Skip to content
Opens in a new window

[1] Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu indhihiisii kor u qaaday xagga samada oo yidhi, Aabbow, saacaddii way timid. Ammaan Wiilkaaga inuu Wiilku ku ammaano,

[2] sidaad amar ugu siisay dadka oo dhan inuu nolosha weligeed ah siiyo kuwaad isaga siisay oo dhan.

[3] Tanu waa nolosha weli geed ah inay ku gartaan. adoo ah llaaha runta ah oo keliya iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay.

[4] Dhulka ayaan kugu ammaanay. anoo dhammeeyey shuqulkaad ii dhiibtay inaan sameeyo.

[5] Haddana. Aabbow, adiga qudhaadu igu ammaan ammaantaan kula lahaa intaan dunidu jirin.

[6] Magacaagaan u muujiyey dadkii aad dunida iga siisay. Kuwaagii bay ahaayeen. oo anaad i siisay, iyaguna hadalkaagay xajiyeen.

[7] Hadda waxay garanayaan wax kastoo aad i siisayba inay xaggaaga ka yimaadeen.

[8] Waayo, erayadaad i siisay ayaan siiyey iyaga. wayna aqbaleen. run ahaan bayna u garteen inaan kaa imid. wayna rumaysteen inaad i soo dirtay.

[9] Iyaga waan kuu baryayaa; kuu baryi maayo dunida laakiin waxaan kuu baryayaa kuwaad i siisay, waayo, waa kuwaagii.

[10] Waxayga oo dhan adaa leh, waxaagana anaa leh, iyagana waan ku ammaanmay.

[11] Anigu dunida sii joogi maayo: kuwanuse duniday joogayaan, aniguna waan kuu imanayaa. Aabbe Qoduusow, iyaga ku hay magacaagii aad i siisay, inay mid ahaadaan sideenna oo kale.

[12] Intaan iyaga la jiray waxaan iyaga ku hayay magacaagii aad i siisay. waanan ilaaliyey. midkoodna ma lumin. wiilka halaagga maahee, in Qorniinku ahaado.

[13] Haddana waan kuu imanayaa, oo waxyaalahan ayaan ku hadlayaa intaan dunida joogo inay haystaan farxaddayda oo ay ka buuxsanto iyaga.

[14] Hadalkaagii ayaan siiyey, oo dunidu waa nebcaatay, waayo, iyagii kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn.

[15] Kaa baryi maayo inaad iyaga dunida ka qaaddid, waxaanse kaa baryayaa inaad ka dhawrtid kan sharka leh.

[16] Iyagu kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn.

[17] Iyaga qoduus kaga dhig runta, hadalkaagu waa run e.

[18] Sidaad dunida iigu soo dirtay ayaan anna iyaga dunida ugu diray.

[19] Oo aawadood ayaan qoduus iskaga dhigaa, in iyagana xagga runta qoduus lagaga dhigo.

[20] Kuwan oo keliya kuu baryi maayo,waxaanse weliba kuu baryayaa kuwa igu rumaysanaya hadalkooda aawadiis,

[21] inay dhammaan mid ahaadaan, sidaad adigu, Aabbow, iigu jirtid. aniguna aan kuugu jiro. inay iyaguna inoogu jiraan, in dunidu rumaysato inaad i soo dirtay.

[22] Oo ammaantaad i siisay iyagaan siiyey, inay mid ahaadaan sidaynu mid u nahay.

[23] Iyagaan ku jiraa, adna anigaad igu jirtaa, inay mid ku dhan yihiin, in dunidu garato inaad i soo dirtay, iyo inaad iyaga u jeclaatay sidaad ii jeclaatay.

[24] Aabbow, kuwaad i siisay waan doonayaa inay ila joogaan meeshaan joogo inay arkaan ammaantaydil aad i siisay, waayo. adaa i jeclaa intaan dunida la aasaasin.

[25] Aabbaha xaqa ahow. dunidu kuma ay garanaynin. Laakiinse waan ku garanayay: kuwanna waxay garanayeen inaad i soo dirtay.

[26] Magacaagaan iyagii garansiiyey, waanan garansiin doonaa, in jacaylkii aad i jeclayd uu ku jiro iyaga, anna aan iyaga ku jiro.

Yooxanaa — Chapters