[1] Bawlos oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah doonista Ilaah, iyo walaalkeen Timoteyos waxaannu warqaddan u qoraynaa kiniisadda Ilaah oo Korintos ku taal iyo kulli quduusiinta Akhaya oo dhan jooga.
[2] Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
[3] Waxaa barako leh Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix, oo ah Aabbaha naxariista leh iyo Ilaaha gargaarka oo dhan,
[4] kan naga gargaara dhibtayada oo dhan inaannu kuwa dhib kasta ku jira ugu gargaari karno gargaarka Ilaah nagu gargaaray.
[5] Waayo, sida xanuunsigii Masiixu uu noogu badan yahay, sidaas oo kalena gargaarkayagu xagga Masiix wuu noogu badan yahay.
[6] Haddii lana dhibo waa gargaarkiinna iyo badbaadintiinna aawadood; haddii lana gargaarona waa gargaarkiinna aawadiis kaasoo yeesha dulqaadashada aannu ku dulqaadanno isku xanuunsiga aannu annaguna ku xanuunsanno.
[7] Oo rajadayada aannu idiin qabnaa waa hubaal, annagoo garanayna inaad tihiin kuwo xanuunsiga qayb ku leh, sidaas oo kalena waxaad tihiin kuwo gargaarka qayb ku leh.
[8] Walaalayaalow, dooni mayno inaad ka garaad la'aataan waxa ku saabsan dhibtayada ee xagga Aasiya nagaga dhacday, in hoos aad lanoogu celiyey si xooggayaga dhaafsiisan, sidaas aawadeed ayaannu xataa nolosha uga quusannay.
[9] Laakiin annaga qudhayadu waxaannu naftayada ku haysannay xukunka dhimashada, inaannan naftayada isku hallayn, laakiin inaannu Ilaah isku hallayno kan sara kiciya kuwii dhintay.
[10] Isagaa naga samatabbixiyey dhimasho saas u weyn, wuuna na samatabbixin doonaa, kan aannu rajaynayno inuu weliba na samatabbixin doono;
[11] idinkoo nagu wada kaalmaynaya baryadaad noo baridaan, in barakada lana siiyey kuwa badan daraaddood, dad badan ay ku mahadnaqaan aawadayo.
[12] Waxaannu ku faanaynaa, qalbigayaguna marag furayaa, inaannu dunida ugu soconnay quduusnimo iyo daacadnimo xagga Ilaah, ee uguma aan socon xigmadda jidhka laakiinse nimcada Ilaah, oo khusuusan xaggiinna.
[13] Wax kale idiin soo qori mayno waxaad akhridaan oo aad garanaysaan mooyaane, oo waanan rajaynayaa inaad sii garan doontaan ilaa dhammaadka.
[14] Sidaad si ahaan noogu garateen inaannu faankiinna nahay, sidaas oo kale idinkuna kayagaad tihiin maalinta Rabbigeenna Ciise.
[15] Hubaalkaas daraaddiis ayaan doonayay inaan horta idiin imaado inaad barako labaad haysataan;
[16] iyo inaan idin sii maro ilaa Makedoniya, oo haddana aan Makedoniya ka imaado oo aan idinku soo noqdo, idinkuna inaad xagga Yahuudiya ii ambabbixisaan.
[17] Haddaba markaan waxaas doonayay miyaan rogrogay? Ama waxaan goosto miyaan u goostaa sida uu ninka jidhka raacaa u goosto, inay xaggayga noqoto, Haah, haah, iyo Maya, maya?
[18] Laakiin sida uu Ilaah aamin u yahay, hadalkayagu xaggiinna ma aha, Haah, iyo Maya.
[19] Waayo, Wiilka Ilaah oo ah Ciise Masiix, ee aannu aniga iyo Silwanos iyo Timoteyos dhexdiinna kaga wacdinnay, ma ahayn Haah iyo Maya, laakiin xaggiisa waa Haah.
[20] Waayo, in kastoo ay badan yihiin ballamadii Ilaah, waxaa isaga xaggiisa ku jira, Haahda, oo weliba xaggiisa waxaa ku jira, Aamiinta, in xaggeenna Ilaah laga ammaano.
[21] Laakiin kan ina wada xoogeeya xagga Masiixa oo ina subkay waa Ilaah,
[22] kan haddana ina shaabadeeyey oo carbuunta Ruuxa inagu siiyey qalbigeenna.
[23] Laakiin Ilaah baan markhaati ugu yeedhayaa xagga naftayda, waxaan Korintos u iman waayay inaan idiin tudho.
[24] Ma aha inaannu sayid u ahaanno rumaysadkiinna, laakiin waxaannu nahay kuwa idinla wada shaqeeya farxaddiinna aawadeed, waayo, rumaysad ayaad ku taagan tihiin.