[1] Anigu waxaan ahay ninkii arkay dhibaatadii ay ushii cadhadiisu keentay.
[2] Wuu i hoggaamiyey oo igu dhex socodsiiyey gudcur aan iftiin lahayn.
[3] Sida xaqiiqada ah maalintii oo dhan ayuu mar kasta gacantiisa igu sii jeediyaa.
[4] Jiidhkaygii iyo haraggaygiiba wuu gaboojiyey, lafahaygiina wuu jejebiyey.
[5] Wax buu igu wareejiyey, oo wuxuu igu hareereeyey qadhaadh iyo dhib.
[6] Wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego sidii kuwii waagii hore dhintay.
[7] Derbi buu igu wareejiyey si aanan u bixi karin, silsiladdaydiina mid culus buu ka dhigay.
[8] Oo weliba markaan dhawaaqo oo aan caawimaad u qayshadona baryadayda wuu diidaa.
[9] Jidadkaygii wuxuu ku awday dhagaxyo la qoray, oo wadiiqooyinkaygiina wuu qalloociyey.
[10] Wuxuu igu noqday sidii orso ii gabbanaysa iyo sidii libaax meelo qarsoon iigu dhuumanaya.
[11] Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.
[12] Qaansadiisii wuu xootay, oo wuxuu iga dhigay goolibaadhkii fallaadha.
[13] Isagu wuxuu ka dhigay fallaadhihii gabooyihiisu inay kelyahayga galaan.
[14] Waxaan dadkaygii oo dhan u noqday wax la quudhsado, oo maalintii oo dhanna gabaygooda way igu halqabsadaan.
[15] Wuxuu iga buuxiyey qadhaadh, dacar buuna igu dhergiyey.
[16] Ilkahaygii dhagaxyo quruurux ah ayuu ku jejebiyey, oo dambas buu igu daboolay.
[17] Naftaydii nabad waad ka fogaysay, oo barwaaqo iyo wanaag waan illoobay.
[18] Waxaan is-idhi, Xooggaygii iyo rajadaydiiba xagga Rabbiga way ka baabbe'een.
[19] Xusuuso dhibkaygii iyo wareeggaygii, iyo dacartii iyo xammeetidii.
[20] Naftaydu iyagay weli soo xusuusataa, oo ceeb bay la foororsatay.
[21] Tan uun baan garwaaqsan ahay, sidaas daraaddeed rajaan leeyahay.
[22] Rabbiga naxariistiisa aawadeed ayaan laynoo baabbi'in, maxaa yeelay, raxmaddiisu ma dhammaato.
[23] Subax walba way cusub yihiin, daacadnimadaaduna way weyn tahay.
[24] Naftaydu waxay tidhaahdaa, Rabbigu waa qaybtaydii, sidaas daraaddeed isagaan rajo ku qabi doonaa.
[25] Rabbigu waa u roon yahay kuwa isaga rajo ku suga iyo naftii isaga doondoontaba.
[26] Waxaa wanaagsan in badbaadinta Rabbiga rajo iyo aamusnaan lagu sugo.
[27] Waxaa wanaagsan in nin harqoodka qaato intuu dhallinyar yahay.
[28] Keligiis ha fadhiisto isagoo aamusan, maxaa yeelay, isagaa kor saaray.
[29] Afkiisa ciidda ha daro, waxaa suurtowda inay rajo jirto.
[30] Dhabankiisa ha u dhiibo mid dharbaaxa, oo cay ha ka dhergo.
[31] Waayo, Sayidku ilaa weligiis ma uu sii tuuri doono.
[32] Maxaa yeelay, inkastoo uu murugeeyo, haddana weli wuu ugu nixi doonaa naxariistiisa badnaanteeda aawadeed.
[33] Waayo, isagu binu-aadmiga kas uma dhibo, umana murugeeyo.
[34] In maxaabiista dunida oo dhan cagaha hoostooda lagu burburiyo,
[35] Iyo in dadka xaqiisa laga leexiyo Ilaaha sare hortiisa,
[36] Iyo in nin gartiisa laga qalloociyo, Sayidku raalli kama aha.
[37] Waa kee kan wax odhanaya oo ay noqdaan, Sayidkoo aan amrin?
[38] Kan ugu sarreeya afkiisa sow kama soo baxaan belaayo iyo wanaagba?
[39] Bal maxaa nin noolu u cabtaa, maxaase nin ciqaabta dembigiisa uga cabtaa?
[40] Jidadkeenna aynu baadhno, oo aynu tijaabinno, oo aynu mar kale Rabbiga u soo noqonno.
[41] Qalbigeenna iyo gacmaheenna aynu kor ugu taagno Ilaaha samooyinka ku jira.
[42] Annagu waannu xadgudubnay oo waannu caasiyownay, oo adiguna nama aad saamixin.
[43] Cadho baad isku dabooshay, waanad na eryatay, waad na dishay, oo noomana aadan tudhin.
[44] Daruur baad isku dabooshay si aan baryona kuugu soo gudbin.
[45] Waxaad dadyowga dhexdooda naga dhigtay uskag iyo wax la nacay.
[46] Cadaawayaashayadii oo dhammu afkay nagu kala qaadeen.
[47] Waxaa noo yimid cabsi iyo yamays, iyo halligaad iyo baabbi'in.
[48] Indhahayga waxaa ka daata durdurro ilmo ah, waana baabbi'inta dadkayga aawadeed.
[49] Indhahaygu had iyo goorba way qubtaan oo innaba ma joogsadaan
[50] Ilamaa Rabbigu hoos soo fiiriyo, oo uu samada ka soo eego.
[51] Indhahaygu way ii murugeeyaan gabdhaha magaaladayda oo dhan daraaddood.
[52] Kuwii cadaawayaashayda sababla'aan u ahaa ayaa i ugaadhsaday sida shimbir loo ugaadhsado oo kale.
[53] Waxay bohol iigu rideen si ay naftayda iiga qaadaan, oo dhagax bay igu soo kor tuureen.
[54] Madaxaygii biyaa ku kor daatay, oo waxaan is-idhi, Waad go'day.
[55] Rabbiyow, anigoo godka ugu dheer ku dhex jira ayaan magacaaga ku baryootamay.
[56] Codkaygii waad maqashay, bal dhegtaada ha ka xidhin neefsashadayda iyo baryadayda.
[57] Maalintii aan ku baryay ayaad ii soo dhowaatay, oo waxaad igu tidhi, Ha cabsan.
[58] Sayidow, naftayda dacwooyinkeeda waad ii qaadday, waadna i madaxfuratay.
[59] Rabbiyow, gardarradii laygu hayay waad aragtay ee ii garsoor.
[60] Aarsashadoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhanba waad wada aragtay.
[61] Rabbiyow, waad maqashay caydoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhan,
[62] Iyo wixii kuwa igu kacay bushimahoodii lahaayeen, iyo wixii ay maalintii oo dhan ii qasdiyeenba.
[63] Bal eeg, markay fadhiyaan iyo markay taagan yihiinba waxaan ahay waxay ka gabyaan.
[64] Rabbiyow, waxaad iyaga siin doontaa abaalgud waafaqsan shuqullada gacmahooda.
[65] Indhala'aanta qalbiga waad siin doontaa, inkaartaadana korkooda waad ka yeeli doontaa.
[66] Cadho baad ku eryan doontaa oo samadaada hoosteeda iyagaad ka baabbi'in doontaa.