Skip to content
Opens in a new window

[1] Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo ku yidhi,

[2] Bisha kowaad maalinteeda kowaad waa inaad taambuugga teendhada shirka qotomisaa.

[3] Oo waa inaad sanduuqa maragga gudaheeda gelisaa, oo sanduuqa waa inaad ilxidhka ku qarisaa.

[4] Oo miiskana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo aad alaabta saaran hagaajisaa, oo laambaddana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo laambadaheeda waa inaad shiddaa.

[5] Oo meesha allabariga oo dahabka ah oo fooxa waxaad dhigtaa sanduuqa maragga hortiisa, oo iridda taambuuggana daaheeda sudh.

[6] Oo meesha allabariga lagu gubona waxaad hor dhigtaa iridda taambuugga teendhada shirka.

[7] Oo berkedda weysadana waxaad dhigtaa teendhada shirka iyo meesha allabariga dhexdooda, waana inaad biyo ku shubtaa.

[8] Oo waa inaad dayrka barxadda ku wareegsan qotomisaa, oo barxadda iriddeedana waxaad soo sudhaa daaha.

[9] Oo markaas waxaad qaadataa saliidda lagu subkado, oo waxaad ku subagtaa taambuugga, iyo waxa gudihiisa ku jira oo dhan, oo waa inaad qoduus ka dhigtaa isaga iyo alaabtiisa oo dhanba; oo olkaasuu qoduus noqon doonaa.

[10] Oo waxaad kaloo subagtaa meesha allabariga lagu gubo, iyo alaabteeda oo dhan, oo meesha allabariga qoduus ka dhig, oo markaasay meesha allabarigu waxay noqon doontaa tan ugu wada qoduusan.

[11] Oo waxaad kaloo subagtaa berkedda weysada iyo salkeeda, oo waa inaad qoduus ka dhigtaa.

[12] Oo Haaruun iyo wiilashiisa waxaad keentaa iridda teendhada shirka, oo waa inaad biyo ugu maydhaa iyaga.

[13] Oo Haaruun waa inaad u gelisaa dharkii qoduuska ahaa; oo waa inaad isaga u subagtaa oo qoduus ka dhigtaa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.

[14] Oo wiilashiisana waa inaad keentaa oo jubbado u gelisaa,

[15] Oo waa inaad iyana u subagtaa sidii aad aabbahood ugu subagtay oo kale, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada, oo subkiddoodu waxay iyaga u noqon doontaa wadaadnimo iyaga u jiraysa weligood iyo tan iyo ka ab ka ab.

[16] Sidaasuu Muuse yeelay, oo sidii Rabbigu ku amray oo dhan wuu wada sameeyey.

[17] Oo sannaddii labaad, bisheedii kowaad, maalinteedii kowaad ayaa taambuuggii la qotomiyey.

[18] Oo Muuse wuxuu qotomiyey taambuuggii, saldhigyadiisiina wuu dhigay, oo wuxuu taagay looxyadiisii, ulahoodiina wuu ku gudbay, tiirarkiisiina wuu taagay.

[19] Oo taambuuggii buu ku deday teendhada, oo teendhada dedkeediina wuu ka sii dul mariyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

[20] Markaasuu qaaday maraggii oo ku riday sanduuqii, oo ulihiina sanduuqii sudhay, daboolkiina wuxuu saaray sanduuqa dushiisii;

[21] markaasuu sanduuqiina taambuuggii soo geliyey, oo haddana sudhay ilxidhkii daaha, oo wuxuu ku qariyey sanduuqii maragga, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

[22] Oo miiskiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka dibaddiisa oo ah taambuugga dhankiisa woqooyi.

[23] Oo intuu Rabbiga hor dhigay ayuu kibistii hagaajiyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

[24] Oo laambaddiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay meel miiska ku toosan, oo ah taambuugga dhankiisa koonfureed.

[25] Markaasuu laambadihii Rabbiga hortiisa ku shiday, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

[26] Oo meeshii allabariga oo dahabka ahaydna wuu soo geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka hortiisa,

[27] Oo markaasuu ku shiday foox uunsi udgoon ah, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

[28] Oo taambuugga iriddiisiina wuxuu sudhay daahii.

[29] Oo meeshii allabariga lagu gubi jirayna wuxuu ag dhigay iridda taambuugga ee teendhada shirka, oo wuxuu dusheeda ku bixiyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

[30] Oo berkeddii weysadana wuxuu dhigay teendhadii shirka iyo meeshii allabariga dhexdooda, oo wuxuu ku shubay biyo in lagu maydho.

[31] Oo Muuse iyo Haaruun iyo wiilashiisiiba gacmaha iyo cagaha ayay ku maydheen;

[32] Oo markay teendhada shirka galeen iyo markay meesha allabariga u soo dhowaadeenba way ku maydheen, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

[33] Markaasuu qotomiyey dayrkii barxadda taambuuggii iyo meeshii allabariga ku wareegsanaa, oo barxadda iriddeediina wuxuu sudhay daahii. Sidaasuu Muuse shuqulkii u dhammeevey.

[34] Markaasaa daruurtii teendhadii shirka qarisay, ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxsantay.

[35] Oo Muusena inuu teendhadii shirka galo wuu kari waayay, maxaa yeelay, daruurtii baa dul joogtay, oo ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxday.

[36] Oo markii daruurtii taambuuggii kor ahayd laga qaaday ayaa reer binu Israa'iil hore u sii wadeen sodcaalladoodii oo dhan,

[37] laakiinse haddii aan daruurtii kor loo qaadin, ma ay socon jirin ilaa maalinta kor loo qaado.

[38] Waayo, daruurtii Rabbigu maalintii taambuuggay dul joogi jirtay, habeenkiina waxaa daruurtii ku jiri jiray dab, reer binu Israa'iil oo dhammuna waxyaalahaas ayay arki jireen sodcaalladoodii oo dhan.

Baxniintii — Chapters