
About
Ka dib weerarkii naxdinta lahaa ee ka dhacay xeebta Bondi Beach, hay’adda New South Wales Health ayaa bilowday adeeg degdeg ah oo ku saabsan caafimaadka maskaxda. Dhakhaatiir iyo khubarada caafimaadka maskaxda oo si gaar ah loo tabo-baray ayaa laga hawl-geliyey xaafadaha Bondi iyo Coogee, iyaga oo shaqaynaya 8 subaxnimo ilaa 8 fiidnimo, maalmaha iyo toddobaadyada soo socda.