Skip to content
Opens in a new window

[1] Kanu waa eraygii Rabbiga oo reer Falastiin ku saabsanaa oo Nebi Yeremyaah u yimid intaan Fircoon Gaasa wax ku dhufan ka hor.

[2] Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, xagga woqooyi biyaa ka soo kici doona, oo waxay noqon doonaan webi aad u daadanaya, oo waxay qarqin doonaan dalka iyo waxa ku dhex jira oo dhan, iyo magaalada iyo waxa dhex degganba, oo markaas ayaa raggu qaylin doonaa, oo dadka dalka deggan oo dhammuna way wada ooyi doonaan.

[3] Guurdanka qoobabka fardihiisa xoogga badan iyo yaacidda gaadhifardoodyadiisa, iyo xiinka giraangirihiisa aawadood ayaa aabbayaashu ayan dib u dhugan doonin carruurtooda, waayo, gac mahoodu cabsi bay la taag gabeen,

[4] waana maalinta u imanaysa inay reer Falastiin wada baabi'iso, iyo inay kaalmeeye kasta oo hadhay Turos iyo Siidoon ka baabi'iso, waayo, Rabbigu wuxuu baabi'in doonaa reer Falastiin iyo kuwa hadhay ee gasiiradda Kaftoor oo dhan.

[5] Baroorashaa Gaasa heshay, Ashqeloonna waa lala baabi'iyey kuwii dooxadooda ku hadhay; ilaa goormaad isgoogooynaysaa?

[6] Rabbiga seeftiisay, ilaa goormaad xasilloonaan la'aanaysaa? Galkaaga gal, naso, oo xasilloonow.

[7] Sidee baad u xasilli kartaa, iyadoo uu Rabbigu ku amray? Ashqeloon iyo badda xeebteedaba ayuu iyada ku amray.

Yeremyaah — Chapters