[1] Oo Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu Sulaymaan u soo diray addoommadiisii, waayo, wuxuu maqlay inay meeshii aabbihiis isaga boqradeen; waayo, Xiiraam weligiisba wuxuu jeclaa Daa'uud.
[2] Oo Sulaymaanna Xiiraam buu u cid diray oo ku yidhi,
[3] Waad og tahay in aabbahay Daa'uud guri u dhisi kari waayay magaca Rabbiga Ilaahiisa ah, dagaalladii dhinac kasta kaga wareegsanaa aawadood, ilaa Rabbigu u wada geliyey cagihiisa hoostooda.
[4] Laakiinse haatan Rabbigu waa iga nasiyey dhinac kastaba, oo lama arko cadow iyo wax xun toona.
[5] Oo waxaan damacsanahay inaan guri u dhiso magaca Rabbiga Ilaahayga ah, sidii Rabbigu u sheegay aabbahay Daa'uud, isagoo leh, Wiilkaaga oo aan dabadaa carshigaaga ku fadhiisin doono ayaa magacayga guri u dhisi doona.
[6] Haddaba sidaas daraaddeed amar in Lubnaan layga soo jaro geedo kedar ah, oo addoommadayduna waxay la jiri doonaan addoommadaada, oo addoommadaadana in alla intii aad tidhaahdid ayaan kaaga kiraysan; waayo, waad garanaysaa inaan dhexdayada lagu arag wax dhirta u jari kara sida reer Siidoon.
[7] Oo markii Xiiraam maqlay hadalkii Sulaymaan ayuu aad u farxay oo yidhi, Maanta waxaa mahad leh Rabbiga Daa'uud siiyey wiil xigmad leh oo u taliya dadkan badan.
[8] Markaasaa Xiiraam Sulaymaan u cid diray oo wuxuu ku yidhi, Waan maqlay farriintii aad ii soo dirtay; oo waan yeelayaa waxaad doonayso oo ku saabsan qoryaha kedarka ah iyo qoryaha berooshka la yidhaahdo.
[9] Oo addoommadayda ayaa Lubnaan ka soo qaadi doona, oo keeni doona ilaa badda; oo xidhmooyin baan ka dhigayaa si ay badda u raacaan ilaa meeshii aad igula ballantay, oo waxaan ka dhigi doonaa in halkaas lagu kala furfuro, oo waad qaadan doontaa; oo adna waxaan doonayo ayaad ii dhammayn doontaa, adoo reerkayga cunto ii siinaya.
[10] Sidaasuu Xiiraam u siiyey Sulaymaan qoryo kedar ah iyo qoryo beroosh ah, intuu doonayay oo dhan.
[11] Sulaymaanna wuxuu Xiiraam siiyey labaatan kun oo kor oo sarreen ah oo reerkiisu quuto, iyo labaatan kor oo saliid saafiya ah; oo Sulaymaan intaasuu sannad kasta siin jiray Xiiraam.
[12] Oo Rabbiguna wuxuu Sulaymaan siiyey xigmad siduu ugu ballanqaaday; oo Xiiraam iyo Sulaymaanna nabad baa u dhexaysay, oo labadoodu axdi bay dhigteen.
[13] Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu dadkii Israa'iil oo dhan ka dhex doortay niman shaqaalayaal ah, oo shaqaalayaashuna waxay ahaayeen soddon kun oo nin.
[14] Oo bishiiba toban kun ayuu Lubnaan u diri jiray; markaasay intii bil ah Lubnaan joogi jireen, laba biloodna reerahooday joogi jireen; oo shaqaalayaasha waxaa u sarreeyey Adoniiraam.
[15] Oo Sulaymaanna wuxuu lahaa toddobaatan kun oo xammaal iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha geedo ka jari jiray.
[16] Oo laguma tirin Sulaymaan saraakiishiisii sarsare oo hawsha u taliyey, kuwaasoo ahaa saddex kun iyo saddex boqol oo u talin jiray dadkii shuqulka qaban jiray.
[17] Markaasaa boqorkii amray, oo iyana waxay soo jareen dhagxan waaweyn oo qaali ah, inay dhagxan la qoray ka dhigaan aasaaskii guriga.
[18] Oo Sulaymaan waxdhisayaashiisii iyo Xiiraam waxdhisayaashiisii iyo reer Gebal ayaa qoray, oo waxay hagaajiyeen alwaaxdii iyo dhagxantii guriga lagu dhisi lahaa.