Skip to content
Opens in a new window
Listen to this chapter • 7:45

[1] Sawlosna raalli buu ka ahaa diliddiisa. Oo maalintaas kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil aad baa loo silciyey; oo dhammaantoodna rasuulladii mooyaane waxay ku kala firdheen dalalka Yahuudiya iyo Samaariya.

[2] Markaasaa niman cibaado leh Istefanos aaseen oo aad ugu baroorteen.

[3] Laakiin Sawlos aad buu kiniisadda u rafaadiyey, oo intuu guri walba galay, ayuu rag iyo dumarba ka soo jiiday, oo xabsi ku riday.

[4] Haddaba kuwii kala firidhsanaa, meel walba oo ay mareenba ereygii bay ku wacdiyeen.

[5] Markaasaa Filibos wuxuu tegey magaalada Samaariya, oo wuxuu dadka ku wacdiyey Masiixa.

[6] Oo dadkii badnaa, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay dhegaysteen wuxuu Filibos ku hadlay markay waxyaalahaas maqleen oo ay arkeen calaamooyinkuu sameeyey.

[7] Waayo, kuwo badan oo jinniyo wasakh leh qabay, jinniyadii oo cod weyn ku qaylinaya ayaa ka soo baxay, oo kuwo badan oo curyaan ahaa iyo laangadhayaashiiba waa la bogsiiyey.

[8] Magaaladaasna aad baa looga farxay.

[9] Waxaa jiray nin Simoon la odhan jiray oo markii hore magaalada wax ku sixri jiray oo dadka reer Samaariya ka yaabin jiray, isagoo isugu sheegaya inuu yahay nin weyn.

[10] Isagay dhammaantood, yar iyo weynba, wada dhegaysan jireen oo odhan jireen, Ninkanu waa xooggii Ilaah oo la odhan jiray Weyne.

[11] Sababtii ay u dhegaysteenna waxay ahayd inuu wakhti dheer iyaga sixirkiisa kaga yaabiyey.

[12] Laakiin markay rumaysteen injiilka boqortooyada Ilaah iyo magaca Ciise Masiix oo Filibos ku wacdiyey ayaa iyaga rag iyo dumarba la baabtiisay.

[13] Simoon qudhiisuna waa rumaystay, oo markii la baabtiisay dabadeed, had iyo goorba wuxuu la socon jiray Filibos, wuuna la yaabay markuu arkay calaamooyinkii iyo yaababkii waaweynaa oo uu sameeyey.

[14] Haddaba markii rasuulladii Yeruusaalem joogay maqleen in Samaariya ereygii Ilaah aqbashay, ayay waxay u soo direen Butros iyo Yooxanaa,

[15] kuwaasoo markay yimaadeen, u duceeyey iyaga inay Ruuxa Quduuska ah helaan;

[16] maxaa yeelay, midkoodna weli kuma uu soo degin; laakiinse magaca Rabbi Ciise oo keliya ayaa lagu baabtiisay.

[17] Markaasay gacmahooda saareen, oo waxay heleen Ruuxa Quduuska ah.

[18] Haddaba Simoon markuu arkay in markii rasuulladu gacmahooda saareen, waxaa la siiyey Ruuxa Quduuska ah, ayuu lacag u taagay,

[19] isagoo leh, Anigana i siiya xooggan in nin kastoo aan gacmahayga saaroba, uu helo Ruuxa Quduuska ah.

[20] Laakiin Butros baa wuxuu ku yidhi, Lacagtaadu ha kula baabba'do, maxaa yeelay, waxaad u malaysay in hadiyadda Ilaah lacag lagu helo.

[21] Xaalkan kuma lihid ama qayb ama badh; maxaa yeelay, qalbigaagu Ilaah hortiisa kuma qummana.

[22] Sidaas aawadeed xumaantaadan ka toobadkeen, Rabbigana ka bari in fikirka qalbigaaga lagaa cafiyo.

[23] Waayo, waxaan arkaa adigoo ku jira xammeetida qadhaadhnimada, kuna xidhan xaqdarrada.

[24] Markaasaa Simoon u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ii barya inaan waxyaalahaas aad ku hadasheen midkoodna igu dhicin.

[25] Haddaba iyagu markay marag fureen oo Rabbiga ereygiisa ku hadleen, waxay ku noqdeen Yeruusaalem, waxayna tuulooyin badan oo reer Samaariya ah ku wacdiyeen injiilka.

[26] Laakiin Rabbiga malaa'igtiisa ayaa waxay la hadashay Filibos, iyadoo ku leh, Kac oo aad xagga koonfureed, oo waxaad raacdaa jidka Yeruusaalem ka taga ilaa Gaasa taasoo cidla ah.

[27] Wuuna u kacay oo aaday; oo waxaana ku soo baxay nin bohon oo Xabashi ah oo amar weyn ka hoos hayay Kandake boqoraddii Xabashida, wuuna u talin jiray maalkeeda oo dhan, wuxuuna Yeruusaalem u yimid inuu Ilaah caabudo.

[28] Kolkuu ka soo noqonayay, ayuu ku fadhiyey gaadhifaraskiisa, oo wuxuu akhriyeyey kitaabka nebi Isayos.

[29] Ruuxuna wuxuu Filibos ku yidhi, Ku dhowow, oo gaadhigan raac.

[30] Oo Filibos markuu ku orday, wuxuu maqlay isagoo akhriyaya kitaabka nebi Isayos, wuxuuna ku yidhi, Ma garanaysaa waxaad akhriyaysid?

[31] Kolkaasuu yidhi, Sidee baan ku garan karaa in lay toosiyo mooyaane? Markaasuu Filibos ka baryay inuu soo fuulo oo la fadhiisto.

[32] Haddaba meeshuu Qorniinka ka akhriyeyey waa tan, Isaga sidii wan la qalayo baa loo kaxeeyey; Oo sidii lax ku aamusan ninka dhogorta ka xiira hortiisa, Isagu afkiisa ma uu furo;

[33] Intuu is-hoosaysiiyey baa gartiisii laga qaaday; Farcankiisii yaa sheegi doona? Maxaa yeelay, noloshiisa dhulkaa laga qaaday.

[34] Bohonku wuxuu Filibos u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa, Nebigu yuu ka hadlayaa? Ma isaga qudhiisaa mise waa mid kale?

[35] Filibos baa afkiisa furay, oo intuu Qorniinkan ka bilaabay ayuu isaga ku wacdiyey Ciise.

[36] Kolkay waddada marayeen waxay yimaadeen meel biyah, bohonkuna wuxuu yidhi, Bal eeg, waa biyo. Maxaa iga celinaya in lay baabtiiso?

[37] Oo Filibos wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigaaga oo dhan ka rumaysatid, waa suurtowdaa. Wuuna u jawaabay oo yidhi, Waxaan rumaysanahay in Ciise Masiix yahay Wiilka Ilaah.

[38] Markaasuu amray in gaadhigu joogsado; labadooduna biyahay galeen, Filibos iyo bohonkuba, oo wuu baabtiisay isaga.

[39] Oo markay biyihii ka soo baxeen, ayuu Ruuxii Rabbigu dhuftay Filibos, bohonkuna mar dambe ma uu arkin isagii, maxaa yeelay, jidkiisii ayuu iska qaaday isagoo faraxsan.

[40] Laakiin Filibos waxaa laga helay Asootos, oo magaalooyinkuu dhex marayay oo dhan wuxuu ku wacdiyey injiilka ilaa intuu gaadhay Kaysariya.

Falimaha Rasuullada — Chapters