Skip to content
Opens in a new window

[1] Markaasaan maqlay cod weyn oo macbudkii ka yeedhaya, oo toddobadii malaa'igood ku leh, Taga, oo toddobada fijaan oo cadhada Ilaah ku jirto dhulka ku shuba.

[2] Markaasaa waxaa tagtay middii kowaad, oo waxay fijaankeedii ku shubtay dhulka, oo wuxuu dadkii sumaddii bahalka lahaa oo caabuday sanamkiisii u noqday boog xun oo halis ah.

[3] Oo tii labaadna fijaankeedii waxay ku shubtay badda; markaasay baddii noqotay sidii nin dhintay dhiiggiis oo kale, oo waxyaalihii ku noolaa oo dhammu way wada dhinteen.

[4] Oo tii saddexaadna waxay fijaankeedii ku shubtay webiyaashii iyo ilihii biyaha ahaa; oo waxay noqdeen dhiig.

[5] Kolkaasaan maqlay malaa igtii biyaha oo leh, kan jira oo jirayow, adigu xaq baad tahay, adiga Qoduuska ahow, maxaa yeelay, sidaasaad wax u xukuntay;

[6] waayo, iyagu waxay daadiyeen dhiiggii qoduusiintii iyo nebiyadii, oo adiguna waxaad ka waraabisay dhiig; waayo, way istaahilaan.

[7] Oo haddana waxaan maqlay meeshii allabariga oo leh, Haah, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, waxaa run iyo xaq ah xukummadaada.

[8] Oo tii afraadna waxay fijaankeedii ku shubtay qorraxda; oo waxaa qorraxdii la siiyey amar ay dadka ku gubto.

[9] Markaasaa dadkii waxaa lagu gubay kulayl weyn, oo waxay caayeen magicii Ilaaha belaayooyinka u taliya, oo ma ay toobad keenin inay isaga ammaanaan.

[10] Oo tii shanaadna waxay fijaankeedii ku shubtay carshigii bahalka; boqortooyadiisiina way madoobaatay, oo iyana xanuun aawadiis ayay carrabkoodii la ruugeen,

[11] oo xanuunkoodii iyo nabarradoodii aawadood waxay caayeen Ilaaha samada, oo shuqulladoodiina kama ay toobad keenin.

[12] Oo tii lixaadna waxay fijaankeedii ku shubtay webiga weyn oo Yufraat; oo biyihiisiina way engegeen, in jidka loo diyaariyo boqorrada ka imanaya qorrax--ka-soo bax.

[13] Markaasaan arkay saddex jinni oo nijaas ah oo ka soo baxaya masduulaagii afkiisii, iyo bahalka afkiisii, iyo nebigii beenta ahaa afkiisii, oo waxay u ekaayeen rahyaal;

[14] waayo, waxay ahaayeen ruuxyo jinniyo oo calaamooyin samaynaya, kuwaas oo u taga boqorrada dunida oo dhan inay u soo ururiyaan dagaalka maalinta weyn oo Ilaaha Qaadirka ah.

[15] (Oo bal eeg, Anigu waxaan u imanayaa sida tuug oo kale. Haddaba waxaa barakadaysan kii soo jeeda oo dharkiisa dhawra sii uusan qaawanaan ugu socon oo aan cawradiisa loo arag.)

[16] Oo iyana waxay boqorradii ku soo ururiyeen meesha afka Cibraaniga lagu yidhaahdo Armageddoon.

[17] Oo tii toddobaadna waxay fijaankeedii ku shubtay hawada; markaasaa macbudkii waxaa ka soo baxay cod weyn oo ka yimid carshiga xaggiisa, wuxuuna lahaa, Way dhammaatay.

[18] Markaasaa waxaa dhacay hillaac iyo codad iyo onkod; oo waxaa dhacay dhulgariir weyn oo aan weligiis isagoo kale la arag intii dad dhulka joogay, oo wuxuu ahaa dhulgariir aad u weyn oo aad u xoog badan.

[19] Oo magaaladii weynaydna waxaa loo kala qaybiyey saddex meelood, oo magaalooyinkii quruumuhuna way wada dumeen; oo Baabuloontii weynaydna waxaa laga xusuustay Ilaah hortiisa in iyada la siiyo koobkii khamriga xanaaqa cadhadiisa.

[20] Oo gasiirad kastaaba way carartay, buurihiina lama helin.

[21] Oo waxaa samada ka soo daatay oo dadka ku soo dul daatay roob dhagaxyaale, oo dhagax kastaba miisaankiisu le'eg yahay talanti; markaasaa dadkii waxay Ilaah u caayeen belaayadii roob dhagaxyaalaha aawadeed, maxaa yeelay, belaayadiisu aad bay u weynayd.

Muujintii — Chapters