[1] Anigoo Bawlos ah, oo rasuul u ah Ciise Masiix xagga doonista Ilaah, waxaan warqaddan u qorayaa qoduusiinta Efesos joogta iyo kuwa aaminka ah oo Ciise Masiix ku jira.
[2] Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
[3] Ammaanu ha u ahaato ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Wuxuu Masiix inagu siiyey barako kasta oo Ruuxa ka timid ee ku jirta meelaha jannada,
[4] xataa siduu inoogu doortay isaga dhexdiisa intaan dunida la aasaasin ka hor inaynu qoduus ahaanno oo iin la'aanno isaga hortiisa, isagoo ina jecel,
[5] Oo hore inoogu doortay inuu inaga dhigto carruurtiisii xagga Ciise Masiix siduu doonayay oo ku farxay,
[6] in la ammaano cisada nimcadiisa ee uu inagu siiyey kan uu jecel yahay.
[7] Isaga, sida ay hodantinimada nimcadiisu tahay, waxaynu dhiiggiisa ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafkeenna.
[8] Nimcadaas wuxuu inoogu badiyey xagga xigmadda iyo miyirka oo dhan,
[9] Oo wuxuu ina ogeysiiyey qarsoodiga doonistiisa siduu ugu farxay oo Masiixa ugu fikiray .
[10] oo ugu tala galay dhammaadka wakhtiga inuu Masiixa ku ururiyo wax kasta, waxa samooyinka ku jira iyo waxa dhulka joogaba.
[11] Isagaynu dhaxal ku helnay innagoo laynagu doortay qasdiga kan wax kasta kaga shaqeeya sida ay tahay talada doonistiisu,
[12] in kuweenna markii hore Masiixa wax ku rajeeyey aynu ahaanno kuwo aawadood lagu ammaano Ilaah cisadiisa.
[13] Oo weliba idinku isagaad ku maqasheen hadalka runta ah, kaas oo ah injiilka badbaadadiinna, oo weliba idinku markii aad rumaysateen ayaa laydinku shaabadeeyey Ruuxa Qoduuska ah oo uu ballan qaaday,
[14] Oo ah carbuuntii dhaxalkeenna xagga furashada hantida Ilaah in la ammaano cisadiisa.
[15] Anigu waxaan maqlay rumaysadkiinna xagga Rabbi Ciise, iyo jacaylka aad qoduusiinta oo dhan u qabtaan, oo sidaas daraaddeed
[16] ma joojiyo inaan Ilaah idiinku mahad naqo. Baryadayda ayaan idinku soo xusuusanayaa,
[17] in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin.
[18] Oo waxaan Ilaah baryayaa in indhaha qalbigiinna la nuuriyo, si aad u ogaataan waxa ay tahay rajada yeedhistiisu, iyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta dhaxalkiisa ee ku jirta qoduusiinta,
[19] iyo waxa ay tahay weynaanta xooggiisa aan la koobi karin oo uu u hayo kuweenna rumaysan, sida uu u shaqeeyo xoogga itaalkiisa
[20] ee uu kaga shaqeeyey Masiixii, goortuu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, oo uu fadhiisiiyey meelaha jannada xagga midigtiisa.
[21] Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta, iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya.
[22] Wax kastana wuxuu ka hoosaysiiyey cagihiisa, oo wuxuu isaga madax wax kasta ka sarreeyaa uga dhigay kiniisadda,
[23] taas oo ah jidhkiisa oo ah buuxidda kan wax kasta meel walba ku buuxiya.