Skip to content
Opens in a new window
Listen to this chapter • 6:30

[1] Kolkaasaa shan maalmood dabadeed waxaa yimid Ananiyas oo ahaa wadaadkii sare oo wata kuwo waayeellada ah iyo mid codkar ah oo Tertullos la odhan jiray; oo waxay taliyihii u sheegeen wax Bawlos ka gees ah.

[2] Oo markii loo yeedhay ayaa Tertullos wuxuu bilaabay inuu isagii dacweeyo, oo wuxuu yidhi, Adiga daraaddaa waxaannu ku raaxaysannaa nabad badan, oo dhaqaalahaaga aawadiisna xumaatooyinka waa laga hagaajiyaa quruuntan.

[3] Annaguna si walba iyo meel walba ayaannu ku aqbalnaa, adigan Feelikos ah oo sharafka weyn lahow, oo aad iyo aad ayaannu ugu mahadnaqaynaa.

[4] Laakiin si aanan kuu sii daalin, waxaan kaa baryayaa inaad raxmaddaada nooga maqashid dhawr eray.

[5] Maxaa yeelay, waxaannu aragnay in ninkanu yahay nin baas oo fidmad ka dhex kiciya Yuhuudda dunida joogta oo dhan, waana kan horgalaha u ah dariiqada Naasaraaniyiinta;

[6] oo wuxuu aad ugu dadaalay inuu macbudka nijaaseeyo; oo weliba annagu waan soo qabannay isagii, oo waxaannu ku xukumi lahayn wax sharcigayaga ku saabsan.

[7] Laakiin waxaa yimid sirkaalkii sare oo Lusiyas la yidhaahdo, oo gacantayada xoog kaga baxshay isagii,

[8] oo wuxuu kuwii soo dacwaynayay ku amray inay hortaada yimaadaan. Isaga markaad adiga qudhaadu imtixaantid waad ka ogaan kari doontaa waxyaalahan aannu isaga ku dacwaynayno oo dhan.

[9] Oo Yuhuuddiina way ku darmadeen dacwadii iyagoo adkaynaya in waxyaalahaasu saas yihiin.

[10] Oo markii taliyuhu u gacan haadiyey inuu hadlo, ayaa Bawlos u jawaabay oo wuxuu yidhi. Anigu waan ogahay inaad sannado badan quruuntan xaakin u ahayd, sababtaas daraaddeed anigoo aad u faraxsan ayaan isdaafacayaa.

[11] Adigu waad ogaan karaysaa inayan laba iyo toban maalmood ka badnayn kolkii aan Yeruusaalem caabudidda u tegey.

[12] Anigoo qof la doodaya ama dad badan kicinaya laygama helin ama macbudka ama sunagogyada ama magaalada.

[13] Kuumana ay caddayn karaan waxyaalihii ay imminka igu dacwaynayaan.

[14] Laakiin tan baan kuu qiranayaa, inaan Ilaaha awowayaashayo ugu adeego sida Jidka ay yidhaahdaan dariiqo bidcinimo ah, anigoo rumaysan waxyaalaha sharcigu leeyahay oo dhan iyo waxyaalaha lagu qoray kitaabbadii nebiyada.

[15] Oo waxaan xagga Ilaah ka rajaynayaa waxyaalaha ay kuwan qudhooduba filanayaan, waana inay jiri doonto sarakicidda ay kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahayn soo sara kici doonaan.

[16] Tan ayaan ku dadaalayaa inaan had iyo goorba qabo qalbi aan xumaan u keenin xagga Ilaah iyo xagga dadba.

[17] Haddaba sannado badan dabadeed ayaan waxaan u imid inaan quruuntayda u keeno sadaqooyin iyo qurbaanno.

[18] Markaan kuwaas keenayay ayay macbudka iga heleen, anigoo daahirsamay, oo aan dad badan la joogin, oo aan buuq ku jirin; laakiin waxaa joogay kuwo Yuhuud ah oo Aasiya ka yimid

[19] kuwaasoo ay waajib ahayd inay halkan hortaada joogaan oo ay i dacweeyaan haddii ay wax igu haystaan.

[20] Haddii kalese nimankan qudhoodu ha sheegeen xaqdarradii ay igu heleen markii aan shirka hor istaagay,

[21] haddii ayan ahayn codkan keliya oo aan ku dhawaaqay markaan iyaga dhex taagnaa oo idhi, Wax ku saabsan sarakicidda kuwii dhintay ayaad maanta igu xukumaysaan.

[22] Laakiin Feelikos oo aad u sii garanaya wax ku saabsan Jidka ayaa xaajadoodii dib u dhigay oo yidhi, Kolkii sirkaalka sare oo Lusiyas ah yimaado ayaan xaajadiinna dhammaan u garan doonaa.

[23] Markaasuu boqol-u-taliyihii ku amray in la ilaaliyo isagoo aan xidhnayn oo aan saaxiibbadiis laga joojin inay u adeegaan.

[24] Laakiin dhawr maalmood dabadeed ayaa Feelikos yimid isagoo ay naagtiisa Darusilla oo Yahuudiyad ahayd la socoto, oo wuxuu u cid dirsaday Bawlos, oo wuxuu ka maqlay wax ku saabsan rumaysadkuu rumaystay Ciise Masiix.

[25] Oo intuu kala hadlayay xaqnimada iyo iscelinta iyo xukunka imanaya, ayaa Feelikos cabsaday oo u jawaabay oo ku yidhi, Haatan iska tag; oo markaan wakhti wanaagsan helo ayaan kuu yeedhan doonaa.

[26] Wuxuu rajaynayay in Bawlos lacag siiyo isagii, sidaas daraaddeed ayuu marar badan u soo cid diray oo la hadlay isagii.

[27] Laakiin markii laba sannadood dhammaatay waxaa Feelikos jagadiisa qaatay Borkiyos Feestos; Feelikosna isagoo doonaya inuu Yuhuuddii ka farxiyo ayuu Bawlos daayay isagoo xidhan.

Falimaha Rasuullada — Chapters