[1] Berrito ha ku faanin, Waayo, ma ogid waxay maalinu keeni doonto.
[2] Mid kale ha ku faaniyo oo yaanu afkaagu ku faanin, Shisheeye ha ku ammaano, oo yaanay bushimahaagu ku ammaanin.
[3] Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay, Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.
[4] Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad, Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?
[5] Canaantii bayaan ahu Waa ka wanaagsan tahay jacaylkii qarsoon.
[6] Saaxiib nabrihiisu waa daacadnimo, Laakiinse cadow dhunkashooyinkiisu waa khiyaano miidhan.
[7] Naftii dheregsanu xataa awlallada malabka waa ka yaqyaqsataa, Laakiinse naftii gaajaysan wax kasta oo qadhaadhuba way u macaan yihiin.
[8] Ninkii hoygiisa ka warwareegaa Waa sida shimbir buulkeeda ka warwareegta oo kale.
[9] Saliidda iyo cadarku qalbigay ka farxiyaan, Sidaas oo kalena waxaa nin ka farxiya macaanka saaxiibkiis oo ka yimaada talada qalbiga.
[10] Ha ka tegin saaxiibkaa iyo aabbahaa saaxiibkiis toona, Oo maalintii masiibadaadana guriga walaalkaa ha tegin, Deris kuu dhowu waa ka wanaagsan yahay walaal kaa fog.
[11] Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi, Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.
[12] Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, oo waana la taqsiiraa.
[13] Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo kii naag qalaad dammiintana isaga rahmad ahaan u hay.
[14] Kii intuu aroor hore kaco saaxiibkiis cod dheer ugu duceeya, Waxaa loo qaadan doonaa habaar.
[15] Maalin roobaabeed dhibicyadeeda aan kala go'in Iyo naag muran badanu waa isku mid.
[16] Ku alla kii iyada celiyaa, dabayshuu celiyaa. Gacantiisa midigna saliid bay qabataa.
[17] Bir baa bir afaysa, Oo sidaas oo kale nin baa saaxiibkiis afeeya.
[18] Ku alla kii berde xannaanaystaa midhihiisuu cuni doonaa. Oo kii sayidkiisa dhawrana waa la murwayn doonaa.
[19] Sida fool biyaha dhexdooda fool uga muuqdo, Ayaa nin qalbigiisu nin kale ugu muuqdaa.
[20] She'ool iyo halligaadu weligood ma dhergaan, Dadka indhihiisu weligood ma dhergaan.
[21] Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh, Sidaas oo kalena nin waxaa lagu tijaabiyaa ammaantiisa.
[22] In kastoo aad nacas tib iyo mooye hadhuudh kula tuntid, Weliba nacasnimadiisu ka tegi mayso isaga.
[23] Aad ugu dadaal inaad ogaatid xaalka adhigaaga, Oo lo'daadana si wanaagsan u ilaali.
[24] Waayo, maalku weligiis siima raago, Taajkuna ab ka ab miyuu waaraa?
[25] Cawska qallalan markii la gooyo mid cagaar ah oo jilicsan baa soo muuqda, Oo dhalatada buurahana waa la soo urursadaa.
[26] Baraarku waa kuu dhar, Oo adhiguna waa kuu qiimihii beerta.
[27] Waxaa jiri doona caano riyaad oo cunto ugu filan adiga iyo reerkaagaba, Iyo weliba masruufka gabdhaha kuu shaqeeya.