Skip to content
Opens in a new window

[1] Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha isagoo cidlada Yahuudiya wax ku wacdiyaya, oo leh,

[2] Toobad keena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.

[3] Waayo, kan waa kii nebi Isayos ka hadlay kolkuu yidhi, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya.

[4] Yooxanaa qudhiisu wuxuu guntanaa dharkiisii dhogorta geel ahaa, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa, cuntadiisuna waxay ahayd ayax iyo malab dibadeed.

[5] Markaas waxaa u soo baxay dadka Yeruusaalem, iyo kuwa Yahuudiya oo dhan iyo kuwa dalka Urdun ku wareegsan oo dhan,

[6] markaasuu Webi Urdun ku baabtiisay iyagoo dembiyadooda qiranaya.

[7] laakiin goortuu arkay qaar badan oo Farrisiin iyo Sadukiin ah oo baabtiiskiisa yimid wuxuu ku yidhi, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa?

[8] Haddaba midho toobad istaahila soo bixiya,

[9] hana ku fikirina inaad tidhaahdaan, Waxaannu leennahay Ibraahim oo aabbe noo ah. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ilaah waa karaa inuu dhagaxyadan carruur uga kiciyo Ibraahim.

[10] Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabkaa lagu tuuraa.

[11] Anigu biyo ayaan idinku baabtiisaa ilaa toobadda, laakiin kan iga daba imanayaa waa iga itaal weyn yahay, kan aanan istaahilin inaan kabihiisa u qaado. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Qoduuska ah iyo dab.

[12] Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa' goobta wax lagu tumona aad buu u safayn doonaa, oo sarreenkiisa ayuu maqsinka ku soo ururin doonaa, laakiin buunshaha ayuu dab aan damayn ku gubi doonaa.

[13] Markaasaa Ciise Galili ka yimid oo Webi Urdun ugu tegey Yooxanaa inuu baabtiiso.

[14] Yooxanaase waa diiday, isagoo leh, Anaa u baahan inaad i baabtiisto, adiguna miyaad ii timid?

[15] laakiin Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi, Haddeer oggolow, waayo, sidaas waa inoo eg tahay inaynu xaqnimada oo dhan wada yeelno; markaasuu u oggolaaday.

[16] Ciise goortii la baabtiisay, ayuu markiiba biyaha kor uga baxay, kolkaasaa samooyinku furmeen, oo wuxuu arkay Ruuxa Ilaah oo sida qoolley oo kale u soo degaya oo dushiisa imanaya,

[17] oo cod baa samooyinka ka lahaa, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay, oo aan ku faraxsanahay.

Matayos — Chapters