Skip to content
Opens in a new window

[1] laakiin waxaan leeyahay, Inta midka dhaxalka lahu ilmo yar yahay, waxba kama duwana addoon in kastuu yahay sayidka wax walba,

[2] laakiinse wuxuu ka hooseeyaa kuwa ilaaliya iyo wakiillo ilaa maalintii aabbihiis ka ballamay.

[3] Sidaas oo kale innagu markaynu carruur ahayn, waxaa ina addoonsan jiray waxyaalaha aasaaska ah ee dunida;

[4] laakiinse markii wakhtigii buuxsamay, Ilaah wuxuu soo diray Wiilkiisii, isagoo naag ka dhashay oo sharciga ku hoos dhashay,

[5] inuu furto kuwii sharciga ku hoos jiray inuu carruurtiis inaga dhigo.

[6] Oo wiilashiisa aad tihiin daraaddeed ayaa Ilaah u soo diray Ruuxa Wiilkiisa qalbiyadeenna dhexdooda, isagoo dhawaaqaya oo leh, Aabbow.

[7] Saasaadan mar dambe addoon u ahayn, laakiinse waxaad tahay wiilkiisa, oo haddaad wiilkiisa tahay, waxaadna tahay mid dhaxal leh xagga Ilaah.

[8] laakiinse markii aydnaan Ilaah garanayn, waxaad addoommo u ahaydeen kuwo aan ilaahyo ahayn xagga dabiicadda.

[9] laakiin haatan idinkoo Ilaah gartay ama Ilaah idin gartay, sidee baad mar kale ugu noqotaan waxyaalaha aasaaska oo miskiinnimada ah, tabartana daran, kuwa aad jeceshihiin inaad mar kale addoommo u noqotaan?

[10] Waxaad dhawrtaan maalmo, iyo bilo, iyo xilliyo, iyo sannado.

[11] Waxaan ka baqayaa inaan waxtar la'aan idinkugu hawshooday .

[12] Waxaan idinka baryayaa, walaalayaalow, inaad noqotaan sida aan ahay, waayo, anba waxaan ahay sida aad tihiin. Waxba iguma aydnaan xumayn.

[13] laakiin waad og tihiin in itaaldarrada jidhka aawadeed aan markii ugu horraysay injiilka idinku wacdiyey.

[14] Waxa ku saabsan jidhkayga oo idin jirrabay ma aydnaan quudhsan, mana aydnaan nicin, laakiin waxaad ii aqbasheen sidii malaa'ig Ilaah, xataa sidii Ciise Masiix.

[15] Haddaba meedey farxaddiinnii? Waayo, waxaan idiinku markhaati furayaa inaad ii bixin lahaydeen indhihiinna oo aad i siin lahaydeen, hadday suurtowbi lahayd.

[16] Haddaba cadowgiinnii miyaan noqday runta aan idiin sheego aawadeed?

[17] Aad bay idinku doondoonayaan si aan wanaagsanayn, laakiin waxay doo nayaan inay idinka kaayo xidhaan, si aad idinku iyaga u doon- doontaan.

[18] Waa wanaagsan tahay in aad loo doondoono wixii wanaagsan had iyo goorba, oo ayan ahayn markaan idinla joogo oo keliya.

[19] Carruurtaydiiyey, mar kalaan idin foolanayaa ilaa Masiix idinku dhex abuurmo.

[20] Waxaan jeclaan lahaa inaan haatan idinla joogo oo aan codkayga beddelo, waayo, waan idinka shakiyayaa.

[21] Kuwiinna doonaya inay sharciga ka hooseeyaanow, ii sheega. Sharciga miyeydnaan maqlin?

[22] Waayo, waxaa qoran in Ibraahim laba wiil lahaa, kii uu addoonta ka dhalay iyo kii uu naagta xorta ah ka dhalay.

[23] laakiin kii addoontu xagga jidhkuu ka dhashay, naagta xorta ah keediise ballan buu ku dhashay.

[24] Waxyaalahanu waa masaal, waayo, dumarkanu waxay ka dhigan yihiin laba axdi, mid Buur Siinay buu ka yimid isagoo u dhalaya addoonnimo, taasu waa Hagar.

[25] Hagartanu waa Buur Siinay oo Carabiya ku taal, oo waxay ka dhigan tahay Yeruusaalemta haatan joogta; waayo, waa la addoonsaday iyada iyo carruurteedaba.

[26] laakiinse Yeruusaalemta sare waa xor, waana hooyadeen.

[27] Waayo, waxaa qoran, Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay; Kala bax oo mashxarad, taada aan foolanay; Waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh kuweeda.

[28] Innaguna, walaalayaalow, waxaynu nahay carruurtii ballanka sida Isxaaq oo kale.

[29] laakiin markaas kii jidhka ka dhashay wuxuu silciyey kii Ruuxa ka dhashay, haatanna waa sidaas oo kale.

[30] laakiin maxaa Qorniinku leeyahay? Addoonta iyo wiilkeedaba eri, waayo, wiilka addoontu dhaxal la wadaagi maayo wiilka naagta xorta ah.

[31] Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, innagu ma nihin addoon carruurteed, laakiinse waxaynu nahay naagta xorta ah carruurteed.

Galatiya — Chapters