Skip to content
Opens in a new window

[1] Qalbiga qasdiyadiisa dadkaa leh, Laakiinse carrabka jawaabtiisu xagga Rabbigay ka timaadaa.

[2] Nin jidadkiisa oo dhammu waa la nadiifsan yihiin isaga, Laakiinse Rabbigu ruuxyaduu miisaamaa.

[3] Shuqulladaada Rabbiga ku aamin, Oo fikirradaaduna way taagnaan doonaan.

[4] Rabbigu wax kastuu isu abuuray, Haah, oo xataa ka sharka leh wuxuu u abuuray maalinta sharkaa.

[5] Ku alla kii qalbiga ka kibirsanu Rabbiga waa u karaahiyo, Waxaan aad idiin ku xaqiijinayaa inaan isagu taqsiir la'aan doonayn.

[6] Waxaa dembiga lagu kafaaraggudaa naxariis iyo run, Oo dadkuna waxay sharka kaga fogaadaan Rabbiga ka cabsashadiisa.

[7] Markii Rabbigu ku farxo nin jidadkiis, Wuxuu nabad dhex dhigaa isaga iyo xataa cadaawayaashiisa.

[8] Wax yar oo xaqnimo la jirto Ayaa ka wanaagsan wax badan oo kordha oo xaqdarro la jirto.

[9] Nin walba qalbigiisaa jidkiisa u fiirsada, Laakiinse Rabbigaa tallaabooyinkiisa toosiya.

[10] Xukunka Rabbigu wuxuu ku jiraa bushimaha boqorka, Afkiisuna kuma xadgudbo garsooridda.

[11] Miisaankii iyo kafadihii xaq ah Rabbigaa leh, Dhagaxyada miisaanka oo kiishka ku jira oo dhammuna waa shuqulkiisa.

[12] Waa u karaahiyo boqorrada inay xumaan falaan. Waayo, carshigu xaqnimuu ku dhismaa.

[13] Boqorradu bushimaha xaqa ah way ku farxaan, Oo kii si qumman u hadlana way jecel yihiin.

[14] Boqor cadhadiisu waa sida warqaadayaal geeriyeed, Laakiinse nin caqli leh ayaa qaboojin doona.

[15] Nuurka wejiga boqorka nolol baa ku jirta, Oo raallinimadiisuna waa sida daruurta roobka dambe.

[16] In xigmad la helaa intee bay ka sii wanaagsan tahay in dahab la helo! In waxgarasho la helaana waa laga doortaa in lacag la helo.

[17] Kuwa qumman jidkoodu waa inay sharka ka leexdaan, Kii jidkiisa dhawraa naftiisuu ilaaliyaa.

[18] Kibirku wuxuu hor socdaa baabba', Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.

[19] In kuwa kibirsan booli lala qaybsado Waxaa ka sii wanaagsan in kuwa hooseeya laysla sii hoosaysiiyo.

[20] Kii hadalka dhegaystaa wax wanaagsan buu heli doonaa, Oo ku alla kii Rabbiga aaminaana waa barakaysan yahay.

[21] Kii qalbigiisu caqli leeyahay waxaa loogu yeedhi doonaa mid miyir leh, Oo bushimaha macaankooduna waxbarashuu kordhiyaa.

[22] Waxgarashadu waa u il nololeed kii haysta, Laakiinse edbinta nacasyadu waa nacasnimo.

[23] Kii caqli leh qalbigiisu afkiisuu wax baraa, Oo waxbarashuu bushimihiisa u kordhiyaa.

[24] Hadalkii wacanu waa sida awlallo shinniyeed oo kale, Nafta wuu u macaan yahay, oo lafahana waa u caafimaad.

[25] Waxaa jirta waddo dadka la qumman, Laakiinse dhammaadkeedu waa jidadkii dhimashada.

[26] Kii hawshooda gaajadiisuu u hawshoodaa, Waayo, afkiisaa qasba isaga.

[27] Ninkii waxmatare ahu xumaan buu qodqodaa, Oo bushimihiisana waxaa ku jira dab wax gubaya.

[28] Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.

[29] Ninka wax dulmaa deriskiisuu sasabtaa, Oo wuxuu u kaxeeyaa jid aan wanaagsanayn.

[30] Kii indhaha isugu qabta inuu wax qalloocan hindiso, Oo bushimihiisa qaniinaa, shar buu soo wadaa.

[31] Madaxa cirro lahu waa taaj sharfeed Haddii laga helo jidka xaqnimada.

[32] Kii cadhada u gaabiyaa waa ka wanaagsan yahay kii xoog badan, Oo kii ruuxiisa xukumaana waa ka wanaagsan yahay kii magaalo qabsada.

[33] Saamiga waxaa lagu tuuraa dhabta, Laakiinse go'aankiisa oo dhan Rabbigaa leh.

Maahmaahyadii — Chapters