Skip to content
Opens in a new window

[1] Waa inaadan qaadqaadin war been ah; gacantaada heshiis ha ugu dhiibin kan sharka ah, yaadan markhaati xaq daran noqone.

[2] Inaad xumaan fashid aawadeed dad badan ha u raacin, ama marag ha furin oo dad badan dhankooda ha u leexan inaad gar qalloocisaan,

[3] waana inaadan nin miskiin ah u gar eexan.

[4] Haddaad aragtid cadowgaaga dibigiisii ama dameerkiisii oo lumaya, waa inaad u celisaa.

[5] Haddaad aragtid kan ku neceb dameerkiisii oo rar la dhacay, oo aanad doonayn inaad caawiso, hubaal waa inaad caawisaa.

[6] Miskiinkaaga dacwaddiisa waa inaadan garta ka qalloocin.

[7] Wax been ah ka fogow; oo ha dilin kan aan eed lahayn iyo kan xaqa ah; waayo, anigu xaq ka dhigi maayo kan shar fala.

[8] Oo waa inaadan laaluush qaadan innaba; waayo, laaluushku waa indho tiraa kuwa wax arka, wuuna qalloociyaa kan xaqa ah hadalkiisa.

[9] Oo qariib waa inaadan dulmin: waayo, qalbiga qariibka waad garanaysaan. maxaa yeelay, idinba qariib baad dalkii Masar ku ahaydeen.

[10] Lix sannadood waa inaad dhulkaaga wax ku abuurataa oo midhihiisa urursataa,

[11] laakiinse sannadda toddobaad waa inaad iska daysaa ha nasto, oo dhul aan beernayn ha noqdee, inay masaakiinta dadkaagu wax ka cunaan; oo waxay reebaanna dugaagga duurku ha daaqeen. Oo sidaas oo kalena waa inaad u gashaa beertaada canabka ah iyo beertaada saytuunka ah.

[12] Lix maalmood waa inaad shuqulkaaga qabsataa, oo maalinta toddobaadna waa inaad nasataa, si ay dibigaaga iyo dameerkaaguna u nastaan. oo ay wiilka addoontaada iyo kan qariibka ahuba nafis u helaan.

[13] Oo kulli wixii aan idinku idhi oo dhan waa inaad aad u dhawrtaan, oo ilaahyo kale magacood ha soo qaadina innaba, ama afkaagaba yaan laga maqlin.

[14] Oo sannad walba saddex goor waa inaad ii iiddaa.

[15] Oo liddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn waa inaad dhawrtaa. Toddoba maalmood waa inaad cuntaa kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi oo bisha Aabiib ah. maxaa yeelay, bishaas ayaad Masar ka soo baxday: oo midkiinna hortayda yuusan iman isagoo faro madhan.

[16] Oo waa inaad dhawrtaa Iiddii Beergoosadka oo ah midhihii ugu horreeyey hawshaada aad beerta ku abuurtay, iyo Iiddii Waxurursiga oo sannadda dhammaadkeeda ah. marka aad soo urursatid midhihii aad beerta ku hawshootay.

[17] Kuwaaga labka ah oo dhammu waa inay sannad walba saddex goor Rabbiga Ilaaha ah ka hor yimaadaan.

[18] Oo waa inaanad dhiigga allabarigayga la bixin kibis khamiir leh: baruurta iiddayduna waa inaanay hadhin habeenka oo dhan ilaa subaxda.

[19] Oo dhulkaaga midhaha ugu horreeya waa inaad inta hore guriga Rabbiga Ilaahaaga ah u geeysaa. Waa inaadan waxar caanaha hooyadiis ku karin.

[20] Bal eeg, waxaan hortaada u soo dirayaa malaa'ig inay jidka kugu dhawrto oo ay meeshii aan diyaarshay ku geeyso.

[21] Iyada iska jira, oo codkeeda dhegaysta, hana ka xanaajinina, waayo, iyadu xadgudubkiinna idinkama cafiyi doonto; maxaa yeelay, iyada magacaygii baa ku dhex jira.

[22] Laakiinse xaqiiqa haddaad codkeeda dhegaysatid, oo aad yeeshid kulli waxa aan ku hadlayo, de markaas waxaan noqon cadaawayaashaada cadowgooda, oo kuwa ku dhibana mid dhiba iyaga.

[23] Waayo. malaa'igtaydu way ku hor socon doontaa, oo waxay ku dhex geeyn doontaa reer Amor, iyo reer Xeet, iyo reer Feres, iyo reer Kancaan, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus; oo kolkaasaan iyaga baabi'in doonaa.

[24] Waa inaadan u sujuudin ilaahyadooda, hana u adeegin, shuqulkooda oo kalena ha samayn; laakiinse waa inaad wada af gembidaa. oo aad sanamyadoodana jejebisaa.

[25] Oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u adeegtaan, oo isaguna wuu idiin barakadayn doonaa kibistiinna iyo biyihiinna; oo anna cudur waan ka fogayn doonaa dhexdiinna.

[26] Oo dhulkaaga dhexdiisa miduna dhicis ma dhali doonto. ama madhalays ma noqon doonto, oo tirada maalmahaagana baan dhammays tiri doonaa.

[27] Oo cabsidaydaan ku hor marin doonaa, oo dadka aad u tegaysid oo dhan waan argaggixin doonaa, oo waxaan cadaawayaashaada oo dhan ka dhigi doonaa inay dhabarkooda kaa sii jeediyaan.

[28] Oo waxaan hortaa diri doonaa xoon, kaas oo reer Xiwi, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeet hortaada ka eryi doona.

[29] Oo iyaga sannad uun hortaada ka eryi maayo. waayo, waaba intaasoo dhulku cidla noqdaa, oo dugaagga duurku kugu bataa.

[30] In yar in yar ayaan hortaada ka eryi doonaa, ilaa aad adigu badatid oo aad dalka dhaxashid.

[31] Oo waxaan soohdintaada ka dhigi doonaa Badda Cas iyo tan iyo badda reer Falastiin, iyo cidlada ilaa tan iyo Webiga, waayo, dadka dhulka deggan waxaan gelin doonaa gacantaada, markaasaad hortaada ka eryi doontaa.

[32] Waa inaadan axdi la dhigan iyaga iyo ilaahyadooda toona.

[33] Waa inayan iyagu dalkaaga degganaan, waaba intaasoo ay igu kaa dembaabsiiyaane, waayo, haddaad ilaahyadooda u adeegtid, hubaal waxay taasu kugu noqon doontaa dabin.

Baxniintii — Chapters