Ilaah buu ku mahad naqaa.

[7] Midkeenna naftiisa uma noola, midkeenna naftiisa uma dhinto.

[8] Waayo. haddii aynu nool nahay, Rabbigaynu u nool nahay: oo haddii aynu dhimannona, Rabbigaynu u dhimannaa sidaas daraaddeed haddii aynu nool nahay iyo haddii aynu dhimannoba, Rabbigaa ina leh.

[9] Waayo, sababtaasaa Masiixu u dhintay. una soo noolaaday inuu Rabbi u noqdo kuwii dhintay iyo kuwa noolba.

[10] Adigu maxaad walaalkaa u xukuntaa? amase adigu maxaad walaalkaa u quudhsataa? Waayo. kulligeen waxaynu hor istaagi doonnaa kursiga xukumaadda Ilaah.

[11] Waayo. waxaa qoran, Anigu waa noolahay. ayaa Rabbigu leeyahay. oo jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa, Carrab walubana Ilaah buu qiri doonaa.

[12] Sidaasaa midkeen kastaba Ilaah ula xisaabtami doonaa.

[13] Sidaas daraaddeed mar dambe yaynaan isxukumin. Laakiinse tan ka fikira inaan ninna walaalkiis u dhigin dhagax uu ku turunturoodo ama wax kaleeto oo hor joogsada.

[14] Waan ogahay, waanan ku hubaa Rabbi Ciise, inaan waxba nafahaantiisa iska xaaraan ahayn. Laakiinse kii ku tiriya inay xaaraan tahay, kaas waa ka xaaraan.

[15] Waayo, haddii walaalkaa cuntadaada ka calool xumaado, jacaylka kuma sii socotid. Cuntadaada ha ku baabi'in kii Masiixu u dhintay.

[16] Haddaba wanaaggiinna yaan la caayin.

[17] Waayo, boqortooyada Ilaah ma aha cunid iyo cabbid, laakiinse waa xaqnimada iyo nabadda iyo farxadda ku jira Ruuxa Qoduuskaa.

[18] Kii waxaas Masiixa ugu adeega, Ilaah buu ka farxiyaa. xagga dadkana waa mid loo bogay.

[19] Sidaas daraaddeed haddaba aynu raacno waxyaalaha nabadda iyo waxyaalaha midkeenba midka kale xoog ugu yeelo.

[20] Shuqulka Ilaah ha u dumin cunto aawadeed. Hubaal wax waluba waa nadiif, laakiin waa u xun tahay kii cuna isagoo mid kale xumaynayo.

[21] Waa wanaagsan tahay inaadan hilib cunin ama khamri cabbin ama samayn wax kaleeto oo walaalkaa ku turunturoodo.

[22] Rumaysadka aad leedahay. Ilaah hortiis u hayso. Waxaa faraxsan kii aan isku xukumin wixii la qumman isaga.

[23] laakiinse kii shakiya, hadduu cuno, waa xukuman yahay, maxaa yeelay. rumaysad wax kuma cuno, oo wax kastoo aan rumaysadka ka imaninu waa dembi.

Rooma — Chapters