Skip to content
Opens in a new window

[1] Sidaas daraaddeed, innagoo haysanna markhaatiyaal badan oo sida daruur u weyn oo inagu wareegsan, aynu iska dhigno culays kasta iyo dembiga dhibyaraanta inoogu dhegaya, oo aynu adkaysasho ku orodno tartanka ina hor yaal,

[2] innagoo fiirinayna Ciise oo ah Bilaabaha iyo Dhammeeyaha rumaysadkeenna, kii farxaddii hor tiil daraaddeed u adkaystay iskutallaabta, isagoo fududaysanaya ceebta, oo fadhiistay midigta carshiga Ilaah.

[3] Haddaba ka fiirsada kii u adkaystay hadalkii ka geesta ahaa oo dembiilayaasha inaydnan daalin oo aanay nafihiinnu itaal beelin.

[4] Idinkoo dembi la dagaallamaya weli iskama aydnaan celin ilaa dhiig idinka daato.

[5] Waxaad illowdeen waanada idiinla hadasha sida wiilal oo kale. Wiilkaygiiyow, ha fududaysan Rabbiga edbintiisa, Hana itaal beelin kolkuu ku canaanto.

[6] Waayo, ka uu Rabbigu jecel yahay ayuu edbiyaa, Wuuna karbaashaa wiil kasta oo uu aqbalo.

[7] U adkaysta edbinta. Ilaah wuxuu idiinla macaamiloodaa sida wiilal oo kale; waayo, waa wiilkee kan aanu aabbihii edbin?

[8] laakiin haddaan laydinku edbin edbinta laga wada qayb galo, haddaba waxaad tihiin garacyo, oo wiilashiisii ma ihidin.

[9] Oo weliba waxaynu lahayn aabbayaal xagga jidhka ah, oo ina edbiyey, oo waynu maamuusnay. Miyeynaan intaas in ka badan ka dambaynayn Aabbaha ruuxyada oo aynaan noolaannayn?

[10] Waayo, iyagu dhawr maalmood ayay inoo edbiyeen sidii la wanaagsanayd, laakiin isagu wuxuu inoo edbiya si inoo faa'iido ah si aynu uga qayb galno qoduusnimadiisa.

[11] Edbinina wakhtiga la joogo uma eka mid lagu farxo, laakiin waxay u eg tahay mid caloolxumo leh, laakiin dabadeedto waxay kuwii lagu edbiyey u dhashaa midho nabad iyo xaqnimo ah.

[12] Sidaas daraaddeed xoogeeya gacmaha taagta daran iyo jilbaha tabarta yar.

[13] Cagihiinnana waddooyin toosan u sameeya si aan curyaanku u murkacan laakiin u bogsado.

[14] Nabad kula dadaala dadka oo dhan, iyo qoduusnaanta aan la'aanteed ninna Rabbiga arki doonin.

[15] Fiiro u yeesha si aan ninna u gaadhi waayin nimcada Ilaah, waaba intaasoo xidid qadhaadhi soo baxaa oo idin dhibaa, oo qaar badanu ku nijaasoobaan e,

[16] Si aan dhillay u jirin ama qof cibaado la' sidii Ceesaw oo ahaa kii curadnimadiisii kala baxay wuxoogaa cunto ah.

[17] Waayo, waad og tihiin, xataa kolkuu dabadeedto jeclaaday inuu dhaxlo barakada, in loo diiday, in kastoo uu doondoonay, isagoo ilmo daadinaya, waayo, ma uu helin meel uu ka soo noqdo.

[18] Waayo, ma aydnaan iman buurtii la taaban karay, oo ololaysay, iyo madowgii, iyo gudcurkii, iyo duufaankii,

[19] iyo dhawaaqii buunka, iyo codkii erayada, oo ahaa codkii ay kuwii maqlay Muuse ka baryeen inaan eray dambe lagula hadlin.

[20] Waayo, uma ay adkaysan karin wixii lagu amray, markii lagu yidhi, Xataa haddii neef buurta taabto, waa la dhagxin doonaa.

[21] Muuqashadiina cabsi intay ka qabtay Muuse wuxuu yidhi, Aad iyo aad baan u cabsanayaa oo waan gariirayaa.

[22] laakiin idinku waxaad timaadeen Buur Siyoon iyo magaaladii Ilaaha nool oo ah Yeruusaalemtii jannada, oo waxaad u timaadeen guutooyin malaa'igo ah oo isu soo ururay,

[23] iyo kiniisadda curadyada oo ku qoran jannada, iyo Ilaaha ah Xaakinka wax kasta, iyo ruuxyada kuwa qumman oo la kaamilay,

[24] iyo Ciise oo ah dhexdhexaadiyaha axdiga cusub, iyo dhiigga rushaynta oo u hadla si ka wanaagsan kii Haabiil.

[25] Digtoonaada si aydnaan u diidin kan hadlaya: waayo, haddayan baxsan kuwii diiday kii dhulka ku waaniyey, si ka badan innaguna ma baxsan doonno haddaynu ka jeesanno kan jannada ka hadlaya,

[26] kan codkiisii wakhtigaas gariiriyey dhulka; laakiin hadda wuu ballan qaaday isagoo leh, Weliba mar kale ayaan gariirin doonaa dhulka, dhulka oo keliyana ma aha ee xataa samadana waan gariirin doonaa.

[27] Erayadii ahaa, Weliba mar kale, micnehoodu waxaa weeye in la qaadi doono waxyaalihii la gariiriyey sidii waxyaalo la sameeyey, si waxyaalihii aan la gariirinu u hadhaan.

[28] Sidaas daraaddeed innagoo helayna boqortooyo aan la gariirin karin, aynu mahad naqno si aynu Ilaah uga farxinno innagoo cibaado iyo cabsi ugu adeegayna;

[29] waayo, Ilaaheennu waa dab wax baabi'iya.

Cibraaniyada — Chapters