[1] Waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay inaydnaan ka xumaanin.
[2] Waxay idinka saari doonaan sunagogyada, weliba saacaddaa imanaysa in mid walboo idin dilaa uu u malaynayo inuu Ilaah u adeegayo.
[3] Oo waxay waxyaalahaas u samayn doonaan, waayo, waxaanay garanayn Aabbaha iyo aniga toona.
[4] laakiin waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay in markii saacaddoodu timaado aad xusuusataan inaan idiin sheegay. Tan iyo bilowgii waxyaalahaas idinkulama hadlin. maxaa yeelay, waan idinla joogay.
[5] laakiin hadda waxaan u tegayaa kii i soo diray, midkiinna i weydiin maayo. Xaggee baad tegaysaa
[6] Waxyaalahaas aan idinkula hadlay aawadood, qalbigiinna murug baa ka buuxsantay.
[7] laakiin runta ayaan idiin sheega yaa, Waxaa idiin roon inaan tago. Haddaanan tegin, Gargaaruhu idiinma iman doono, laakiin haddaan tago waan idiin soo diri doonaa.
[8] Isagu markuu yimaado wuxuu dunida ku caddayn doonaa xagga dembiga iyo xaqa iyo xukunka;
[9] xagga dembiga, waayo, way
[10] rumaysan waayeen; xagga xaqa. waayo, Aabbahaan u tegayaa, imana arki doontaan mar dambe,
[11] xagga xukunka, waayo, kan madaxda dunida ah waa la xukumay.
[12] Wax badan oo kalaan leeyahay inaan idiin sheego, laakiin imminka qaadi kari maysaan.
[13] laakiin markuu kan Ruuxa runta ahu yimaado, wuxuu idhlku wadi doonaa runta oo dhan, waayo, isagu iskama hadli doono, wuxuuse ku hadli doonaa wuxuu maqlo, wuxuuna idiin sheegi doonaa waxa imanaya.
[14] Wuu i ammaani doonaa, waayo, waxayguu qaadi doonaa, wuuna idiin sheegi doonaa.
[15] Wax kasta oo Aabbuhu leeyahay anigaa leh. Sidaa daraaddeed waxaan idhi, Waxayguu qaadaa, wuuna idiin sheegi doonaa.
[16] In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan.
[17] Sidaa daraaddeed xertiisa qaarkood waxay isku yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu inagu leeyahay, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan, iyo, Maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa?
[18] Haddaba waxay yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu leeyahay. In yar dabadeed? Garan mayno wuxuu leeyahay.
[19] Ciise ayaa garanayay inay doonayeen inay wax weydiiyaan, oo wuxuu ku yidhi, Ma waxaad isweydiinaysaan xaalkan aan idhi, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan?
[20] Runtii. runtii, waxaan idinku leeyahay, Waad ooyi doontaan oo barooran doontaan, duniduse waa farxi doontaa. Waad murugoon doontaan, laakiin murugaddiinnu waxay u rogman doontaa farxad.
[21] Naagtu goortay umulayso, way murugootaa, waayo, saacaddeedaa timid, laakiin markay ilmaha umusho, dhibtii dib uma xusuusato farxad aawadeed, waayo, nin baa dunida ku dhashay.
[22] Imminka haddaba waad murugsan tihiin, laakiin mar dambe ayaan idin arki doonaa, qalbigiinnuna wuu farxi doonaa, farxaddiinnana ninna idinkama qaadi doono.
[23] Oo maalintaasna waxba ima weydiin doontaan. Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddii aad wax uun weydiisataan Aabbaha, magacayga ayuu idinku siin doonaa.
[24] Tan iyo imminka waxba magacayga kuma weydiisan. Weydiista, waanad heli doontaan, inay farxaddiinnu buuxsanto.
[25] Waxyaalahaas ayaan masaallo idinkula hadlay. Waxaa imanaysa goortii aanan mar dambe masaallo idinkula hadli doonin, laakiin aan bayaan idiinkaga warrami doono Aabbaha.
[26] Maalintaas waxaad ku weydiisan doontaan magacayga. Idinkuma lihi inaan Aabbaha baryayo daraaddiin.
[27] Waayo, Aabbaha qudhiisu wuu idin jecel yahay, maxaa yeelay. waad i jeclaateen, oo waadna rumaysateen inaan xagga Ilaah ka imid.
[28] Aabbaha ayaan ka imid oo aan dunida imid. Haddana waan ka tegayaa dunida oo Aabbahaan u tegayaa.
[29] Xertiisii ayaa ku tidhi, Bal eeg, bayaan baad hadda u hadlaysaaye, oo masaal ku hadli maysid.
[30] Imminka waannu garanaynaa inaad wax walba taqaan, oo aadan u baahnayn qofna inuu wax ku weydiiyo. Taas aawadeed waannu rumaysan nahay inaad Ilaah ka timid.
[31] Ciise ayaa ugu jawaabay, Hadda ma rumaysan tihiin?
[32] Ogaada, saacaddii baa imanaysa, waana timid, kolkaad u kala firdhi doontaan mid kasta xaggiisa, anna keligay baad iga tegi doontaan, oo weliba keligay ma ihi, waayo, waxaa ila jooga Aabbaha.
[33] Waxyaalahaas waxaan idiinkula hadlay inaad nabad igu haysataan. Dunida ayaad dhib kala kulantaan, laakiinse kalsoonaada, anaa ka adkaaday dunida e.