[1] Oo weliba waxaad u baroorataa amiirrada reer binu Israa'iil,
[2] oo waxaad tidhaahdaa, Hooyadaa maxay ahayd? Gool bay ahayd! oo libaaxyay dhex jiiftay, oo waxay dhasheedii ku dhex korisay libaaxyo yaryar.
[3] Oo dhasheedii midkood ayay korisay, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay.
[4] Quruumihii baa warkiisii maqlay, oo waxaa isagii lagu qabtay godkoodii, oo dalkii Masar bay qabatooyin ku keeneen.
[5] Haddaba iyadu markay isagii wax badan sugtay oo ay ka rajo beeshay waxay qaadatay mid kale oo dhasheedii ah, oo waxay ka dhigtay libaax aaran ah.
[6] Oo isaguna libaaxyaduu dhex socday, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay.
[7] Qalcadahoodii buu yiqiin, oo magaalooyinkoodiina cidla buu ka dhigay, oo dalkii iyo wixii dhexdiisa ka buuxayba baabba' bay noqdeen, waana codka cidiisa aawadiis.
[8] Markaasaa quruumihii dhinac kasta kaga keceen oo gobolladii oo dhan ka soo hujuumeen, oo shabaggoodii bay ku kor kala bixiyeen, oo godkoodaa lagu qabtay.
[9] Oo intay qabatooyin ku qabteen ayay khafas ku rideen, oo boqorkii Baabuloon bay u keeneen, oo waxay ku rideen qalcado xoog badan si aan codkiisa mar dambe buuraha reer binu Israa'iil looga maqlin.
[10] Hooyadaa waxay ahayd sidii geed canab ah oo dhiiggaaga ku dhex jira oo biyo lagu ag beeray. Biyaha badan daraaddood ayay wax midho badan iyo laamo miidhan ah u noqotay.
[11] Oo waxay lahayd laamo adadag oo ulo u ah kuwa xukunka hayay, oo sarajooggeeduna wuxuu ka sii sara maray geedaha laamahooda waaweyn, oo dhererkeedu wuxuu la muuqday laameheeda badan aawadood.
[12] Laakiinse iyadii cadhaa lagu rujiyey, oo dhulkaa lagu soo xooray, oo dabayshii bari ayaa midheheedii qallajisay, laameheedii adadkaana way jajabeen oo engegeen, oo dab baa iyagii baabbi'iyey.
[13] Oo haddana waxaa iyadii lagu dhex beeray cidlada, taasoo ah dhul engegan oo oommanaa.
[14] Oo dab baa laameheedii ka soo dhex baxay, oo midhaheedii dhammeeyey, oo sidaas aawadeed iyadu ma leh laan adag oo ul wax lagu xukumo noqon karta. Tanu waa baroorasho, oo baroorashay u noqon doontaa.