Skip to content
Opens in a new window

[1] Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Haddana tag, oo waxaad jeclaataa naag la caashaqo oo dhillo ah, sida Rabbigu u jecel yahay dadka Israa'iil in kastoo ay ilaahyo kale u jeestaan, oo ay jeclaadaan wax sabiib ah.

[2] Sidaas daraaddeed iyadaan ku soo iibsaday shan iyo toban xabbadood oo lacag ah, iyo xomeer iyo badh oo shaciir ah.

[3] Oo waxaan iyada ku idhi, Waa inaad wakhti dheer ii joogtaa, oo aadan dhilloobin, oo aadan innaba nin kale naagtiis noqon, oo aniguna sidaas oo kalaan kuu ahaan doonaa.

[4] Waayo, dadka Israa'iil wakhti dheer bay joogi doonaan boqor la'aan, iyo amiir la'aan, iyo allabari la'aan, iyo tiir la'aan, iyo eefod la'aan, ama teraafiim la'aan.

[5] Oo markaas dabadeedna dadka Israa'iil way soo noqon doonaan, oo waxay doondooni doonaan Rabbiga Ilaahooda ah, iyo Daa'uud oo boqorkooda ah, oo ugu dambaysta ayay cabsi ula iman doonaan Rabbigooda iyo wanaaggiisa.

Hoosheeca — Chapters