[1] Anigoo Bawlos ah oo Ilaah addoon u ah, Ciise Masiixna rasuul u ah, siday yihiin iimaanka kuwa Ilaah doortay iyo aqoonta runta oo ah xagga cibaadada,
[2] iyagoo rajaynaya nolosha weligeed ah oo Ilaaha aan beenta sheeginu u ballan qaaday waayadii hore hortood,
[3] laakiinse wakhtiyadiisii goonida ahaa uu hadalkiisii ku muujiyey wacdigii laygu ammaaneeyey sida Ilaaha Badbaadiyeheenna ahu u amray,
[4] waxaan warqaddan u qorayaa Tiitos oo ah wiilkayga runta ah xagga iimaanka inaga dhexeeya. Nimco iyo nabadu ha kaaga yimaadeeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.
[5] Sababtaas daraaddeed ayaan Kereetee kaaga dhex tegey inaad hagaajisid waxyaalaha hadhay iyo inaad waayeello magaalo walba ka dooratid sidaan kuugu amray,
[6] hadduu mid waliba yahay nin aan ceeb lahayn, oo naag keliya qaba, oo leh carruur rumaysan, oo aan rabsho iyo caasinimo lagu dacwaynin.
[7] Waayo, hoggaamiyaha kiniisaddu waa inuu ceeb la'aado sida wakiilka Ilaah; oo uusan madax adkaan, oo uusan camal fududaan, oo uusan sakhraan noqon, oo uusan gacan fududaan, oo uusan faa'iidada ceebta ah jeclaan,
[8] laakiinse waa inuu ahaado mid martida soo dhoweeya, oo wanaag jecel, oo feeyigaan, oo xaq ah, oo qoduus ah, oo iscelin kara;
[9] isagoo xajinaya hadalka aaminka ah oo ah sidii loo baray, inuu awoodo inuu cilmiga runta ah ku waaniyo oo ku canaanto kuwa muranka miidhan ah.
[10] Waayo, waxaa jira caasiyiin badan, iyo kuwa hadal xun ku hadla, iyo khaa inno, oo khusuusan waa kuwa gudan.
[11] Kuwaas afkooda waa in la xidho, maxaa yeelay, waa kuwa reero dhan gembiya iyagoo faa'iidada ceebta ah aawadeed u baraya waxyaalo aan waajib ahayn inay baraan.
[12] Mid iyaga ka mid ahaa oo nebigoodii ahaa ayaa wuxuu yidhi, Reer Kereetee weligood waa beenaalayaal, iyo dugaag xun, iyo kuwo cir weyn oo caajisiin ah.
[13] Markhaatigaasu waa run. Sababtaas aawadeed aad u canaano iyaga inay iimaanka si run ah ugu socdaan
[14] iyagoo aan dhegaysanayn sheekooyinka Yuhuudda iyo amarrada dadka runta ka leexanaya.
[15] Kuwa daahirka ah wax waluba waa u daahir, laakiin kuwa nijaasaysan oo aan rumaysadka lahayn waxba daahir uma aha, laakiinse kaskooda iyo niyadooduba waa nijaasoobeen.
[16] Waxay afka ka qirtaan inay Ilaah yaqaaniin, laakiin camalladooday isaga ku inkiraan, iyagoo karaahiyo iyo caasiyiin ah, oo xagga shuqul wanaagsan oo dhan laga nacay.