Skip to content
Opens in a new window

[1] Goortuu buurta ka soo degay, dad badan baa soo raacay.

[2] Oo bal eeg, waxaa u yimid nin baras leh oo caabuday, oo ku yidhi, Sayidow, haddaad doonaysid, waad i daahirin kartaa.

[3] Ciise intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Kolkiiba baraskiisa wuu ka daahirsanaaday,

[4] oo Ciise ayaa ku yidhi, Iska eeg, oo ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga iska mar, oo wadaadka istus, oo bixi hadiyaddii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.

[5] Goortuu Kafarna'um galay, waxaa u yimid boqol-u-taliye, isagoo baryaya

[6] oo leh, Sayidow, midiidinkaygii guriguu jiifaa, isagoo curyaannimo u buka oo aad u xanuunsanaya.

[7] Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi, Waan imanayaa oo bogsiinayaa.

[8] Markaasaa boqol-u-taliyihii u jawaabay oo ku yidhi, Sayidow, anigu ma istaahilo inaad saqafka gurigayga hoostiisa soo gashid, laakiin hadal keliya dheh, midiidinkayguna waa bogsan doonaa.

[9] Waayo, anigu waxaan ahay nin laga sarreeyo oo askar baa iga hoosaysa. Kan waxaan ku idhaahdaa, Tag, wuuna tagaa; mid kalena, Kaalay, wuuna yimaadaa; midiidinkaygana, Waxan samee, wuuna sameeyaa.

[10] Goortuu Ciise taas maqlay, wuu ka yaabay, wuxuuna ku yidhi kuwii la socday, Runtii waxaan idinku leeyahay, Rumaysad sidan u weyn oo kale reer bini Israa'iil kama dhex helin.

[11] Waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa bari iyo galbeed ka iman doona oo la fadhiisan doona Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub boqortooyadii jannada gudaheeda,

[12] laakiin wiilashii boqortooyada waxaa lagu tuuri doonaa gudcurka dibadda ah. Meeshaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilkojirriqsi.

[13] Markaasaa Ciise wuxuu boqol-u-taliyihii ku yidhi, Tag. Sidaad u rumaysatay ha kuu noqoto e. Oo saacaddaas ayaa midiidinkii bogsaday.

[14] Ciise goortuu guriga Butros galay, wuxuu arkay Butros soddohdiis oo jiifta oo qandhaysan.

[15] Markaasuu gacanteeda taabtay, qandhadiina waa ka baxday. Wayna kacday oo u adeegtay isaga.

[16] Goortii makhribkii la gaadhay waxay u keeneen qaar badan oo jinniyo qaba. Eray ayuu jinniyadii ku saaray, kuwii bukay oo dhanna wuu bogsiiyey,

[17] Si ay u noqoto wixii nebi Isayos lagaga dhex hadlay isagoo leh, Isagaa qaatay bukaankeennii, cudurradeenniina wuu isku raray.

[18] Goortuu Ciise dad badan oo ku wareegsan arkay, ayuu amray inay dhinaca kale tagaan.

[19] Kolkaasaa culimada midkood u yimid oo ku yidhi, Macallimow, waan ku raacayaa meeshaad tagtidba.

[20] Ciise ayaa ku yidhi, Dawacooyinku godad bay leeyihiin, shimbiraha cirkuna buulal bay leeyihiin, laakiin Wiilka Aadanahu meel uu madaxiisa dhigo ma leh.

[21] Mid kale oo xertiisa ah ayaa ku yidhi, Sayidow, horta ii oggolow inaan tago oo aabbahay soo aaso.

[22] laakiin Ciise ayaa ku yidhi, I soo raac; oo iska daa meydadku ha aaseen meydadkooda.

[23] Goortuu doonnida fuulay, xertiisii ayaa raacday.

[24] Oo waxaa badda ka kacay duufaan weyn, ilaa ay hirarku qariyeen doonnida, laakiin isagu waa hurday.

[25] Markaasaa xertiisii u timid oo toosisay, iyagoo leh, Sayidow, na badbaadi, waannu lumaynaaye.

[26] Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad u baqaysaan, rumaysadyarayaalow? Markaasuu kacay, oo canaantay dabaysha iyo badda, oo xawaal weyn baa dhacday.

[27] Haddaba nimankii waa yaabeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Waa nin caynkee ah kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?

[28] Goortuu yimid dhinaca kale oo dalka Gadareni, waxaa la kulmay laba qof oo jinni qaba oo xabaalaha ka soo baxaya, iyagoo aad khatar u ah, si aan ninna jidkaas u mari karin.

[29] Way qayliyeen iyagoo leh, Maxaa inoo dhexeeya, Wiilka Ilaahow? Ma waxaad halkan u timid inaad wakhtiga hortiis na silciso?

[30] Waxaa iyaga ka fogaa daaqsin doofaarro badan ah oo daaqaysa.

[31] Jinniyadii ayaa baryay iyagoo leh, Haddaad na saaraysid, noo dir daaqsinta doofaarrada ah,

[32] oo wuxuu ku yidhi, Baxa. Markaasay baxeen oo galeen doofaarradii, oo daaqsinta oo dhammu jarka hoos bay uga yaacday ilaa badda, oo biyaha ku bakhtiday.

[33] Kolkaasay kuwii daajin jiray carareen oo magaalada galeen, wax walbana way u sheegeen iyo wixii ku dhacay kuwii jinniyada qabi jiray.

[34] Markaasaa magaaladii oo dhan lagaga soo baxay inay Ciise ka hor tagaan. Goortay arkeen, waxay ka baryeen inuu soohdintooda ka noqdo.

Matayos — Chapters