Skip to content
Opens in a new window
Listen to this chapter • 6:57

[1] Si Ciise u tuso inay waajib ku tahay iyaga inay mar walba tukadaan oo aanay ka qalbi jabin, wuxuu iyaga kula hadlay masaal isagoo leh,

[2] Waxaa magaalo joogay xaakin aan Ilaah ka baqi jirin, ninnana aan danayn jirin.

[3] Waxaana magaaladaas joogtay carmal ninkeedii ka dhintay, marar badanna way u timid, iyadoo ku leh, Cadowgayga iga xaq sii.

[4] Intii wakhti ah ayuu yeeli waayay, laakiin dabadeed wuxuu isku yidhi, In kastoo aanan Ilaah ka baqin, oo aanan ninna danayn,

[5] weliba dhibta ay carmalkan i dhibayso aawadeed, waan xaq siin doonaa, si aanay marar badan iigu soo noqnoqon oo ii daalin.

[6] Markaasaa Rabbigu yidhi, Maqla wixii xaakinkii xaqa darnaa yidhi.

[7] Ilaahna miyaanu xaq siin doonin kuwuu doortay oo habeen iyo maalinba u qayliya; oo miyaanu u dulqaadan doonin?

[8] Waxaan idinku leeyahay, Dhaqsoba wuu u xaq siin doonaa; hase ahaatee goortuu Wiilka Aadanahu yimaado, markaas rumaysad ma ka heli doonaa dhulka?

[9] Masaalkan ayuu kula hadlay qaar ismoodayay inay xaq yihiin oo kuwa kale quudhsaday.

[10] Laba nin ayaa tegey inay macbudka ku tukadaan; mid Farrisi buu ahaa, kan kalena cashuurqaade.

[11] Farrisigii intuu istaagay ayuu waxyaalahan isugu tukaday, Ilaahow, waxaan kuugu mahadnaqayaa inaanan ahayn sida nimanka kale oo wax dulma, iyo kuwa xaqa daran, iyo dhillayaasha, ama xataa sida cashuurqaadahan.

[12] Toddobaadkiiba laba kol ayaan soomaa, waxaan haysta oo dhanna toban meelood ayaan meel ka bixiyaa.

[13] Laakiin cashuurqaadihii meel fog ayuu ka istaagay, ma uuna doonaynin inuu indhihiisa cirka u qaado, laakiin laabtiisa ayuu garaacay isagoo leh, Ilaahow, ii naxariiso anigoo dembi leh.

[14] Waxaan idinku leeyahay, Kan iyo kii kale, kan baa gurigiisa tegey isagoo la caddeeyey inuu xaq yahay; waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

[15] Ilmo yaryar ayay u keeneen inuu taabto, laakiin goortii xertii aragtay, ayay canaanteen.

[16] Laakiin Ciise ayaa u yeedhay oo ku yidhi, Ilmaha yaryar daaya, ha ii yimaadeene, hana diidina, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada Ilaah.

[17] Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono.

[18] Taliye ayaa weyddiiyey isagoo leh, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo?

[19] Markaasaa Ciise ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah.

[20] Qaynuunnada waad taqaan, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.

[21] Markaasuu yidhi, Kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii waan dhawray.

[22] Ciise goortuu waxaas maqlay ayuu ku yidhi, Weli wax keliya ayaa kuu dhiman. Waxaad haysatid oo dhan iibi, oo masaakiinta u qaybi, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal, ee kaalay oo i soo raac.

[23] Laakiin goortuu waxaas maqlay ayuu aad uga caloolxumaaday, waayo, aad buu hodan u ahaa.

[24] Ciise goortuu arkay, wuxuu yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan,

[25] waayo, nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeeda ka duso.

[26] Markaasaa kuwa maqlay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara?

[27] Wuxuuse ku yidhi, Waxa aan dadka u suurtoobin, Ilaah waa u suurtoobaan.

[28] Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay.

[29] Wuxuuna ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay. Ma jiro nin boqortooyada Ilaah aawadeed uga tegey guri, ama afo, ama walaalo, ama waalid, ama carruur,

[30] oo aan haatan helayn labanlaab badan, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.

[31] Laba-iyo-tobankii ayuu watay oo ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem, oo wax walba oo nebiyadu qoreen ayaa Wiilka Aadanaha u noqon doona.

[32] Waayo, isaga waxaa loo dhiibi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn, waana lagu kajami doonaa, oo la caayi doonaa, oo lagu tufi doonaa,

[33] wayna karbaashi doonaan oo dili doonaan, maalinta saddexaadna wuu soo sara kici doonaa.

[34] Laakiin waxyaalahaas waxba kama ay garan, hadalkaasna waa ka qarsoonaa, mana ay garan wixii la yidhi.

[35] Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la' jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay,

[36] oo goortuu maqlay dadka badan oo ag maraya ayuu weyddiiyey waxaas waxay ahaayeen.

[37] Waxay u sheegeen in Ciisihii Reer Naasared ag marayo.

[38] Markaasuu qayliyey isagoo leh, Ciise, ina Daa'uudow, ii naxariiso.

[39] Kuwa hor marayay ayaa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.

[40] Markaasaa Ciise joogsaday oo wuxuu ku amray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi,

[41] Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Wuxuu ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.

[42] Markaasaa Ciise ku yidhi, Wax arag; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.

[43] Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen.

Injiilka Sida Luukos U Qoray — Chapters