[1] Haddaba ahaada kuwo ku dayda Ilaah idinkoo ah sida carruur la jecel yahay.
[2] Jacayl ku socda siduu Masiixuba idiin jeclaa, oo uu nafsadiisii inoogu bixiyey inuu Ilaah u ahaado qurbaan iyo allabari oo u ahaado caraf udgoon.
[3] laakiinse sida ay qoduusiinta ugu eg tahay, marnaba yaan dhexdiinna laga sheegin sino, iyo wasakh oo dhan, iyo damacnimo,
[4] iyo ceeb, iyo hadal nacasnimo ah, iyo kaftan bilaash ah, oo aan idinku habboonayn, laakiinse waxaa idinku wacan mahadnaqid.
[5] Waayo, taas waad taqaaniin in dhillay, ama qof wasakh ah, ama nin damac xun oo sanam caabudaa, uusan innaba dhaxal ku lahayn boqortooyada Masiix iyo Ilaah.
[6] Ninnaba yuusan idinku khiyaanayn hadal an micne lahayn; waayo, waxyaalahaas daraaddood ayaa cadhada Ilaah ugu soo degtaa carruurta caasinimada.
[7] Sidaas daraaddeed ha ahaanina kuwa iyaga waxyaalahaas la qaybsada; waayo, mar baad ahaydeen gudcur,
[8] haatanse waxaad Rabbiga ku tihiin nuur, haddaba u socda sida carruurta nuurka,
[9] waayo, midhaha nuurku waxay ku wada jiraan wanaag iyo xaqnimo iyo run oo dhan.
[10] Tijaabiya waxa Rabbigu aad ugu farxo,
[11] oo innaba xidhiidh ha la yeelanina shuqullada aan midhaha lahayn oo gudcurka, laakiinse kashifa;
[12] waayo, waxay qarsoodiga ku sameeyaan waa ceeb xataa in laga hadlo.
[13] laakiinse wax kastaba markii la kashifo ayaa lagu muujiyaa nuurka; waayo, wax alla wixii la muujiyaaba waa nuur.
[14] Sidaas daraaddeed isagu wuxuu yidhi, Kaaga hurdow toos, oo kuwii dhintay ka kac, oo Masiixuna waa ku iftiimin doonaa.
[15] Haddaba ka digtoonaada sidaad u socotaan, oo ha u soconina sida kuwo aan caqli lahayn, laakiinse u socda sida kuwo caqli leh.
[16] Wakhtiga ka faa'iidaysta, maxaa yeelay, maalmuhu shar bay leeyihiin.
[17] Sidaas daraaddeed nacasyo ha ahaanina, laakiinse garta waxa ay doonista Rabbigu tahay.
[18] Ha ku sakhraamina khamriga rabshadu ku jirto, laakiinse Ruuxu ha idinka buuxsamo.
[19] Iskula hadla sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo gabyaya oo Rabbiga qalbigiinna ka ammaanaya.
[20] Mar kasta Ilaaha Aabbaha ah wax walba mahad ugu naqa magaca Rabbigeenna Ciise Masiix.
[21] Midkiinba midka kale ha iska hoosaysiiyo idinkoo Masiixa ka cabsanaya.
[22] Dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya sidaad Rabbiga uga dambaysaan.
[23] Waayo, ninku waa madaxa afada sida Masiixuba u yahay madaxa kiniisadda isagoo ah badbaadiyaha jidhka.
[24] laakiinse sida kiniisaddu uga dambayso Masiixa, afooyinkuna ha uga dambeeyeen nimankooda xagga wax kastaba
[25] Nimankow, idinkuna afooyinkiinna u jeclaada siduu Masiixuba u jeclaaday kiniisadda oo uu nafsaddiisii u bixiyey iyada aawadeed,
[26] inuu qoduus ka dhigo oo ku nadiifiyo maydhidda biyaha xagga erayga,
[27] si uu kiniisadda isugu keeno iyadoo qurux badan, oo aan lahayn ama bar ama duudduub ama wax la mid ah, laakiinse inay ahaato mid qoduus ah oo aan iin lahayn
[28] Haddaba sidaas oo kale nimanka waxaa ku waajib ah inay afooyinkooda u jeclaadaan sida jidhkooda oo kale. Waayo, kii afadiisa jeclaadaa wuxuu jeclaadaa nafsaddiisa;
[29] maxaa yeelay, ninna weligiis ma nebcaan jidhkiisa, laakiinse wuu quudiyaa wuuna xanaaneeyaa, sida Masiixuba u xannaaneeyo kiniisadda;
[30] waayo, innagu waxaynu nahay xubnihii jidhkiisa.
[31] Oo sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh.
[32] Qarsoodiganu waa weyn yahay, laakiinse waxaan ka hadlayaa Masiixa iyo kiniisadda
[33] Habase yeeshee idinka midkiin waluba afadiisa ha u jeclaado sida naftiisa oo kale, oo afaduna ninkeeda ha maamuusto.